1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil.
2“Žmogaus sūnau, žvelk į Jeruzalę, kalbėk prieš šventyklą ir pranašauk prieš Izraelį.
3Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.
3Sakyk Izraelio kraštui: ‘Taip sako Viešpats Dievas: ‘Aš esu prieš tave; ištraukęs kardą iš makšties, sunaikinsiu tavo teisiuosius ir nedorėlius.
4Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba.
4Kadangi naikinsiu ir teisiuosius, ir nedorėlius, tai mano kardas siaus nuo pietų iki šiaurės.
5Oo binu-aadmiga oo dhammuba waxay wada ogaan doonaan in aniga Rabbiga ahu aan seeftaydii galkeedii ka soo bixiyey, oo mar dambena dib uma ay noqon doonto.
5Tada kiekvienas žinos, jog Aš, Viešpats, ištraukęs kardą iš makšties, jo nepadėsiu’.
6Haddaba Wiilka Aadamow, taah. Qalbijab iyo si qadhaadh hortooda ugu taah.
6Tu, žmogaus sūnau, dejuok ir dūsauk jų akivaizdoje, lyg būtum baisioje kančioje.
7Oo markay kugu yidhaahdaan, War maxaad la taahaysaa? waxaad ugu jawaabtaa, Waxaan la taahayaa warka soo socda aawadiis. Qalbi kastaaba waa dhalaali doonaa, oo gacan kastaaba way taag gabi doontaa, oo naf kastaaba way qalbi jabi doontaa, oo qof kasta jilbihiisu sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, way soo socotaa, wayna ahaanaysaa.
7Kai jie tave klaus: ‘Kodėl dūsauji?’, atsakyk jiems: ‘Dėl žinios, kuri ateina’. Širdys liūdės, rankos suglebs, drąsa išnyks, keliai drebės. Tai ateina ir įvyks,sako Viešpats Dievas”.
8Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
8Viešpats kalbėjo man:
9Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey.
9“Žmogaus sūnau, pranašauk: ‘Taip sako Viešpats: ‘Kardas pagaląstas ir nušveistas.
10Waxaa loo afeeyey inay aad wax u layso, oo waxaa loo safeeyey inay sida hillaac u dhalaasho. Haddaba miyaynu rayraynaa? Usha wiilkaygu waxay quudhsataa geed kasta.
10Pagaląstas žudyti, nušveistas, kad blizgėtų kaip žaibas. Ar mes galime džiaugtis? Jis paniekina mano sūnaus skeptrą kaip paprastą lazdą.
11Oo seefta waxaa loo dhiibay in la safeeyo si wax loogu isticmaalo. Seefta waxaa loo soo afeeyey oo loo soo safeeyey in gacanta loo geliyo kan wax laaya.
11Kardas nušveistas, pagaląstas ir įduotas į žudiko rankas’.
12Wiilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax.
12Žmogaus sūnau, šauk ir dejuok! Jis paruoštas mano tautai, visiems Izraelio kunigaikščiams. Siaubas dėl kardo apims tautą. Plok sau per šlaunis.
13Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa jira tijaabin, oo maxaa jiri doona xataa hadday usha wax quudhsata aanay mar dambe sii jiri doonin?
13Tai išbandymas; kardas paniekins netgi skeptrą ir jo nebebus, sako Viešpats Dievas.
14Haddaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda.
14Žmogaus sūnau, pranašauk, suplok rankomis. Tegu trečią kartą kardas žudo du kartus daugiau; tai žudymo kardas, siekiąs visus.
15Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed!
15Aš nukreipiau kardą į vartus, kad širdys išsigąstų ir kritusiųjų padaugėtų. Kardas nušveistas blizga, pagaląstas žudynėms.
16Dadka ururi, xagga midigta u jeeso, dagaal isu diyaari, xagga bidixdana u jeeso, wejigaaga dhinac kasta u jeedi.
16Kirsk į dešinę ir į kairę, kur ašmenys pasiekia.
17Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
17Aš rankomis suplosiu ir patenkinsiu savo rūstybę. Aš, Viešpats, tai pasakiau”.
18Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
18Viešpats kalbėjo man:
19Weliba Wiilka Aadamow, waxaad taswiir ku tilmaantaa laba jid oo ay seefta boqorka Baabuloon ku iman karto, oo labadooduba waa inay isku dal ka soo baxaan. Meel ku calaamadee, oo waxaad u yeeshaa calaamad ku taal madaxa jidka magaalada soo gala.
19“Žmogaus sūnau, pažymėk du kelius, kuriais Babilono karaliaus kardas galėtų ateiti. Abu keliai prasidės viename krašte. Kelių išsišakojime pastatyk kelrodį.
20Waxaad taswiirtaa jid ay seeftu ugu iman karto Rabbaahda reer Cammoon iyo Yeruusaalemta dhufayska leh oo dalka Yahuudah ku dhex taal.
20Jis terodo kardui kelią į amonitų Rabą ir į Judo sutvirtintą miestą Jeruzalę.
21Waayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey.
21Babilono karalius sustojo kryžkelėje, kelių išsišakojime, ir buria: maišo strėles, klausia stabų, apžiūri kepenis.
22Midigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto.
22Į jo dešinę pateko Jeruzalės burtas, kad paskirtų karo vadus, duotų įsakymą žudynėms, sukeltų kovos šauksmą, statytų sienų griovimo įtaisus prie vartų, supiltų pylimą, statytų įtvirtinimus.
23Oo kuwa dhaarta ku dhaartay waxay hortooda ku noqon doontaa sida faal aan waxtar lahayn oo kale, laakiinse isagu xumaantuu soo xusuusan doonaa, si iyaga lagu qabto aawadeed.
23Jiems atrodys, jog tai apgaulingas burtas. Bet kadangi jie prisiekė, jis primins jiems nusikaltimus.
24Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku xumaantiinnii waxaad ka dhigteen in la soo xusuusto, oo saasaa xadgudubyadiinnii loo soo ban dhigay, oo sidaasaa dembiyadiinnu falimihiinna oo dhan uga muuqdaan, maxaa yeelay, waa laydin soo xusuustay, oo sidaas daraaddeed gacantaa laydinku qaban doonaa.
24Todėl Viešpats Dievas taip sako: ‘Jūs prisimenate savo kaltes ir jūsų darbai bei nuodėmės stovi jūsų akyse; jūs atsakysite už juos.
25Oo amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow,
25Susitepęs ir nedoras Izraelio kunigaikšti, tavo bausmės diena atėjo, nes tavo nedorybėms padarytas galas.
26Sayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii.
26Nusiimk vainiką ir karaliaus karūną! Nebebus, kaip buvo. Pažemintasis bus paaukštintas, o aukštasispažemintas.
27Anigu waan afgembiyi, oo afgembiyi, oo afgembiyi doonaa iyada, oo mar dambena siima ay ahaan doonto, ilaa uu yimaado kan xaqa u lahu, oo isaga ayaan siin doonaa.
27Griuvėsiais, griuvėsiais, griuvėsiais Aš jį paversiu! Jo nebebus, kol ateis turintis teisę valdyti. Jam pavesiu visa’.
28Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso,
28Tu, žmogaus sūnau, pranašauk apie amonitus ir jų pasityčiojimą: ‘Kardas pagaląstas ir nušveistas žudynėms.
29inta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo.
29Jūsų regėjimaiapgaulė, pranašavimaimelas. Bausmė jums ateis už jūsų kaltes.
30Galkeedii ha ku noqoto. Anigu waxaan kugu xukumi doonaa meeshii lagugu abuuray iyo dalkii aad ku dhalatay.
30Ar Aš paslėpsiu savo kardą? Aš tave teisiu krašte, kur gimei, iš kurio esi kilęs.
31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.Xaabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
31Aš išliesiu ant tavęs savo rūstybę, tu pajusi mano keršto liepsnas. Atiduosiu tave į žiaurių ir įgudusių žudyti žmonių rankas.
32Xaabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.
32Tu būsi kuras liepsnoms, tavo kraujas liks ant žemės, visi užmirš tave. Aš, Viešpats, tai kalbėjau’ ”.