1Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi.
1“Žmogaus sūnau, imk aštrų peilį ir naudok jį kaip skustuvą. Juo nuskusk savo galvos plaukus ir barzdą. Po to imk svarstykles ir sverdamas padalink plaukus.
2Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa.
2Vieną trečdalį sudegink miesto viduryje, apgulčiai baigiantis, antrą trečdalį sukapok peiliu ir paskutinį trečdalį paleisk pavėjui, o Aš išsitrauksiu iš paskos kardą.
3Oo weliba wuxoogaa yar qaad oo daraftaada gunud.
3Paimk kelis plaukus ir pririšk juos prie savo apsiausto kampo.
4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.
4Kelis iš jų įmesk į ugnį ir sudegink. Iš ten ugnis pasklis po visą Izraelį”.
5Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa Yeruusaalem. Quruumahaan dhex dhigay, oo hareereheedana waddammaa ku wareegsan.
5Taip sako Viešpats Dievas: “Tai Jeruzalė. Aš ją įkūriau tarp pagonių tautų.
6Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon.
6Bet ji paniekino mano sprendimus labiau negu pagonių tautos ir mano nuostatus labiau negu aplinkui esantys kraštai, atmesdama mano sprendimus ir nesilaikydama mano įstatymo.
7Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn,
7Kadangi jūsų nedorybių daugiau negu nedorybių aplink jus gyvenančių tautų ir jūs nesielgėte pagal mano įsakymus, nesilaikėte mano nuostatų ir nepaisėte netgi nuostatų aplinkui jus gyvenančių tautų,
8haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.
8todėl Aš pats esu prieš jus ir įvykdysiu teismą tavo viduryje tautų akivaizdoje.
9Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood.
9Izraeli, už tavo bjaurystes tau darysiu tai, ko niekada nedariau ir nebedarysiu.
10Sidaas daraaddeed aabbayaashu dhexdaaday wiilashooda ku cuni doonaan, oo wiilashuna aabbayaashood bay cuni doonaan, oo dhexdaadaan xukummo ku samayn doonaa, oo kuwaaga hadhay oo dhanna waxaan u kala firdhin doonaa dabaylaha oo dhan.
10Todėl jūsų tėvai valgys savo vaikus ir vaikai tėvus. Aš įvykdysiu teismą tavyje ir jūsų likutį išblaškysiu į visas puses.
11Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan.
11Kaip Aš gyvas,sako Viešpats,tikrai jus naikinsiu ir nepasigailėsiu, nes jūs savo bjaurystėmis ir neteisybėmis sutepėte mano šventyklą.
12Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa.
12Vienas jūsų trečdalis mirs nuo maro ir bado, antrasis trečdalisnuo kardo, o trečiąją dalį išblaškysiu į visus vėjus ir ištrauksiu kardą paskui juos.
13Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.
13Savo rūstybę įvykdysiu ir pasitenkinsiu. Tada jie žinos, kad Aš, Viešpats, kalbėjau savo uolume, kai savo kerštą visiškai būsiu įvykdęs.
14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.
14Aš padarysiu tave dykyne bei pajuoka visoms aplinkui esančioms tautoms ir praeinantiems pro šalį.
15Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
15Jūs būsite piktžodžiavimu ir pajuoka, įspėjimu ir pasibaisėjimu aplinkinėms tautoms. Aš, Viešpats, tai pasakiau.
16Saasaa noqon doonta markaan dushooda ku soo dayn doono fallaadhaha baas ee abaarta ah, oo inay wax baabbi'iyaan u qaybsan, oo aan u soo diri doono inay idin baabbi'iyaan, oo abaartaan idiin sii badin doonaa, oo ushiinna kibistana waan kala jebin doonaa,oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
16Aš šaudysiu į jus bado strėlėmis ir sunaikinsiu duonos ramstį.
17oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
17Aš užleisiu badą ir laukinius žvėris, kurie naikins tave. Maras ir kardas eis per tave”.