1Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
1Viešpats sakė Mozei: “Eik pas faraoną ir jam sakyk: ‘Taip sako Viešpats, hebrajų Dievas: ‘Išleisk mano žmones, kad jie man tarnautų!
2Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,
2Jei jų neišleisi ir nepaliausi jų laikęs,
3bal ogow, gacanta Rabbigu waxay ku dhici doontaa xoolahaaga berrinka jooga, ha ahaadeen fardaha, dameeraha, geela, lo'da, iyo adhigaba; waxaana dhici doona cudur baas.
3Viešpaties ranka bus ant tavo lauke besiganančių gyvulių: arklių, asilų, kupranugarių, avių ir galvijųbus labai sunkus maras.
4Oo Rabbigu waa kala sooci doonaa xoolaha reer binu Israa'iil iyo xoolaha Masar; oo waxa reer binu Israa'iil ay leeyihiinna waxba kama dhiman doonaan.
4Viešpats atskirs izraelitų ir egiptiečių gyvulius; niekas nežus, kas priklauso izraelitams’ ”.
5Rabbiguna wakhti buu u qabtay, isagoo leh, Berri Rabbigu waxan ayuu dalka dhexdiisa ku samayn doonaa.
5Ir Viešpats paskyrė laiką, sakydamas: “Rytoj Viešpats įvykdys šitą dalyką krašte!”
6Rabbiguna waxaas waa sameeyey maalintii dambe, oo xoolihii Masar oo dhammuna way wada bakhtiyeen; laakiinse xoolihii reer binu Israa'iil midna kama bakhtiyin.
6Kitą rytą Viešpats įvykdė tai: visi egiptiečių gyvuliai nugaišo, bet iš izraelitų gyvulių nepražuvo nė vienas.
7Markaasaa Fircoon cid diray, oo bal eeg, xoolihii reer binu Israa'iil xataa mid kama bakhtiyin. Laakiinse Fircoon wuu madax adkaaday, dadkiina siima uu dayn inay tagaan.
7Faraonas pasiuntė pasižiūrėti. Pasirodė, kad izraelitų gyvulių nė vienas nebuvo nugaišęs. Tačiau faraono širdis liko kieta ir jis neišleido tautos.
8Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.
8Tada Viešpats tarė Mozei ir Aaronui: “Imkite pilnas saujas pelenų iš krosnies ir Mozė teberia juos į orą faraono akivaizdoje.
9Oo waxay noqon doontaa habaas dhulka Masar oo dhan dul yaal, oo dalka Masar oo dhan waxaa dadka iyo duunyadaba ka soo bixi doona boogo xunxun.
9Jie taps dulkėmis visoje Egipto šalyje, ir ant žmonių bei gyvulių iškils votys su pūslėmis”.
10Markaasay qaadeen dambaskii foornada, oo waxay hor istaageen Fircoon; kolkaasaa Muuse xagga samada kor ugu saydhay, markaasaa dadkii iyo duunyadiiba waxaa ka soo wada baxay boogo xunxun.
10Jie pasiėmė pelenų iš krosnies ir, atsistoję prieš faraoną, išbėrė juos į orą. Ir atsirado votys ant žmonių ir gyvulių.
11Oo saaxiriintiina Muuse ma ay hor istaagi karin boogaha dartood, waayo, booguhu waxay ka soo bexeen saaxiriintii iyo Masriyiintii oo dhan.
11Žyniai negalėjo pasirodyti Mozei, nes votys buvo ant jų ir visų egiptiečių.
12Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.
12Tačiau Viešpats užkietino faraono širdį, ir jis neklausė jų, kaip Viešpats ir buvo sakęs Mozei.
13Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.
13Tada Viešpats tarė Mozei: “Atsikelk anksti rytą, nueik pas faraoną ir sakyk: ‘Taip sako Viešpats, hebrajų Dievas: ‘Išleisk mano tautą man tarnauti.
14Waayo, waxaan markan qalbigaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba ku soo dayn doonaa belaayadayda oo dhan, inaad ogaatid inaan dhulka oo dhan lagu arag mid anoo kale ah.
14Nes šį kartą Aš siųsiu įvairias negalias ir vargus tau, tavo tarnams ir tavo žmonėms, kad žinotum, jog nėra man lygaus visoje žemėje.
15Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,
15Aš galėjau ištiesti savo ranką ir ištikti tave ir tavo tautą maru, kad būtumėte visi pranykę nuo žemės paviršiaus.
16laakiin sababtan aawadeed ayaan kuu taagay, inaan xooggayga kaa muujiyo iyo in magacayga laga sheego dhulka oo dhan.
16Bet Aš tam išaukštinau tave, kad parodyčiau savo galią ir mano vardas būtų skelbiamas visoje žemėje.
17Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
17Tu vis dar didžiuojiesi prieš mano tautą ir neišleidi jos.
18Bal ogow, berrito haddaa oo kale waxaan soo daadin doonaa roobdhagaxyaale baas oo aan weligiis lagu arag Masar tan iyo maalintii la dhisay ilaa haatan.
18Rytoj apie šitą laiką kris labai smarki kruša, kokios nėra buvę Egipte nuo jo įsikūrimo dienos.
19Haddaba cid u dir oo la soo dhaqso lo'daada iyo waxa berrinka kuu jooga oo dhan; waayo, dad iyo duunyo wixii berrinka laga helo oo dhan oo aan guryaha la soo gelin, waxaa ku soo degi doona roobka dhagaxyada leh, wayna dhiman doonaan.
19Taigi dabar siųsk žmones surinkti iš lauko gyvulius ir visa, kas tau priklauso. Visi žmonės ir gyvuliai, kurie bus lauke ir nebus parvesti namo, krušai krintant, pražus’ ”.
20Markaasaa mid kasta oo addoommadii Fircoon ka mid ahaa oo ka cabsanayay ereygii Rabbiga, addoommadiisii iyo lo'diisii ayuu xagga guryaha u eryay;
20Faraono tarnai, kurie bijojo Viešpaties, sugabeno į namus savo tarnus ir gyvulius.
21kii aan dan ka lahayn ereygii Rabbigase addoommadiisii iyo lo'diisiiba ayuu berrinka ku daayay.
21O kas nekreipė dėmesio į Viešpaties žodį, paliko savo tarnus ir gyvulius lauke.
22Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacanta xagga samada u fidi, in roobka dhagaxyada leh ku soo dego dalka Masar oo dhan, dadka dushiisa iyo duunyada dusheeda iyo dhalatada duurka ku taal dusheeda oo dhan ee dalka Masar dhammaantiis.
22Viešpats tarė Mozei: “Ištiesk savo ranką, kad kristų kruša visoje Egipto šalyje: ant žmonių, gyvulių ir visos laukų augmenijos”.
23Markaasaa Muuse ushiisii u fidiyey xagga samada, oo Rabbigu wuxuu soo diray onkod iyo roobdhagaxyaale, waxaana dhulka ku soo degay dab; oo Rabbigu wuxuu dalkii Masar ku soo daayay roobdhagaxyaale.
23Mozė ištiesė lazdą, ir Viešpats pasiuntė perkūniją, krušą ir žaibus. Viešpats siuntė krušą į visą Egipto žemę.
24Sidaas daraaddeed waxaa ku soo da'ay roobdhagaxyaale baas, roobka dhagaxyada lehna waxaa ku qaldanaa dab, kaas oo kalena weligiis kama di'in dalka Masar oo dhan tan iyo maalintii ay quruun noqotay ilaa haatan.
24Kruša susimaišė su žaibais ir buvo tokia smarki, kokios Egipto šalis nebuvo mačiusi.
25Oo roobkii dhagaxyada lahaana wuxuu laayay wax alla wixii dalka Masar oo dhan duurkiisa joogay, dad iyo duunyoba; oo dhalatadii duurka oo dhanna roobkii dhagaxyada lahaa baa laayay, oo dhirtii duurka oo dhanna wuu jejebiyey.
25Kruša išmušė Egipto šalyje visa, kas buvo lauke: žmones, gyvulius, augalus ir medžius.
26Waxaa keliyahoo aan roobdhagaxyaale ku di'in dalkii Goshen oo reer binu Israa'iil joogeen.
26Tik Gošeno krašte, kur gyveno izraelitai, nebuvo krušos.
27Markaasaa Fircoon cid u diray, oo u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Markan waan dembaabay; Rabbigu waa xaq, aniga iyo dadkaygubana shar baannu leennahay.
27Faraonas, pasišaukęs Mozę ir Aaroną, jiems kalbėjo: “Aš nusidėjau! Viešpats yra teisus, o aš ir mano tauta esame nusikaltę.
28Bal Rabbiga noo barya, waayo, roobkan dhagaxyada leh iyo onkodkan weynu waa nagu filan yihiin; oo waan idin sii dayn doonaa, oo idinku mar dambe sii joogi maysaan innaba.
28Melskite Viešpatį, kad liautųsi stipri perkūnija ir kruša! Aš jus išleisiu ir daugiau nebesulaikysiu”.
29Kolkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, Isla markii aan ka baxo magaalada ayaan gacmahayga u kala bixin doonaa Rabbiga, oo onkodku waa joogsan doonaa, roobdhagaxyaale dambena ma jiri doono, si aad adigu u ogaatid inuu Rabbigu dhulka leeyahay.
29Mozė jam atsakė: “Kai tik išeisiu iš miesto, pakelsiu rankas į Viešpatį. Tada perkūnija ir kruša liausis, kad žinotum, jog Viešpačiui priklauso visa žemė.
30Laakiin waan ogahay in adiga iyo addoommadaadu aydnaan weli ka cabsanayn Rabbiga Ilaaha ah.
30Bet aš žinau, kad nei tu, nei tavo tarnai dar nesibijote Viešpaties Dievo”.
31Oo cudbigii iyo shaciirkiiba waa baabbe'een; waayo, shaciirku waa midhaystay, cudbigana ubax baa ka baxayay.
31Linus ir miežius kruša išmušė, nes miežiai buvo išplaukę ir linai jau žydėjo.
32Laakiinse sarreenkii waxba kuma dhicin; waayo, weli aad uma uu bixin.
32Bet kviečių ir rugių neišmušė, nes jie vėliau pribręsta.
33Oo Muusena magaaladii buu ka baxay, wuuna ka tegey Fircoon, oo gacmihiisii buu u kala bixiyey Rabbiga. Markaasaa onkodkii iyo roobkii dhagaxyada lahaaba joogsadeen, roobkiina dhulka kuma shubmin.
33Mozė išėjo nuo faraono iš miesto ir iškėlė rankas į Viešpatį: perkūnija ir kruša liovėsi, lietus nustojo lijęs.
34Fircoonna kolkuu arkay inay joogsadeen roobkii iyo roobdhagaxyaalihii iyo onkodkiiba, ayuu weliba sii dembaabay, oo qalbigiisiina wuu sii qallafiyey, isaga iyo addoommadiisiiba.Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.
34Bet faraonas, matydamas, kad liovėsi lietus, kruša ir perkūnija, vėl nusidėjo ir užkietino savo širdį kartu su savo tarnais.
35Oo Fircoon qalbigiisiina waa sii qallafsanaaday, oo reer binu Israa'iilna siima uu dayn inay tagaan, sidii Rabbigu Muuse afkiisa kaga hadlay.
35Faraono širdis pasiliko užkietėjusi, ir jis neišleido Izraelio vaikų, kaip Viešpats ir buvo sakęs Mozei.