Somali

Lithuanian

Ezekiel

17

1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, halxidho, oo reer binu Israa'iil masaal kula hadal,
2“Žmogaus sūnau, užmink mįslę ir papasakok šį palyginimą Izraeliui.
3oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa Lubnaan yimid gorgor weyn oo baadad waaweyn oo baalashiisu dheerdheer yihiin, oo baalal badan oo kala midab ah leh, oo wuxuu qaatay intii ugu sarraysay oo geedka kedarka la yidhaahdo.
3Sakyk: ‘Taip sako Viešpats: ‘Didelis erelis ilgais išskėstais sparnais su įvairiaspalvėmis plunksnomis atskrido į Libaną. Jis nulaužė kedro viršūnę,
4Oo wuxuu jaray laamihiisii yaryaraa, ta ugu korraysa, oo dal baayacmushtar badan geeyey, oo wuxuu dhigay magaalo baayacmushtariyaal.
4nuskynė jauną ūglį ir, nunešęs jį į pirklių kraštą, pasodino prekybos mieste.
5Markaasuu qaatay iniinihii dalka, wuuna ku dhex beeray beer wanaagsan, oo wuxuu ag dhigay biyo badan dhinacood oo u qotomiyey sidii geed safsaf ah.
5Tada jis paėmė šios žemės sėklą ir pasodino ją derlingoje, drėgnoje dirvoje.
6Oo iyana way kortay, oo waxay noqotay geed canab ah oo fidsan laakiinse sarajooggiisu gaaban yahay oo laamihiisu xaggiisa u soo noqdeen, oo xididdadiisuna isagay ka hooseeyeen, oo saasuu geedcanab u noqday, oo uu laamo u soo bixiyey, oo uu caleemo cagaar ah u soo saaray.
6Ji augo ir tapo žemu, vešliu vynmedžiu su atžalomis ir šakelėmis.
7Oo weliba waxaa kaloo jiray gorgor kale oo weyn, oo baadad waaweyn, oo baalashiisu ay badan yihiin, oo bal eeg, geedkan canabka ahu xididdadiisuu xaggiisa u soo leexiyey, oo laamihiisiina xaggiisuu u soo bixiyey si uu uga waraabiyo meel ka leexsan meeshii lagu dhex beeray.
7Atskrido kitas didelis erelis ilgais sparnais ir su daugybe plunksnų. Vynmedis kreipė į jį savo šaknis ir tiesė į jį šakeles iš savo lysvės, kad šis jį palaistytų.
8Waxaa lagu beeray ciid wanaagsan oo biyo badan u dhow, si uu laamo u soo bixiyo, oo uu midho u dhalo, oo uu geedcanab wanaagsan u noqdo aawadeed.
8Jis buvo pasodintas drėgnoje, derlingoje žemėje, kur galėjo vešliai augti, leisti šakeles, nešti vaisius ir būti geras vynmedis’.
9Waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Miyaa geedkaasu liibaani doonaa? Miyuusan xididdadiisa rujin doonin, oo uusan midhihiisa u googooyn doonin si uu u engego, oo caleemihiisa cagaarka ah oo dhammu ay u engegaan, in kastoo aan xoog weyn amase dad tiro badanu xididdadiisa rujin?
9Sakyk: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Ar jam seksis? Ar erelis neišraus jo šaknų ir nesudraskys vaisių, ar jo žaliuojančios šakelės nenuvys? Nereikės ir daugelio vyrų didelės jėgos, kad jį išrautų.
10In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.
10Ar jis persodintas augs? Ar kai rytų vėjas jį palies, jis nenuvys? Jis nudžius lysvėje, kurioje auga’ ”.
11Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
11Viešpats vėl man kalbėjo:
12Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.
12“Kalbėk maištingai tautai: ‘Ar nesuprantate, ką tai reiškia? Štai atėjo Babilono karalius į Jeruzalę, paėmė karalių su kunigaikščiais ir nusivedė juos į Babiloną.
13Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa,
13Su karaliaus palikuoniu jis padarė sandorą ir jį prisaikdino. Krašto galinguosius jis išgabeno,
14si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.
14kad karalystė būtų pažeminta ir neklestėtų, kad ji išliktų, laikydamasi jo sandoros.
15Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa?
15Bet jis sukilo prieš jį ir siuntė pasiuntinius į Egiptą, prašydamas žirgų ir daug žmonių. Ar jam seksis? Ar išliks tas, kuris taip daro? Ar, sulaužęs sandorą, jis bus išgelbėtas?
16Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa.
16Kaip Aš gyvas,­sako Viešpats,­jis mirs Babilone, krašte to karaliaus, kuris padarė jį karaliumi, kurio priesaiką jis paniekino ir sulaužė sandorą.
17Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo.
17Faraonas su didele kariuomene bei daugybe karių jam nepadės, kai babiloniečiai bus supylę pylimus ir padarę įtvirtinimus žmonių pražūčiai.
18Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono.
18Jis paniekino priesaiką ir sulaužė sandorą, kai buvo padavęs ranką ir prisiekęs. Tai padaręs, jis neištrūks’.
19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa.
19Todėl Viešpats Dievas sako: ‘Kadangi jis mano priesaiką paniekino ir mano sandorą sulaužė, kaip Aš gyvas­atlyginsiu jam už tai.
20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
20Aš jį pagausiu, nugabensiu į Babiloną ir ten su juo bylinėsiuosi dėl ištikimybės sulaužymo.
21Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.
21Jo karių rinktiniai būriai kris nuo kardo; kurie išliks, tuos išsklaidysiu į visus vėjus. Tada jūs žinosite, kad Aš, Viešpats, tai kalbėjau.
22Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan qaadan doonaa geedkedarka dheer laantiisa ugu sarraysa, oo meel baan ka taagi doonaa, oo waxaan gooyn doonaa mid curdan ah oo ka mid ah laamihiisa yaryar oo ugu korreeya, oo waxaan ku dul beeri doonaa buur dheer oo sare.
22Aš pats aukšto kedro viršūnę nulaušiu, ūglį nuskinsiu ir pasodinsiu aukštai iškilusiame kalne.
23Buurta dheer oo dalka reer binu Israa'iil ayaan ku beeri doonaa, oo waxay soo bixin doontaa laamo, oo midhona way dhali doontaa, oo waxay noqon doontaa geedkedar wanaagsan, oo waxaa hoostiisa ku hoyan doona haad cayn kasta ah, oo waxay degganaan doonaan hooska laamihiisa.Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.
23Jis, pasodintas aukštame Izraelio kalne, išleis šakas, neš vaisių ir išaugs didingu kedru. Įvairūs sparnuočiai gyvens po juo, paukščiai kraus lizdus jo šakų ūksmėje.
24Oo dhirta duurka ku taal oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan geedkii sare hoos u dejiyey, oo aan geedkii hoose kor u qaaday, iyo inaan geedkii qoyanaa qallajiyey, oo aan geedkii qallalnaa magooliyey. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas sameeyey.
24Visi krašto medžiai žinos, kad Aš, Viešpats, pažeminu aukštą medį ir paaukštinu žemą, žaliuojantį medį nudžiovinu ir sausą darau žaliuojantį. Aš, Viešpats, pasakiau ir įvykdžiau’ ”.