Somali

Lithuanian

Ezekiel

40

1Sannaddii shan iyo labaatanaad ee maxaabiisnimadayada, sannadda bilowgeedii, bisha maalinteedii tobnaad, sannaddii afar iyo tobnaad markii magaalada la qabsaday dabadeed, isla maalintaas qudheeda waxaa i dul saarnayd gacantii Rabbiga, oo halkaas buu i keenay.
1Dvidešimt penktaisiais tremties metais, keturioliktaisiais metais po miesto paėmimo, metų pradžioje, dešimtą dieną, Viešpaties ranka palietė mane.
2Waxyaalihii Ilaah i tusay wuxuu igu geeyey dalkii reer binu Israa'iil, oo wuxuu i saaray buur aad u dheer, taasoo dhankeeda koonfureed ay wax magaalo dhismeheed u eg ku yiilleen.
2Dievo regėjime Jis nuvedė mane į Izraelio kraštą ir nuleido ant labai aukšto kalno. Pietų pusėje buvo lyg miesto statiniai.
3Oo isagu halkaasuu i geeyey, oo bal eeg, waxaa meeshaas joogay nin naxaas u eg, oo gacanta ku haysta xadhig laga sameeyey geed linen la yidhaahdo, iyo cawsduur wax lagu qiyaaso, oo iridduu soo istaagay.
3Jis nuvedė mane ten, ir aš pamačiau vyrą, kuris spindėjo lyg varis. Jis stovėjo vartuose, rankose laikė lininę virvę ir matavimo nendrę.
4Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.
4Tas vyras tarė man: “Žmogaus sūnau, stebėk akimis, klausyk ausimis ir suprask širdimi, ką tau rodysiu, nes tam tu esi čia. Visa, ką matysi, paskelbk Izraeliui”.
5Oo bal eeg, daarta dibaddeeda oo dhan waxaa ku wareegsanaa derbi, oo ninka gacantiisana waxaa ku jiray cawsduur wax lagu qiyaaso oo dhererkiisu yahay lix dhudhun, oo dhudhun kastaaba yahay dhudhun iyo taako. Markaasuu daarta ballaadhkeedii qiyaasay oo cawsduur buu ahaa, oo sarajooggeediina wuu qiyaasay oo cawsduur buu ahaa.
5Štai apie visą pastatą išorėje buvo mūro siena. Vyras laikė šešių uolekčių ilgio matavimo nendrę. Uolektis buvo ilgesnė už paprastą uolektį rankos plaštaka. Jis matavo tą mūro sieną. Mūras buvo vienos nendrės storio ir tokio paties aukščio.
6Oo wuxuu yimid iriddii xagga bari u sii jeedday, oo jaranjarradeeduu fuulay, oo wuxuu qiyaasay iridda marinkeedii, oo ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur, oo iridda kale marinkeediina ballaadhkiisu wuxuu ahaa cawsduur.
6Jis, nuėjęs prie rytinių vartų, užlipo laiptais ir matavo vartų slenkstį. Jo storis buvo viena nendrė.
7Oo qollad kastaba dhererkeedu wuxuu ahaa cawsduur, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa cawsduur, oo qolladahana waxaa u dhexeeyey shan dhudhun, oo marinka iridda oo balbalada iridda u dhowayd dhankiisa guduhu wuxuu ahaa cawsduur.
7Šoniniai kambariai sienoje buvo vienos nendrės ilgio ir vienos nendrės pločio. Tarp kambarių buvo penkios uolektys, o vartų prieangio slenksčio plotis­viena nendrė.
8Haddana wuxuu qiyaasay iriddii balbaladeedii oo daarta u jeedday, waxayna ahayd cawsduur.
8Jis išmatavo vartų prieangį iš vidaus viena nendre.
9Oo haddana wuxuu qiyaasay balbaladii iridda, waxayna ahayd siddeed dhudhun, tiirarkeeduna waxay ahaayeen laba dhudhun, oo iridda balbaladeeduna daartay u jeedday.
9Tada išmatavo vartų prieangį aštuoniomis uolektimis ir jo stulpus dviejomis uolektimis. Vartų prieangis buvo vidinėje pusėje.
10Oo iridda xagga bari qolladeheedana waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo saddexdooduba isku qiyaas bay ahaayeen, oo tiirarkuna dhankan isku qiyaas bay ku lahaayeen oo dhanka kalena isku qiyaas bay ku lahaayeen.
10Rytinėje pusėje, prie vartų, iš abiejų pusių buvo po tris šoninius kambarius to paties dydžio, ir stulpai abiejose pusėse buvo vienodo dydžio.
11Oo haddana wuxuu qiyaasay kadinkii iridda ballaadhkiisii, wuxuuna ahaa toban dhudhun, oo iridda dhererkeeduna wuxuu ahaa saddex iyo toban dhudhun.
11Jis dar išmatavo vartų įėjimo plotį, kuris buvo dešimt uolekčių, o vartų ilgis­trylika uolekčių.
12Oo qolladaha darafkii ka horreeyey dhinaciisuna wuxuu ahaa dhudhun oo darafkii dhinaciisa kalena wuxuu ahaa dhudhun, oo qolladaha dhinacooduna wuxuu ahaa lix dhudhun oo dhinaca kalena wuxuu ahaa lix dhudhun.
12Prieš šoninius kambarius buvo iškyšulys vienos uolekties pločio, taip pat ir kitoje pusėje­iškyšulys vienos uolekties pločio. Kambariai abiejose pusėse buvo šešių uolekčių.
13Oo haddana iridda qollad saqafkeed ilaa qollad kale saqafkeed ayuu qiyaasay, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun albaab ilaa albaab.
13Po to jis išmatavo vartus nuo vieno šoninio kambario stogo iki kito. Plotis buvo dvidešimt penkios uolektys, durys buvo priešais duris.
14Oo haddana wuxuu qiyaasay tiirarkii oo ahaa lixdan dhudhun, kuwaas oo gaadhay tiirkii barxaddii iridda ku wareegsanayd.
14Jis padarė ir šešiasdešimties uolekčių stulpus iki stulpo kieme, esančiame prie vartų.
15Oo kadinka iridda laga soo galo hortiisa iyo ilaa barxadda iridda hoose inta u dhaxaysaa waxay ahayd konton dhudhun.
15Nuo išorinių vartų priekio iki vidaus vartų prieangio priekio buvo penkiasdešimt uolekčių.
16Oo daaqado cidhiidhi ah baa ku jiray qolladaha iyo tiirarkooda iridda hoose ku wareegsan iyo meelaha dedan, oo sidaas oo kale daaqaduhu xagga gudaha way ka wareegsanaayeen, oo tiir kastana waxaa lagu xardhay geedo timireed.
16Šoniniuose kambariuose buvo langai su grotelėmis, taip pat ir vartų šonuose. Prieangyje buvo langų, o ant stulpų­palmės.
17Markaasuu barxaddii dibadda i geeyey, oo bal eeg, waxaa ku yiil qollado iyo dhul sallax ah oo barxadda ku wareegsan loo sameeyey. Soddon qolladood ayaa dhulka sallaxa ah ku tiil.
17Jis nuvedė mane į išorinį kiemą. Kiemas buvo išgrįstas akmenimis. Aplink kiemą buvo trisdešimt kambarių.
18Oo dhulka sallaxa ah oo irdaha dhinacooda ku yiil oo irdaha ka soo hor jeeday wuxuu ahaa dhulka sallaxa ah oo hoose.
18Akmeninis grindinys tęsėsi iki vartų, prie vartų jis buvo žemesnis.
19Markaasuu qiyaasay ballaadhkii iridda hoose horteeda iyo tan iyo barxadda hoose horteeda dibadda ah, xagga bari iyo xagga woqooyi, oo wuxuu ahaa boqol dhudhun.
19Kiemas nuo išorinių žemutinių vartų iki vidaus vartų buvo šimto uolekčių į rytus ir į šiaurę.
20Oo barxaddii dibadda iriddeedii xagga woqooyi u sii jeeddayna wuxuu qiyaasay dhererkeedii iyo ballaadhkeediiba.
20Jis išmatavo išorinio kiemo šiaurinių vartų ilgį ir plotį.
21Oo qolladaheeduna waxay ahaayeen saddex dhinac ku taal iyo saddex dhinaca kale ku taal, oo tiirarkooda iyo meelahooda dedan waxay la qiyaas ahaayeen iridda kowaad. Dhererkoodu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
21Abiejose pusėse buvo po tris šoninius kambarius. Prieangio stulpai buvo tokio paties dydžio, kaip ir pirmųjų vartų. Vartai buvo penkiasdešimties uolekčių ilgio ir dvidešimt penkių uolekčių pločio.
22Oo daaqadahooda, iyo meelahooda dedan, iyo geedahooda timireedba waxay la qiyaas wada ahaayeen qiyaastii iriddii xagga bari u sii jeedday, oo waxaa loo fuulay jaranjarro toddoba tallaabo ah, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen.
22Jų langai, prieangis bei palmės buvo tokie pat, kaip rytų pusės vartų. Į viršų vedė septyni laiptai ir priešais juos buvo prieangis.
23Oo barxadda hoose iriddeeduna waxay ka soo hor jeedday iriddii kale oo xagga woqooyi iyo xagga bari jirtay, oo irid ilaa iridda kale ayuu qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
23Šiaurės pusės kiemo vartai buvo prieš vidaus vartus, kaip ir rytų pusės vartai. Nuo vartų iki vartų buvo šimtas uolekčių.
24Oo haddana wuxuu i geeyey xaggii koonfureed, oo bal eeg, waxaa ku tiil irid xagga koonfureed u sii jeedda, oo tiirarkeedii iyo meelaheedii dednaa wuxuu u qiyaasay sidii ay qiyaastaasu ahayd oo kale.
24Po to jis nuvedė mane į pietų pusę. Čia buvo pietų pusės vartai. Jų stulpai ir prieangis buvo to paties dydžio.
25Oo iyada iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo waxay u ekaayeen daaqadahaas kale; dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
25Jų langai ir prieangis aplinkui buvo tokie pat, kaip kiti. Vartų ilgis buvo penkiasdešimt, o plotis­ dvidešimt penkios uolektys.
26Oo waxay lahayd jaranjarro toddoba tallaabo ah oo loo fuulo, oo meelahooda dedanna way ku hor yiilleen, oo waxay lahayd geedo timireed oo mid dhinacan kaga yaal, midna dhinacaas kaga yaal, oo tiirarkeeda ku xardhan.
26Į viršų vedė septyni laiptai ir priešais buvo prieangis. Ant stulpų iš abiejų pusių buvo palmės.
27Oo barxadda hoosena waxaa ku dhex yiil irid xagga koonfureed u sii jeedday, oo irid ilaa iriddeeda kale ayuu xagga koonfureed u qiyaasay, waxayna ahayd boqol dhudhun.
27Pietinėje vidinio kiemo pusėje buvo vartai. Nuo vienų vartų iki kitų buvo šimtas uolekčių.
28Markaasuu barxaddii hoose oo iridda koonfureed ku ag tiil i geeyey, oo iriddii koonfureedna sida qiyaastaas oo kaluu u qiyaasay.
28Jis įvedė mane į vidinį kiemą pro pietų pusės vartus. Jis matavo vartus. Jų dydis buvo toks pats, kaip ir kitų.
29Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba sidaas oo kaluu u qiyaasay, oo iyada, iyo meelaheeda dedan oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
29Jų šoniniai kambariai, stulpai ir prieangis buvo to paties dydžio. Jų ir prieangio langai buvo aplinkui. Visas jų ilgis buvo penkiasdešimt uolekčių ir plotis­dvidešimt penkios uolektys.
30Oo meelaha dedan oo ku wareegsan dhererkoodu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkooduna wuxuu ahaa shan dhudhun.
30Prieangis aplinkui buvo dvidešimt penkių uolekčių ilgio ir penkių uolekčių pločio.
31Oo meelaheeda dedanu waxay u sii jeedeen xagga barxadda dibadda ah, oo tiirarkeedana waxaa ku xardhanaa geedo timireed, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
31Prieangis buvo atkreiptas į išorinę kiemo pusę. Ant stulpų abiejose pusėse buvo palmės. Į jį vedė aštuoni laiptai.
32Oo haddana wuxuu i dhex geeyey barxaddii hoose oo xagga bari u sii jeedday, oo iriddiina wuxuu u qiyaasay sidii qiyaastaas oo kale.
32Po to jis nuvedė mane prie rytinių vartų ir matavo juos. Jie buvo tokio paties dydžio, kaip kiti.
33Oo qolladaheedii, iyo tiirarkeedii, iyo meelaheedii dednaaba waxay wada lahaayeen qiyaastaas oo kale, oo iyada iyo meelaheedii dednaa oo ku wareegsanuba waxay lahaayeen daaqado, oo dhererkeedu wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
33Jų šoniniai kambariai, stulpai ir prieangis taip pat buvo to paties dydžio, langai buvo aplinkui ir prieangyje. Jų ilgis buvo penkiasdešimt uolekčių ir plotis­dvidešimt penkios uolektys.
34Oo meelaheeda dedanuna waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo tiirarkana waxaa ku xardhanaa geedo timireed oo dhinacan iyo dhinacaasba kaga yaal, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
34Jų prieangis buvo nukreiptas į išorinį kiemą, ant stulpų abiejose pusėse buvo palmės. Į jį vedė aštuoni laiptai.
35Markaasuu iriddii woqooyi i geeyey, oo sidaas oo kaluu u qiyaasay
35Po to jis nuvedė mane prie šiaurės vartų ir matavo juos. Jų dydis buvo toks pat, kaip ir kitų.
36qolladaheeda, iyo tiirarkeeda, iyo meelaheeda dedan, oo waxay lahayd daaqado ku wareegsan, oo dhererku wuxuu ahaa konton dhudhun, oo ballaadhkuna wuxuu ahaa shan iyo labaatan dhudhun.
36Jų šoniniai kambariai, stulpai, prieangis ir langai buvo aplinkui. Jų ilgis buvo penkiasdešimt uolekčių ir plotis­dvidešimt penkios uolektys.
37Oo tiirarkeedu waxay u sii jeedeen barxadda dibadda xaggeeda, oo geedo timireed ayaa tiirarkiisa dhinacan iyo dhinacaasba kaga xardhanaa, oo jaranjarrada loo fuulaana waxay lahayd siddeed tallaabo.
37Prieangis buvo nukreiptas į išorinį kiemą, o ant stulpų abiejose pusėse buvo palmės. Į jį vedė aštuoni laiptai.
38Oo waxaa jirtay qollad albaabkeedu ku ag yiil tiirarka irdaha, oo halkaasaa qurbaanka la gubo lagu maydhay.
38Prie vartų stulpų buvo kambarys su įėjimu. Jame plaudavo aukas.
39Oo balbalada iridda dhinaceedan waxaa yiil laba miis, oo dhinaceedaasna waxaa yiil laba miis, si korkooda loogu gowraco qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka.
39Vartų prieangyje abiejose pusėse buvo po du stalus, ant kurių pjaudavo deginamąsias aukas, aukas už nuodėmes ir aukas už kaltes.
40Oo dhanka dibadda ah ee kadinka iridda woqooyi loo maro waxaa yiil laba miis, oo dhanka kale oo balbalada iridda u dhowna waxaa yiil laba miis oo kale.
40Prie išorinės sienos, link šiaurės vartų, buvo du stalai ir kitoje pusėje, prie vartų prieangio, stovėjo du stalai.
41Iridda dhinacan waxaa yiil afar miis, oo dhinacaasna waxaa yiil afar miis oo kale, kuwaasoo ahaa siddeed miis oo allabaryada lagu dul gowracay.
41Keturi stalai buvo išorinėje ir keturi vidinėje vartų pusėje­iš viso aštuoni stalai, ant kurių pjaudavo aukas.
42Oo waxaa jiray afar miis oo dhagax la qoray laga sameeyey oo allabariga la gubo lagu dul diyaariyo, oo dhererkoodu wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, ballaadhkooduna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggooduna wuxuu ahaa dhudhun, oo korkoodana waxaa la saari jiray alaabta qurbaanka la gubo iyo allabariga lagu qalo.
42Keturi stalai buvo iš tašytų akmenų: pusantros uolekties ilgio, pusantros pločio bei vienos uolekties aukščio­pasidėti įrankiams, kuriais pjaudavo deginamąsias ir kitas aukas.
43Oo waxaa gudaha ugu xidhnaa qabatooyin ballaadhkoodu taako yahay oo hareerahooda oo dhan kaga wareegsan, oo miisaskii korkoodana waxaa saarnaa hilibkii qurbaanka.
43Aplink buvo pritvirtinti plaštakos pločio kabliai, o stalai buvo skirti aukų mėsai padėti.
44Oo iridda hoose dibaddeedana waxaa ku yiil qolladihii kuwa gabya oo barxadda hoose ku yiil, oo mid waxay ku ag tiil iridda woqooyi oo waxay u sii jeedday xagga koonfureed, oo tanna waxay ag tiil iridda bari oo waxay u sii jeedday xagga woqooyi.
44Už vidinių vartų buvo kambariai giesmininkams. Vidiniame kieme vienas buvo šiaurinėje pusėje, priekiu į pietus, antras­rytų pusėje, priekiu į šiaurę.
45Oo wuxuu igu yidhi, Qolladdan xagga koonfureed u sii jeedda waxaa iska leh wadaaddada daarta taladeeda haya.
45Jis man pasakė, kad kambarys priekiu į pietus skirtas kunigams, kurie prižiūri šventyklą.
46Oo qowladda xagga woqooyi u sii jeeddana waxaa iska leh wadaaddada meesha allabariga taladeeda haya, oo kuwaasu waa reer Saadooq oo reer Laawi ka mid ah, oo Rabbiga ugu soo dhowaada inay isaga u adeegaan.
46O kambarys priekiu į šiaurę skirtas kunigams, kurie prižiūri aukurą. Tai yra Cadoko sūnūs iš Levio sūnų, kurie artinasi prie Viešpaties, kad Jam tarnautų.
47Oo haddana wuxuu qiyaasay barxaddii oo dhererkeedu yahay boqol dhudhun, oo ballaadhkeeduna yahay boqol dhudhun, oo afar gees ah, oo meeshii allabariguna daartay ka horraysay.
47Jis išmatavo kiemą. Jo ilgis ir plotis buvo vienodas­po šimtą uolekčių. Jis buvo keturkampis. Aukuras stovėjo šventyklos priekyje.
48Markaasuu balbaladii daarta i geeyey, oo wuxuu qiyaasay balbalada tiirarkeedii, oo dhinacan wuxuu ahaa shan dhudhun, dhinacaasna wuxuu ahaa shan dhudhun; oo iridda ballaadhkeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun oo dhinacan ah iyo saddex dhudhun oo dhinacaas ah.Oo balbalada dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa kow iyo toban dhudhun, oo jaranjarro baa loogu fuuli jiray, oo tiirarka waxaa ku ag yiil tiirar waaweyn, mid dhinacan kaga yaal, midka kalena dhinacaas kaga yaal.
48Jis įvedė mane į šventyklos prieangį ir išmatavo prieangio stulpus. Jie buvo penkių uolekčių abiejose pusėse. Vartų plotis buvo trijų uolekčių iš vienos ir trijų uolekčių iš kitos pusės.
49Oo balbalada dhererkeedu wuxuu ahaa labaatan dhudhun, oo ballaadhkeeduna wuxuu ahaa kow iyo toban dhudhun, oo jaranjarro baa loogu fuuli jiray, oo tiirarka waxaa ku ag yiil tiirar waaweyn, mid dhinacan kaga yaal, midka kalena dhinacaas kaga yaal.
49Prieangis buvo dvidešimties uolekčių ilgio ir vienuolikos uolekčių pločio. Šalia laiptų, vedančių į jį, iš abiejų pusių prie stulpų stovėjo kolonos.