1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:
2“Žmogaus sūnau, pranašauk prieš Izraelio pranašus, kurie pranašauja tai, kas yra jų pačių širdyse: ‘Pasiklausykite Viešpaties žodžių!
3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.
3Taip sako Viešpats: ‘Vargas kvailiems pranašams, sekantiems savo pačių dvasia ir nieko nemačiusiems.
4Reer binu Israa'iilow, nebiyadiinnu waxay la mid ahaayeen dawacooyinka meelaha baabba'a ah jooga.
4Izraeli, tavo pranašai yra lyg lapės griuvėsiuose.
5Idinku meelihii jajabnaa ma aydaan u kicin, oo heeraarkiina reer binu Israa'iil uma aydaan adkayn, si maalinta Rabbiga dagaalka loogu istaago.
5Jūs nestojote į Izraelio namų spragas ir nestatėte sienų aplinkui juos, kad atsilaikytų kovoje Viešpaties dieną.
6Iyagu waxay arkeen wax aan waxba ahayn iyo faal been ah, oo waxay yidhaahdaan, Rabbigu saasuu leeyahay, iyadoo aan Rabbigu iyaga soo dirin. Oo waxay kuwa kale ka yeeleen inay sii rajeeyaan in eraygaas la xaqiijin doono.
6Jie kalbėjo apgaulę ir pranašavo melą. Jie sakė: ‘Taip sako Viešpats’, kai Viešpats nebuvo jų siuntęs, ir suteikė viltį, kad jų žodžiai išsipildys.
7Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?
7Ar jūs ne apgaulę kalbėjote ir ne melą pranašavote, sakydami: ‘Taip sako Viešpats’, kai Aš nekalbėjau.
8Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
8Kadangi jūs kalbėjote apgaulę ir pranašavote melą, Aš esu prieš jus.
9Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
9Mano ranka bus prieš pranašus, reginčius apgaulę ir pranašaujančius melą. Jie nepriklausys mano tautai, nebus įrašyti į Izraelio namų sąrašą ir nesugrįš į Izraelio kraštą. Tada jūs žinosite, kad Aš esu Viešpats.
10Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.
10Jie suvedžiojo mano tautą, sakydami: ‘Taika’, kai tuo tarpu nebuvo taikos. Kai jie stato sieną iš akmenų, kiti aptepa ją kalkėmis.
11Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas.
11Sakyk tiems, kurie tepa sieną kalkėmis, kad ji sugrius, užėjus smarkiam lietui, siaučiant audrai.
12Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen?
12Kai ji sugrius, ar neklaus jūsų: ‘Kur tinkas, kuriuo aptepėte sieną?’
13Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigoo cadhaysan ayaan dabayl duufaan leh ku dumin doonaa. Oo waxaa xanaaqayga ku iman doona roob daad weyn iyo roobdhagaxyaale waaweyn oo cadhadayda ku baabbi'iya.
13Aš užsirūstinęs užleisiu griaunančią audrą ir smarkų lietų. Lietus nuplaus tinką, ir mano rūstybės kruša sunaikins ją.
14Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
14Aš nugriausiu jūsų kalkėmis apteptą sieną iki pamatų. Ji grius, ir jūs žūsite kartu su ja. Tada žinosite, kad Aš esu Viešpats.
15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.
15Aš išliesiu savo rūstybę ant sienos ir jos aptepėjų ir sakysiu: ‘Nebėra sienos ir tų, kurie ją aptepė:
16Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
16Izraelio pranašų, Jeruzalei pranašavusių taiką, kai taikos nebuvo,sako Viešpats Dievas’.
17Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa.
17Tu, žmogaus sūnau, atsisuk į tautos dukteris, kurios pranašauja iš savo širdžių ir pranašauk prieš jas.
18Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay naagaha gacmaha oo dhan xirsiyo ku sameeya oo masarro madaxa dadka dherer kastaba leh u sameeya si ay dad naftiis u ugaadhsadaan! Ma waxaad ugaadhsanaysaan dadkayga naftiisa, oo ma waxaad badbaadinaysaan kuwiinna naftooda?
18Sakyk joms: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Vargas moterims, siuvančioms burtų raiščius rankoms ir šydus visų žmonių galvoms, kad juos sugautų. Ar, gaudydamos mano tautos žmones, pačios tikitės išlikti gyvos?
19Waxaad dadkaygii iigu dhex nijaasayseen cantoobooyin shaciir ah iyo dhawr xabbadood oo kibis ah daraaddood, si aad nafaha aan dhiman lahayn u dishaan, oo aad nafaha aan sii noolaan lahayn badbaadisaan, idinkoo dadkayga beenta dhegaysta been u sheegaya.
19Jūs teršiate mane tautoje dėl saujos miežių ir dėl duonos kąsnio, pražudydamos sielas, kurios neturėtų pražūti, ir palikdamos gyvas sielas, kurios neturėtų gyventi, meluodamos mano tautai, kuri klauso jūsų melų’.
20Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu xirsiyadiinna col baan ku ahay, kuwaasoo aad nafaha sida shimbirro oo kale ugu ugaadhsataan, oo gacmihiinna ayaan ka gooyn doonaa, oo nafahana waan sii dayn doonaa, kuwaas oo ah nafihii aad u ugaadhsateen sida shimbirro oo kale.
20Todėl taip sako Viešpats Dievas: ‘Burtų raiščius, kuriais gaudote sielas, Aš nuplėšiu nuo jūsų rankų ir sugautuosius paleisiu į laisvę.
21Oo weliba masarradiinnana waan jeexi doonaa, oo dadkaygana gacantiinna waan ka samatabbixin doonaa, oo mar dambena gacantiinna in la ugaadhsado aawadeed uma soo geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
21Taipgi nuplėšiu šydus ir savo tautą išlaisvinsiu iš jūsų rankų. Tada žinosite, kad Aš esu Viešpats.
22Idinku kan xaqa ah been baad ku qalbi jebiseen, kaasoo aanan anigu qalbi jebin, oo waxaad sii xoogayseen gacmihii sharrowga si uusan jidkiisa sharka ah uga soo noqon, oo uusan u badbaadin,sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
22Kadangi savo melais jūs nuliūdinote teisiojo širdį, kurios Aš nenorėjau liūdinti, o nedorėlio rankas sustiprinote, kad neatsiverstų nuo savo pikto kelio ir gyventų,
23sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
23todėl jūs neberegėsite apgaulės ir liausitės žyniavę, nes Aš išgelbėsiu savo tautą iš jūsų rankų, ir jūs žinosite, kad Aš esu Viešpats’ ”.