1Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa.
1Po šių įvykių Viešpats prabilo į Abromą regėjime: “Nebijok, Abromai! Aš esu tavo skydas ir labai didelis atlygis!”
2Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq.
2Abromas tarė: “Viešpatie Dieve! Ką Tu man duosi? Aš neturiu vaikų, mano namų paveldėtojas bus damaskietis Eliezeras.
3Oo Aabraam wuxuu yidhi, Bal eeg, aniga ima aad siin farcan: oo mid gurigayga ku dhashay baa i dhaxlaya.
3Man nedavei vaikų, ir štai tarnas, gimęs mano namuose, yra mano įpėdinis”.
4Oo bal eeg, ereygii Rabbigaa u yimid, isagoo leh, Ninkanu kuma dhaxli doono: laakiinse waxaa ku dhaxli doona wiil aad dhali doontid.
4Viešpats atsakė jam: “Ne šitas bus tavo paveldėtojas, bet tas, kuris gims iš tavęs”.
5Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.
5Ir, išvedęs jį laukan, tarė: “Pažvelk į dangų ir, jei gali, suskaičiuok žvaigždes! Tiek bus tavo palikuonių!”
6Oo Rabbiga wuu rumaystay; Ilaahna taas wuxuu ugu tiriyey xaqnimo.
6Abromas patikėjo Dievu, ir tai jam buvo įskaityta teisumu.
7Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.
7Dievas kalbėjo: “Aš esu Viešpats, kuris tave išvedžiau iš Chaldėjos miesto Ūro, kad tu paveldėtum šitą šalį”.
8Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaan ku ogaadaa inaan dhaxli doono?
8Abromas tarė: “Viešpatie Dieve! Iš kur galiu žinoti, kad ją paveldėsiu?”
9Oo wuxuu ku yidhi, Ii kaxee qaalin lo' ah oo saddex jir ah, iyo ceesaan saddex jir ah, iyo wan saddex jir ah, iyo qoolley, iyo xamaam yar.
9Tada Jis tarė jam: “Atvesk man trejų metų karvę, trejų metų ožką, trejų metų aviną, balandį ir jauną karvelį”.
10Oo wuu u kaxeeyey kuwaas oo dhan, oo badhtankuu ka kala wada gooyay, oo badh kastaba kan kaluu hor dhigay: laakiinse shimbirrihii ma uu kala gooyn.
10Abromas, atvedęs visus gyvulius, padalino pusiau ir padėjo kiekvieną gabalą vienas prieš kitą, tačiau paukščių nedalino.
11Haad baana hilibkii ku soo degtay, laakiinse Aabraam baa ka eryay.
11Plėšrieji paukščiai atskrido prie mėsos, bet Abromas juos nubaidė.
12Oo kolkii qorraxdu sii dhacaysay, ayaa hurdo aad u weynu Aabraam ku soo dhacday; oo bal eeg, cabsi gudcur weyn leh baa ku soo degtay.
12Saulei leidžiantis, gilus miegas apėmė Abromą, siaubas ir didelė tamsa jį apėmė.
13Markaasuu wuxuu ku yidhi Aabraam, Ogow in hubaal farcankaagu ay dad qalaad ku ahaan doonaan dal aan kooda ahayn, oo ay u adeegi doonaan, oo afar boqol oo sannadood waa la dhibi doonaa;
13Tada Viešpats tarė Abromui: “Žinok, kad tavo palikuonys bus ateiviai svetimame krašte, jie vergaus ir bus spaudžiami keturis šimtus metų.
14oo weliba quruuntaas ay u adeegi doonaan, xukun baan ku ridi doonaa; oo dabadeedna way ka soo bixi doonaan iyagoo xoolo badan wata.
14Tautą, kuriai jie vergaus, Aš teisiu, ir tada jie iš ten išeis su dideliu turtu.
15Laakiinse adigu nabad baad ugu tegi doontaa awowayaashaa, oo waxaa lagu xabaali doonaa adigoo cimri dheer gaadhay.
15O tu ramybėje nueisi pas savo tėvus ir būsi palaidotas, sulaukęs žilos senatvės.
16Oo iyagu qarniga afraad halkan bay ku soo noqon doonaan: waayo, dembigii reer Amor weli ma dhamma.
16Ketvirtoji karta sugrįš čia, nes amoritų nusikaltimų saikas dar nėra pilnas”.
17Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii.
17Nusileidus saulei ir sutemus, štai pasirodė rūkstanti krosnis ir liepsnojantis deglas ir praėjo tarp tų mėsos gabalų.
18Maalintaas Rabbigu Aabraam buu axdi la dhigtay, isagoo leh, Farcankaagaan siiyey dhulkan, oo laga bilaabo webiga Masar ilaa webiga weyn, oo ah webi Yufraad:
18Tą dieną Viešpats padarė su Abromu sandorą, sakydamas: “Tavo palikuonims atidaviau visą žemę nuo Egipto upės iki didžiosios Eufrato upės:
19reer Qeyn, iyo reer Qenas, iyo reer Qadmon,
19kenitus, kenazus, kadmonitus,
20iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Refaa'iim,iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.
20hetitus, perizus, refajus,
21iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.
21amoritus, kanaaniečius, girgašus ir jebusiečius”.