Somali

Lithuanian

Exodus

6

1Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.
1Viešpats atsakė Mozei:“Tu matysi, ką Aš padarysiu faraonui. Stiprios rankos priverstas, jis išleis juos; stiprios rankos priverstas, jis išvarys juos iš savo šalies”.
2Markaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga,
2Dievas kalbėjo Mozei: “Aš esu Viešpats.
3oo waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin.
3Aš pasirodžiau Abraomui, Izaokui ir Jokūbui kaip Dievas Visagalis, tačiau savo vardu Viešpats jiems neapsireiškiau.
4Oo weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.
4Aš įtvirtinau su jais sandorą, norėdamas jiems duoti Kanaano šalį, kurioje jie buvo ateiviai.
5Oo weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.
5Ir Aš išgirdau Izraelio vaikų, kuriuos yra pavergę egiptiečiai, vaitojimą, ir atsiminiau savo sandorą.
6Haddaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,
6Todėl sakyk izraelitams, kad Aš esu Viešpats; Aš jus išvesiu iš egiptiečių priespaudos, išlaisvinsiu iš vergystės ir išgelbėsiu jus savo ištiesta ranka ir dideliais teismais.
7oo waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.
7Aš jus priimsiu, kad būtumėte mano tauta, ir Aš būsiu jūsų Dievas, kad žinotumėte, jog esu Viešpats, jūsų Dievas, kuris jus išvedė iš egiptiečių vergijos.
8Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
8Aš nuvesiu jus į šalį, kurią pažadėjau duoti Abraomui, Izaokui ir Jokūbui; ją duosiu jums paveldėti, nes Aš esu Viešpats!”
9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.
9Mozė taip kalbėjo izraelitams, bet jie neklausė jo dėl dvasios suspaudimo ir žiaurios vergystės.
10Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,
10Viešpats kalbėjo Mozei:
11Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.
11“Eik, sakyk Egipto faraonui, kad jis išleistų izraelitus iš savo šalies!”
12Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, reer binu Israa'iil ima maqline, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqli doonaa, anigoo aan bushimaha ka xalaalaysnayn?
12Mozė atsakė Viešpačiui: “Izraelitai manęs neklauso, tai kaipgi manęs klausys faraonas? Mano lūpos neapipjaustytos”.
13Markaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.
13Ir Viešpats kalbėjo Mozei ir Aaronui, ir davė jiems įsakymą Izraelio vaikams ir faraonui, Egipto karaliui, kad išvestų Izraelio vaikus iš Egipto šalies.
14Kuwanu waa madaxdii reerihii awowayaashood, kuwanu waa reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil, Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii; kuwanu waa qolooyinkii reer Ruubeen.
14Šitie yra vyresnieji savo tėvų namuose. Izraelio pirmagimio Rubeno sūnūs: Henochas, Paluvas, Hecronas ir Karmis. Tai yra Rubeno giminės šeimos.
15Reer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.
15Simeono sūnūs: Jemuelis, Jaminas, Ohadas, Jachinas, Coharas ir kanaanietės sūnus Saulius. Tai yra Simeono giminės šeimos.
16Kuwanuna waa reer Laawi magacyadoodii, iyo sidii farcankoodii kala ahaayeen; Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Oo Laawi cimrigiisii wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.
16Šitie yra Levio sūnų vardai: Geršonas, Kehatas ir Meraris. Levis gyveno šimtą trisdešimt septynerius metus.
17Reer Gershoon, iyo sidii qolooyinkoodu kala ahaayeenna waa Libnii iyo Shimcii.
17Geršono sūnūs: Libnis ir Šimis.
18Reer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood.
18Kehato sūnūs: Amramas, Iccharas, Hebronas ir Uzielis. Kehatas gyveno šimtą trisdešimt trejus metus.
19Reer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.
19Merario sūnūs: Machlis ir Mušis. Tai yra Levio giminė pagal savo šeimas.
20Oo Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.
20Amramas vedė savo tetą Jochebedą. Ji pagimdė Aaroną ir Mozę. Amramas gyveno šimtą trisdešimt septynerius metus.
21Reer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.
21Iccharo sūnūs: Korachas, Nefegas ir Zichris.
22Reer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii.
22Uzielio sūnūs: Mišaelis, Elicafanas ir Sitris.
23Haaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
23Aaronas vedė Elišebą, Aminadabo dukterį, Naasono seserį. Ji pagimdė Nadabą, Abihuvą, Eleazarą ir Itamarą.
24Reer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.
24Koracho sūnūs: Asiras, Elkana ir Abiasafas. Tai yra korachų šeimos.
25Markaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen.
25Aarono sūnus Eleazaras vedė vieną iš Putielio dukterų. Ji pagimdė Finehasą. Šitie yra Levio giminės šeimų vyresnieji.
26Kuwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin.
26Aaronas ir Mozė yra tie, kuriems Viešpats įsakė išvesti izraelitus iš Egipto šalies.
27Kuwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas.
27Jie yra tie, kurie kalbėjo faraonui, Egipto karaliui, kad išvestų izraelitus iš Egipto.
28Maalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga,
28Viešpats kalbėjo Mozei Egipto šalyje,
29wuxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan.Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?
29sakydamas: “Aš esu Viešpats! Pasakyk faraonui, Egipto karaliui, visa, ką tau kalbu”.
30Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?
30Bet Mozė sakė Viešpaties akivaizdoje: “Aš esu neapipjaustytomis lūpomis, kaip manęs klausys faraonas?”