Somali

Lithuanian

Genesis

13

1Aabraamna Masar wuu ka baxay, isaga, iyo naagtiisii, iyo wuxuu haystay oo dhan, Luudna wuu raacay, oo wuxuu tegey xagga koonfureed.
1Abromas su žmona ir viskuo, ką jis turėjo, išėjo iš Egipto į pietų šalį. Su jais iškeliavo ir Lotas.
2Oo Aabraam hodan buu ka ahaa xagga xoolaha iyo lacagta iyo dahabka.
2Abromas buvo labai turtingas: turėjo daug gyvulių, sidabro ir aukso.
3Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;
3Jis keliavo atgal tuo pačiu keliu, kuriuo buvo atėjęs, Betelio link iki tos vietos, kur pradžioje tarp Betelio ir Ajo buvo pasistatęs palapinę,
4ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.
4iki tos vietos, kur buvo anksčiau pasidaręs aukurą. Čia Abromas šaukėsi Viešpaties vardo.
5Oo Luud, oo isna Aabraam la socday, wuxuu lahaa adhi, iyo lo', iyo teendhooyin.
5Lotas, kuris keliavo su Abromu, taip pat turėjo avių, galvijų ir palapinių.
6Dhulkuna ma uu qaadi karin iyagii, hadday wada degganaan lahaayeen: waayo, xoolahoodu way badnaayeen, oo sidaas daraaddeed ma ay wada degganaan karin.
6Kraštas negalėjo sutalpinti jų ir išmaitinti jų gyvulių, nes jų bandos buvo per didelės.
7Dirir baana ku dhex jirtay xoolojirradii Aabraam iyo xoolojirradii Luud. Markaasna reer Kancaan iyo reer Feris dhulkaasay degganaayeen.
7Kilo vaidas tarp Abromo ir Loto piemenų. Tada tebegyveno tame krašte kanaaniečiai ir perizai.
8Oo Aabraam wuxuu Luud ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa inaan diriru inaga dhex dhicin aniga iyo adiga, iyo xoolojirradayda iyo xoolojirradaada; maxaa yeelay, waxaynu nahay walaalo.
8Abromas tarė Lotui: “Tenebūna vaidų tarp manęs ir tavęs, tarp mano piemenų ir tavo piemenų, nes esame broliai!
9Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.
9Ar ne visa šalis tau atvira? Skirkis nuo manęs! Jei eisi į kairę, aš eisiu į dešinę, o jei tu eisi į dešinę, tai aš eisiu į kairę”.
10Kolkaasuu Luud indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay Bannaankii Webi Urdun oo dhan, iyo inay meel waluba aad u waraabsan tahay, intaan Rabbigu baabbi'in Sodom iyo Gomora; wuxuu u ekaa beertii Ilaah, iyo sida dalka Masar markaad tagto xagga Socar.
10Lotas pakėlė akis ir pamatė, kad visa Jordano apylinkė­prieš Viešpačiui sunaikinant Sodomą ir Gomorą­Coaro link buvo gerai drėkinama kaip Viešpaties sodas, kaip Egipto šalis.
11Markaasuu Luud wuxuu doortay Bannaankii Urdun oo dhan; oo Luud xagga bari buu u socdaalay; oo way kala guureen.
11Lotas pasirinko Jordano lygumą ir patraukė į rytus. Taip juodu išsiskyrė.
12Aabraam wuxuu degay dalkii Kancaan, Luudna wuxuu degay magaalooyinkii Bannaanka ku yiil, oo teendhadiisii wuxuu u wareejiyey xagga Sodom.
12Abromas gyveno Kanaano šalyje, o Lotas­lygumos miestuose: Sodomos link statėsi palapines.
13Haddaba dadkii Sodom shar miidhan bay ahaayeen, Ilaahna aad iyo aad bay ugu dembaabeen.
13Sodomos žmonės buvo nedori ir labai nusidėję Viešpačiui.
14Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;
14Viešpats tarė Abromui, kai Lotas nuo jo atsiskyrė: “Pakelk akis ir pažvelk iš vietos, kurioje esi, į šiaurę ir į pietus, į rytus ir į vakarus!
15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.
15Visą žemę, kurią matai, duosiu tau ir tavo palikuonims visam laikui.
16Farcankaagana waxaan ka dhigi doonaa sida ciidda dhulka; haddii nin ciidda dhulka tirin karo, farcankaagana waa la tirin doonaa.
16Padarysiu tavo palikuonių tiek daug, kiek dulkių ant žemės. Jei kas galėtų suskaičiuoti žemės dulkes, tai ir tavo palikuonis galėtų suskaičiuoti.
17Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.
17Kelkis, pereik žemę išilgai ir skersai, nes Aš tau ją duosiu!”
18Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.
18Abromas susivyniojo palapinę ir nuėjo iki Mamrės ąžuolų Hebrone. Ten jis pastatė Viešpačiui aukurą.