1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo man:
2Wiilka Aadamow, waxaa jiray laba naagood oo isku hooyo ah.
2“Žmogaus sūnau, buvo dvi moterys, vienos motinos dukterys.
3Oo dhillanimo bay Masar ku sameeyeen, oo intii ay yaryaraayeen ayay dhilloobeen. Halkaasna naasahoodii waa lagu tuujiyey, oo halkaasaa ibihii naasaha ee bikradnimadooda lagu nabareeyey.
3Jos paleistuvavo jau savo jaunystėje Egipte.
4Oo labadooda tan weyn waxaa la odhan jiray Aaholaah, oo walaasheed magaceeduna wuxuu ahaa Aaholiibaah, oo kuwaygay noqdeen, oo waxay dhaleen wiilal iyo gabdho. Haddaba magacyadoodu waa sidan, Aaholaah waa Samaariya, oo Aaholiibaahna waa Yeruusaalem.
4Vyresnioji buvo vardu Ohola ir jos sesuo Oholiba. Jos buvo mano ir pagimdė sūnų bei dukterų. Oholatai Samarija, o Oholibatai Jeruzalė.
5Aaholaah waxay dhillaysatay iyadoo taydii ah, oo waxay caashaqday kuwii iyada jeclaa ee reer Ashuur oo deriska la ahaa,
5Ohola buvo man neištikima. Ji geidė savo meilužių, kaimynystėje gyvenančių asirų.
6kuwaas oo dhar buluug ah xidhnaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal, oo kulligood dhallinyaro suurad wacan ahaa, oo ahaa fardooley fardo fuushan.
6Jie buvo apsirengę mėlynai, vadai ir kunigaikščiai, jauni, gražūs vyrai, raiteliai, jojantys ant savo žirgų.
7Oo iyadu kulligood bay ka dhillaysatay, kuwaasoo kulligood ahaa raggii Ashuur ee ugu wacanaa, oo ku alla kii ay caashaqday iyo sanamyadoodii oo dhanba way isugu nijaasaysay.
7Ji paleistuvavo su jais, su rinktiniais asirais ir visais, kurių ji geidė. Jų stabais ji suteršė save.
8Oo iyadu innaba kama ay tegin dhillanimadeedii tan iyo markay Masar joogtay, waayo, iyadoo yar ayay la seexdeen, oo ibihii naasaha ee bikradnimadeeda way nabareeyeen, oo dhillanimadoodii ayay iyada ku kor shubeen.
8Ji nesiliovė paleistuvavusi ir su egiptiečiais, savo jaunystės meilužiais.
9Oo sidaas daraaddeed waxaan u gacangeliyey kuwii iyada jeclaan jiray ee reer Ashuur oo ay caashaqday.
9Todėl Aš atidaviau ją jos meilužiams asirams, kurių ji geidė.
10Kuwaasu cawradeedii bay soo ban dhigeen, oo waxay qaateen wiilasheedii iyo gabdhaheedii, iyadiina seef bay ku dileen, oo magaceediina magac xun buu dumarka dhexdiisa ku noqday, waayo, xukummo baa lagu soo dejiyey.
10Jie atidengė jos nuogumą, paėmė jos sūnus bei dukteris, o ją pačią nužudė kardu. Ji tapo priežodis tarp moterų, kai jie įvykdė jai teismą.
11Oo walaasheed Aaholiibaahna waxaas way aragtay, laakiinse iyadu way kaga sii darnayd caashaqeedii, oo xagga dhillanimadana way ka sii darnayd dhillanimada walaasheed.
11Jos sesuo Oholiba visa tai matė, tačiau gašlumu ir paleistuvystėmis pralenkė net savo seserį.
12Waxay caashaqday kuwii reer Ashuur ee deriska la ahaa, oo ahaa saraakiil iyo taliyayaal si qurux badan u xidhan, oo ahaa fardooley fardo fuushan, oo kulligood wada ahaa dhallinyaro suurad wacan.
12Ji geidė savo kaimynų asirų, vadų ir kunigaikščių, išsipusčiusių raitelių, gražių, jaunų vyrų.
13Oo anigu waxaan arkay inay nijaasowday, oo ay labadoodiiba isku jid qaadeen.
13Aš mačiau, kad ji suteršė save; jos abi ėjo vienu keliu.
14Dhillanimadeediina way sii kordhisay, waayo, waxay aragtay niman derbiga ku taswiiran, oo ahaa taswiirihii reer Kaldayiin oo asal guduudan lagu taswiiray,
14Ji daugino savo paleistuvystes, nes kai pamatė sienoje nupieštus vyrų paveikslus, raudona spalva nupieštus atvaizdus chaldėjų,
15oo dhexda dhex-xidhyo ugu xidhan yihiin, oo madaxana duubab la sibaaqeeyey ugu xidhan yihiin, oo kulligood la wada moodo amiirro u eg reer Baabuloon dalkoodu Kalday yahay.
15susijuosusių strėnas diržais, ant galvų užsidėjusių margus turbanus, atrodančių kaip Babilono kunigaikščiai, kilę iš Chaldėjos,
16Oo isla markii ay aragtay ayay caashaqday, oo farriinqaadayaal dalkii Kalday bay ugu dirtay.
16ji ėmė geisti jų ir siuntė pasiuntinių į Chaldėją.
17Oo reer Baabuloon ayaa iyada sariirtii caashaqa ugu soo galay, oo dhillanimadoodii iyaday ku nijaaseeyeen, oo iyana iyagay la nijaasowday, oo nafsaddeediina iyagay ka go'day.
17Babiloniečiai atėjo į jos meilės guolį ir suteršė ją savo paleistuvystėmis. Suteršta ji pasitraukė nuo jų.
18Sidaasay dhillanimadeedii u soo ban dhigtay oo cawradeedii daahay ka qaadday, markaasaa nafsaddaydii iyada uga go'day sidii ay nafsaddaydu walaasheed uga go'day oo kale.
18Ji neslėpė savo paleistuvysčių ir atidengė savo nuogumą. Tada Aš pasitraukiau nuo jos, kaip buvau pasitraukęs nuo jos sesers.
19Laakiinse waxay sii badisay dhillanimadeedii iyadoo wakhtigii yaraanteeda soo xusuusanaysa markay dalkii Masar ku dhillowday.
19Bet ji daugino savo paleistuvystes, prisimindama jaunystės dienas, kai ji buvo paleistuvė Egipto žemėje.
20Waxay caashaqday dhillayadeeda uu jiidhkoodu yahay sida jiidhka dameerrada, oo ay shahwaddooduna tahay sida shahwadda fardaha oo kale.
20Ji geidė savo meilužių, kurių kūnai kaip asilų kūnai ir sėklos plūdimas kaip arklių.
21Oo sidaas ayaad u soo xusuusatay sharkii yaraantaada markay Masriyiintu ibihii naasahaaga ee yaraantaada nabarayn jireen.
21Tu prisiminei savo jaunystės ištvirkimą, kai egiptiečiai glamonėjo tavo jaunas krūtis.
22Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aaholiibaahay, bal ogow, kuwii ku caashaqi jiray ayaan kugu soo kicin doonaa, kuwaasoo ay naftaadu ka go'day, oo iyagaan dhinac kasta kaaga soo dayn doonaa,
22Todėl, Oholiba, taip sako Viešpats Dievas: ‘Aš pakelsiu prieš tave tavo meilužius, nuo kurių tu nusisukai, ir atvesiu juos prieš tave iš visų pusių:
23kuwaasoo ah reer Baabuloon, iyo reer Kaldayiin oo dhan, iyo Feqood, iyo Shooca, iyo Qooca, iyo reer Ashuur oo dhan oo iyaga la jira, oo kulligood ah rag dhallinyaro ah oo suurad wacan oo ah saraakiil iyo taliyayaal, iyo amiirro, iyo rag caan ah, oo kulligood fardo fuushan.
23babiloniečius, chaldėjus, Pekodą, Šoją, Koją ir asirusgražius, jaunus vyrus, vadus ir kunigaikščius, valdytojus ir žymius žmones, visus raitus ant žirgų.
24Oo waxay kugula soo duuli doonaan hub iyo gaadhifardood iyo giraangiro iyo guuto dad, oo hareerahaaga oo dhan ayay kaaga soo kici doonaan iyagoo wata gaashaan weyn, iyo gaashaan yar, iyo koofiyad bir ah, oo waxaan iyaga u dhiibi doonaa xukun, oo waxay kuu xukumi doonaan sida ay xukummadoodu yihiin.
24Daugybė ginkluotų pulkų ateis su kovos vežimais ir žirgais, apstatys tave iš visų pusių didžiaisiais ir mažaisiais skydais bei šalmais. Aš atiduosiu tave jų teismui. Jie teis tave pagal savo nuostatus.
25Oo waxaan kugu soo dayn doonaa xanaaqayga masayrka ah, oo iyaguna cadho bay kugula macaamiloon doonaan. Waxay kaa gooyn doonaan sanka iyo dhegaha, oo intii kaa hadhaana seef bay ku dhici doontaa. Waxayna kaxaysan doonaan wiilashaada iyo gabdhahaagaba, oo intii kaa hadhana dab baa baabbi'in doona.
25Aš nukreipsiu prieš tave savo pavydą, ir jie žiauriai pasielgs su tavimi: nupjaus tau nosį bei ausis, likusius išžudys kardu, išplėš tavo sūnus bei dukteris ir sudegins, kas liks.
26Oo weliba dharkaaga way kaa wada mudhuxsan doonaan, oo jowharadahaaga qurxoonna way kaa furan doonaan.
26Jie nuplėš tau drabužius ir atims brangenybes.
27Oo sidaasaan kaaga joojin doonaa sharkaagii iyo dhillanimadaadii aad dalka Masar ka keentay, si aadan indhahaaga kor ugu taagin, oo aadan Masar kol dambe soo xusuusan.
27Taip aš padarysiu galą tavo ištvirkavimui su egiptiečiais. Tu nebenorėsi daugiau egiptiečių nei matyti, nei jų prisiminti.
28Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan kugu ridi doonaa gacantii kuwa aad neceb tahay, iyo gacantii kuwii ay nafsaddaadu ka go'day.
28Aš atiduosiu tave į rankas tų, kurių tu nekenti, nuo kurių tu pasitraukei.
29Iyagu si nacayb badan ayay kugula macaamiloon doonaan, oo wixii aad ku hawshootay oo dhanna way kaa qaadan doonaan, oo waxay kaa tegi doonaan adigoo qaawan oo aan dednayn. Oo cawradii dhillanimadaadana daahaa laga qaadi doonaa, xataa sharkaaga iyo dhillanimadaadaba.
29Jie pasielgs su tavimi labai žiauriai, išplėš visą turtą ir paliks tave pliką bei nuogą. Taip bus apnuogintas tavo pasileidimas ir ištvirkavimas.
30Waxyaalahaas waa lagugu samayn doonaa, maxaa yeelay, dhillanimo baad quruumaha la daba gashay, oo sanamyadooda waad ku nijaasowday.
30Tai padarysiu tau dėl tavo paleistuvavimo su tautomis, kurių stabais tu susitepei.
31Waxaad qaadday jidkii walaashaa, oo sidaas daraaddeed koobkeedii gacantaan kuu gelin doonaa.
31Tu ėjai savo sesers keliu, todėl jos taurę įduosiu į tavo rankas.
32Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad cabbi doontaa walaashaa koobkeedii dheeraa oo weynaa, oo fudaydsasho baa laguugu qosli doonaa oo waa lagu quudhsan doonaa, waayo, wuu buuxaa.
32Tu gersi savo sesers taurę, gilią ir didelę, iš tavęs tyčiosis ir niekins tave, nes joje daug telpa.
33Aad baad u sakhraami doontaa oo murug baa kaa buuxsami doonta, oo waxaad ku cabbi doontaa koobkii yaabka iyo baabba'da, kaasoo ah koobkii walaashaa Samaariya.
33Tu pasigersi ir būsi pilna skausmų. Taurė skausmo ir naikinimo, tavo sesers Samarijos taurė.
34Waad cabbi doontaa, oo weliba waad heenheensan doontaa, oo burburkiisana waad ruugi doontaa, oo naasahaagaad jiidi doontaa, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay.
34Išgersi ją iki dugno, šukes nulaižysi ir draskysi savo krūtis, nes Aš tai pasakiau,sako Viešpats Dievas.
35Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad i illowday oo dhabarkaaga gadaashiisaad igu xoortay, sidaas daraaddeed waa inaad sharkaaga iyo dhillanimadaadaba u xambaarataa.
35Kadangi mane užmiršai ir atgręžei man nugarą, tai kentėk už savo ištvirkavimą ir paleistuvystę’ ”.
36Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo igu yidhi, Wiilka Aadamow, Aaholaah iyo Aaholiibaah miyaad xukumi doontaa? Bal waxyaalahooda karaahiyada ah u sheeg.
36Viešpats sakė man: “Žmogaus sūnau, ar tu neteisi Oholos ir Oholibos? Primink joms jų bjaurystes!
37Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.
37Jos svetimavo ir savo rankas sutepė nekaltu krauju. Jos svetimavo su stabais ir aukojo jiems vaikus, kuriuos man pagimdė!
38Oo weliba saasoo kalay igu sameeyeen. Iyagu isku maalin ayay meeshaydii quduuska ahayd nijaaseeyeen, oo sabtiyadaydiina wax nijaas ah bay ka dhigeen.
38Tą pačią dieną jos sutepė mano šventyklą ir nesilaikė sabatų.
39Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.
39Tą pačią dieną, kai jos aukojo vaikus stabams, jos ėjo į mano šventyklą ir tuo sutepė ją.
40Oo weliba rag baad meel fog uga cid dirsatay, oo waxaa loo diray wargeeye, oo bal eeg, iyana way yimaadeen, oo iyaga aawadood ayaad isu soo maydhay, oo u indhakuushatay, oo wax baad isugu sharraxday,
40Be to, tu siuntei pasiuntinius ir kvietei vyrus iš toli. Dėl jų prauseisi, dažeisi akis ir puošeisi brangenybėmis.
41oo waxaad ku fadhiisatay sariir haybad badan oo miis horteeda lagu soo diyaarshay, kaasoo aad fooxaygii iyo saliiddaydii saartay.
41Atsisėdai ant brangaus gulto; padengei stalus, ant jų padėjai mano smilkalų ir aliejaus.
42Oo waxaa iyada la jiray codka dadka faraha badan, oo raaxaysan, oo dadkii faraha badnaana waxaa la yimid sakhraamiin cidlada laga keenay, oo waxay gacmaha u geliyeen dugaagado, oo madaxana taaj qurux badan bay u saareen.
42Nerūpestingos minios balsai buvo girdimi joje, ir kartu su žmonėmis iš minios buvo atvesti sebiečiai iš dykumos, kurie dėjo apyrankes ant jų rankų ir puošnias karūnas ant jų galvų.
43Markaasaan tii sinada ku gabowday ka idhi, Miyey haddana ka sinaysan doonaan, oo iyaduse miyey iyaga ka dhillaysan doontaa?
43Tada tariau apie tą seną svetimautoją: ‘Ar jie ir dabar paleistuvaus su ja?’
44Laakiinse iyadii waxay ugu galeen sidii naag dhillo ah loogu galo oo kale, oo sidaasay ugu galeen naagihii sharka ahaa oo ahaa Aaholaah iyo Aaholiibaah.
44Bet jie eidavo pas ją, kaip įeinama pas paleistuvę. Taip jie įeidavo pas Oholą ir Oholibą, gašlias moteris.
45Oo ragga xaqa ahu waxay iyaga u xukumi doonaan sida dhillooyin iyo naago dhiig galay loo xukumo oo kale, maxaa yeelay, iyagu waa dhillooyin, oo gacmahoodana dhiig baa ku yaal.
45Bet teisūs vyrai teis jas kaip svetimautojas ir žudikes, nes jos svetimavo ir kraujas yra ant jų rankų.
46Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.
46Nes taip sako Viešpats: ‘Ar atvesiu prieš jas minią ir atiduosiu jas sunaikinti ir apiplėšti.
47Oo guutadaasu iyagay dhagxin doontaa oo seefaf ku kala jarjari doontaa, oo wiilashooda iyo gabdhahoodaba way wada layn doonaan, oo guryahoodana dab bay ku gubi doonaan.
47Minia užmuš jas akmenimis ir sukapos kardu, jų sūnus ir dukteris nužudys ir jų namus sudegins.
48Oo sidaasaan shar dalka uga joojin doonaa, si naagaha oo dhan loo baro inaanay mar dambe sidii sharkiinnii oo kale u falin.Oo sharkiinnii waa laydinka abaal marin doonaa, oo dembiyadii sanamyadiinna ayaad xambaaran doontaan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
48Taip Aš padarysiu galą paleistuvystei krašte, kad visos moterys pasimokytų ir neištvirkautų kaip jūs.
49Oo sharkiinnii waa laydinka abaal marin doonaa, oo dembiyadii sanamyadiinna ayaad xambaaran doontaan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
49Jūsų paleistuvystė kris ant jūsų galvų, jūs kentėsite už nuodėmes su savo stabais. Tada žinosite, kad Aš esu Viešpats Dievas’ ”.