Somali

Lithuanian

Ezekiel

3

1Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.
1Jis tarė man: “Žmogaus sūnau, suvalgyk, ką matai prieš save! Suvalgęs šitą ritinį, eik ir kalbėk Izraelio namams”.
2Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.
2Tada aš išsižiojau, ir Jis davė man suvalgyti ritinį.
3Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.
3Ir Jis tarė man: “Žmogaus sūnau, valgyk šį ritinį ir pasisotink juo”. Aš jį suvalgiau, ir jis mano burnoje buvo saldus kaip medus.
4Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.
4Jis tada vėl kalbėjo: “Žmogaus sūnau, dabar eik į Izraelio namus ir kalbėk jiems mano žodžius.
5Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.
5Tu siunčiamas ne pas svetimą tautą su nesuprantama kalba, bet pas Izraelį.
6Laguumana dirin dadyow badan oo hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, oo adaan erayadooda garan karin. Hubaal haddaan iyaga kuu diri lahaa, way maqli lahaayeen.
6Ne pas tautas, kurių kalbos tu nemoki. Jei pas juos tave siųsčiau, jie klausytų tavęs.
7Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.
7Bet Izraelis neklausys tavęs, nes jis ir manęs neklauso. Izraelio tauta yra kietasprandė ir kietaširdė.
8Bal eeg, wejigaaga waan ka sii adkeeyey wejigooda, oo foolkaagana waan ka sii adkeeyey foolkooda.
8Aš padariau tavo veidą tvirtą prieš jų veidus ir tavo kaktą kietą prieš jų kaktas.
9Oo foolkaaga waxaan ka dhigay sidii dheemman dhagax ka sii adag oo kale. Ha ka cabsan iyaga, oo aragtidoodana ha ka baqin in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.
9Ji bus kieta kaip deimantas, kietesnė už titnagą. Nebijok jų ir neišsigąsk jų žvilgsnių, nes tai maištinga tauta.
10Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.
10Žmogaus sūnau, visus mano žodžius, kuriuos tau kalbu, klausyk ausimis ir priimk širdimi.
11Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.
11Eik pas tremtinius, savo tautiečius, ir jiems kalbėk; ar jie klausys, ar neklausys, sakyk: ‘Taip sako Viešpats’ ”.
12Markaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay,
12Dvasia pakėlė mane, ir už savęs išgirdau griausmingą balsą: “Palaiminta Viešpaties šlovė šioje vietoje”,
13waxayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd.
13taip pat būtybių sparnų šlamėjimą ir ratų dundėjimą­tai buvo didelis dundesys.
14Sidaasuu ruuxii kor iigu qaaday oo meel fog ii waday, oo anna waxaan ku tegey dhirif qadhaadh iyo naftaydoo kulul, oo gacantii Rabbigaa igu kor xoog badnayd.
14Dvasia pakėlė ir nunešė mane. Aš nuėjau apkartęs, degančia dvasia, bet Viešpaties ranka buvo stipri ant manęs.
15Markaasaan Teel Aabiib maxaabiistii Webi Kebaar ag degganaa, iyo ilaa meeshii ay fadhiyeen ugu tegey, oo halkaasaan iyagii toddoba maalmood dhex joogay anigoo naxdin la fadhiya.
15Aš atėjau į Tel Abibą pas tremtinius, kurie gyveno prie Kebaro upės. Ten sėdėjau septynias dienas tarp jų labai susirūpinęs.
16Oo markay toddoba maalmood dhammaadeen waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga isagoo leh,
16Septynioms dienoms praėjus, Viešpats kalbėjo man:
17Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.
17“Žmogaus sūnau, Aš paskyriau tave sargybiniu Izraelio namams. Ką išgirsi iš manęs, pranešk jiems mano vardu.
18Markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, haddaadan isaga u digin, oo aadan sharrowga la hadlin si aad jidkiisa sharka ah uga digto inaad naftiisa badbaadiso aawadeed, ninkaas sharrowga ahu xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
18Jei Aš sakysiu nedorėliui: ‘Tu mirsi’, bet tu neįspėsi jo ir nepamokysi, kad jis paliktų savo nedorą kelią ir išliktų gyvas, nedorėlis mirs dėl savo nusikaltimų, bet jo kraujo pareikalausiu iš tavo rankų.
19Laakiinse haddaad sharrowga u digto, oo uusan isagu sharnimadiisa amase jidkiisa sharka ah ka soo noqon, markaas xumaantiisuu ku dhiman doonaa, adiguse naftaadii waad samatabbixisay.
19Jei tu įspėsi nedorėlį, bet jis neatsivers nuo savo nedorybių ir nepakeis savo kelių, jis mirs dėl savo nusikaltimų, bet tu išgelbėsi savo sielą.
20Oo haddana haddii nin xaq ahu uu xaqnimadiisii ka noqdo oo uu xumaan sameeyo, intaan dhagax turunturo hor dhigo, isagu wuu dhiman doonaa. Uma aadan digin, oo saas darteed dembigiisuu ku dhiman doonaa, oo falimihiisii xaqa ahaa ee uu samayn jirayna lama soo xusuusan doono, laakiinse dhiiggiisa gacantaadaan weyddiin doonaa.
20Jei teisusis, nusigręžęs nuo teisumo, darys pikta, Aš padėsiu jam kelyje suklupimo akmenį, ir jis mirs. Jei nebūsi įspėjęs jo, jis mirs dėl savo nuodėmės ir jo teisių darbų nebus atsiminta, bet jo kraujo pareikalausiu iš tavo rankų.
21Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.
21Jei tu įspėsi teisųjį, kad jis nenusikalstų, ir jis nenusikals, jis išliks gyvas, nes paklausė įspėjimo, ir tu išgelbėsi savo sielą”.
22Oo gacantii Rabbiguna halkaasay igu kor saarnayd, oo wuxuu igu yidhi, Kac oo bannaanka u bax halkaasaan kugula hadli doonaaye.
22Viešpaties ranka buvo ant manęs ir Jis tarė: “Eik į lygumą, ten Aš kalbėsiu su tavimi”.
23Markaasaan kacay oo bannaankii u baxay, oo bal eeg, waxaa halkaas jirtay ammaantii Rabbiga, taasoo u eg ammaantii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
23Aš išėjau į lygumą. Čia buvo Viešpaties šlovė, kaip ją mačiau prie Kebaro upės. Aš kritau veidu žemėn.
24Markaasaa ruuxii i soo galay, oo cagaha igu taagay, wuuna ila hadlay isagoo leh, Tag oo gurigaaga isku xidh.
24Dvasia įėjo į mane, pastatė mane ant kojų ir įsakė: “Eik ir užsirakink savo namuose.
25Laakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.
25Žmogaus sūnau, tu būsi surištas ir negalėsi vaikščioti tarp žmonių.
26Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
26Tapsi nebyliu, nebegalėsi įspėti tų maištingų žmonių.
27Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.
27Kai Aš kalbėsiu su tavimi, atversiu tavo burną, ir tu jiems sakysi: ‘Taip sako Viešpats’. Tada, kas klausys, teklauso, o kas neklausys, teneklauso, nes jie yra maištingi žmonės”.