Somali

Lithuanian

Ezekiel

11

1Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
1Dvasia pakėlė mane ir nunešė prie Viešpaties šventyklos rytinių vartų. Ten, prie vartų, mačiau dvidešimt penkis vyrus, tarp jų ir kunigaikščius: Jaazaniją, Azūro sūnų, ir Pelatiją, Benajo sūnų.
2Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
2Jis tarė: “Žmogaus sūnau, šitie vyrai kuria pavojingus planus ir duoda piktus patarimus šiam miestui.
3Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
3Jie sako: ‘Dar toli; statykime namus. Miestas yra katilas, o mes­ mėsa!’
4Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
4Todėl, žmogaus sūnau, pranašauk prieš juos”.
5Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
5Viešpaties Dvasia kalbėjo: “Sakyk: ‘Taip sako Viešpats: ‘Aš žinau, ką jūs sakote ir ką galvojate.
6Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
6Jūs daugelį nužudėte šiame mieste, jų lavonų pripildėte gatves’.
7Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
7Todėl taip sako Viešpats: ‘Jūsų užmuštieji­tai mėsa, o miestas­ katilas. Bet jus Aš pašalinsiu iš miesto.
8Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
8Jūs bijote kardo, ir Aš atiduosiu jus kardui.
9Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
9Aš pašalinsiu jus iš miesto, atiduosiu svetimšaliams ir įvykdysiu jums teismą.
10Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
10Jūs krisite nuo kardo. Aš teisiu jus prie Izraelio sienos, ir jūs žinosite, kad Aš esu Viešpats.
11Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
11Miestas nebus jums katilu ir jūs nebūsite mėsa jame. Aš teisiu jus prie Izraelio sienos.
12Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
12Jūs žinosite, kad Aš esu Viešpats. Jūs nesilaikėte mano įsakymų ir nevykdėte mano sprendimų, bet elgėtės kaip aplink jus gyvenantys pagonys’ ”.
13Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
13Man pranašaujant, mirė Pelatijas, sūnus Benajo. Aš kritau veidu žemėn, balsiai šaukdamas: “Ak, Viešpatie Dieve, ar Tu visai sunaikinsi Izraelio likutį?”
14Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
14Viešpats atsakė:
15Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
15“Žmogaus sūnau, tavo broliai, taip, tavo broliai, yra gyvenantys su tavimi tremtyje, apie kuriuos Jeruzalės gyventojai sako: ‘Jie gyvena toli nuo Viešpaties, o mums duotas šis kraštas!’
16Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
16Aš juos toli išvijau ir išsklaidžiau tarp pagonių tautų, tačiau būsiu jiems šventykla tuose kraštuose.
17Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
17Aš juos surinksiu ir sugrąžinsiu iš tų tautų, kuriose juos išsklaidžiau, ir duosiu jiems Izraelio kraštą.
18Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
18Sugrįžę jie pašalins visas šlykštybes ir bjaurystes.
19Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
19Aš duosiu jiems vieną širdį ir įdėsiu jiems naują dvasią. Aš išimsiu iš jų kūno akmeninę širdį ir duosiu jiems kūno širdį.
20si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
20Jie laikysis mano įsakymų ir vykdys mano nuostatus. Jie bus mano tauta, ir Aš būsiu jų Dievas.
21Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
21O kurių širdys seka šlykštybes ir bjaurystes, tų kelius sugrąžinsiu ant jų galvų,­sako Viešpats Dievas”.
22Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
22Cherubai pakėlė sparnus, ratai pajudėjo su jais, o Izraelio Dievo šlovė buvo virš jų.
23Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
23Viešpaties šlovė pakilo iš miesto vidurio ir nusileido ant kalno į rytus nuo miesto.
24Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.
24Po šitų Dievo Dvasios regėjimų dvasia pakėlė mane ir nunešė Chaldėjon pas tremtinius. Regėjimas, kurį mačiau, išnyko.
25Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.
25Aš papasakojau tremtiniams visa, ką Viešpats man regėjime parodė ir pasakė.