Somali

Lithuanian

Genesis

27

1Markii Isxaaq gaboobay, oo ay indhihiisii u arag darnaayeen si uusan waxba arki karin, ayuu u yeedhay wiilkiisii weynaa oo Ceesaw ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu yidhi, Waa i kan.
1Izaokas paseno, ir jo akys taip aptemo, kad jis nebegalėjo matyti. Jis pasišaukė savo vyresnįjį sūnų Ezavą ir tarė jam: “Mano sūnau”. Tas atsiliepė: “Aš čia”.
2Markaasuu yidhi, Bal i eeg, haatan waan gaboobay, garanna maayo maalinta dhimashadayda.
2Jis tarė: “Aš jau pasenau, nežinau savo mirties dienos.
3Sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, qaado hubkaaga, gabooyahaaga iyo qaansadaada, oo duurka u bax, oo hilib ugaadheed ii keen;
3Imk savo medžioklės įrankius, strėlinę ir lanką, ir, išėjęs į lauką, sumedžiok ką nors.
4oo ii samee hilib macaan, oo ah kan aan jeclahay, oo ii keen, aan cunee, inay naftaydu kuu ducayso intaanan dhiman.
4Paruošk man valgį, kokį mėgstu, atnešk jį man, kad valgyčiau ir mano siela tave palaimintų, prieš man numirštant”.
5Rebeqahna way maqashay markii Isxaaq la hadlay wiilkiisii Ceesaw. Ceesawna duurkuu u kacay inuu ugaadh soo dilo oo uu keeno.
5Rebeka girdėjo Izaoką kalbant savo sūnui Ezavui. Kai Ezavas išėjo į lauką medžioti,
6Markaasay Rebeqah la hadashay wiilkeedii Yacquub, oo tidhi, Waxaan maqlay aabbahaa oo la hadlaya walaalkaa Ceesaw, isagoo leh,
6Rebeka tarė savo sūnui Jokūbui: “Aš girdėjau tėvą kalbant tavo broliui Ezavui:
7Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane.
7‘Sumedžiojęs ką, paruošk man skanų valgį, kad pavalgęs galėčiau tave palaiminti Viešpaties akivaizdoje prieš savo mirtį’.
8Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.
8Taigi dabar, sūnau, klausyk mano patarimo, ką tau sakysiu.
9Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay,
9Eik ir išrink iš kaimenės du geriausius ožiukus ir atnešk, kad paruoščiau iš jų tėvo mėgstamą valgį.
10adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman.
10Tu jį įneši tėvui, kad jis valgytų ir tave palaimintų prieš savo mirtį”.
11Yacquubna wuxuu hooyadiis Rebeqah ku yidhi, Walaalkay Ceesaw waa nin xaad badan, anna waxaan ahay nin xaad yar.
11Bet Jokūbas atsakė savo motinai Rebekai: “Mano brolio Ezavo kūnas apaugęs plaukais, o aš žmogus neplaukuotas.
12Mindhaa aabbahay waa i taaban doonaa, oo markaasaan ula ekaan doonaa khaa'in, oo habaar baan isu soo jiidi doonaa, ducose ma heli doono.
12Jei mano tėvas mane palytės, tada pasirodysiu kaip apgavikas. Taip užsitrauksiu prakeikimą­ne palaiminimą”.
13Oo hooyadiis baa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, habaarkaagu aniga ha igu dhaco: codkayga uun addeec, oo orod oo ii keen iyaga.
13Tačiau motina jam atsakė: “Sūnau, tas prakeikimas tekrinta ant manęs! Tik klausyk manęs ir nuėjęs atnešk, ką sakiau!”
14Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa.
14Taigi jis nuėjęs atnešė motinai ožiukus, o ji pagamino skanų valgį, kurį mėgo tėvas.
15Markaasaa Rebeqah waxay soo qaadday dharkii wanaagsanaa oo wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw, oo ay guriga ku haysay, oo waxay u xidhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub;
15Tada Rebeka, paėmusi savo vyriausiojo sūnaus Ezavo geriausius drabužius, kurie buvo namie, apvilko jais jaunesnįjį sūnų Jokūbą,
16markaasay waxarihii hargahoodii ku xidhay gacmihiisii iyo intii aan xaadda lahayn oo luquntiisii.
16o ožiukų kailiais apvyniojo jo neplaukuotas rankas ir kaklą.
17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.
17Tada ji padavė paruoštą valgį ir duonos savo sūnui Jokūbui.
18Kolkaasuu aabbihiis u yimid, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Kumaad tahay, wiilkaygiiyow?
18Jokūbas, įėjęs pas savo tėvą, tarė: “Mano tėve!” O tas atsiliepė: “Aš čia. Kas tu esi, mano sūnau?”
19Yacquubna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waxaan ahay curadkaagii Ceesaw. Waan sameeyey sidii aad iigu amartay. Haddaba waan ku baryayaaye, kac oo fadhiiso oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.
19Jokūbas atsakė: “Aš esu Ezavas, tavo pirmagimis. Padariau, kaip man liepei. Kelkis, sėsk ir valgyk, ką sumedžiojau, kad tavo siela palaimintų mane”.
20Isxaaqna wuxuu wiilkiisii ku yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee baad dhaqso ugu soo heshay? Isna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaahaaga ayaa ii keenay.
20Izaokas paklausė: “Kaipgi, mano sūnau, taip greitai suradai?” Tas atsakė: “Viešpats, tavo Dievas, suteikė man laimės”.
21Isxaaqna wuxuu Yacquub ku yidhi, Soo dhowow, waan ku baryayaaye, aan ku taabtee, wiilkaygiiyow, bal inaad tahay wiilkaygii Ceesaw iyo in kale.
21Izaokas tarė Jokūbui: “Prieik, kad galėčiau paliesti tave, mano sūnau, ir įsitikinčiau, ar tu tikrai esi mano sūnus Ezavas”.
22Yacquubna waa u dhowaaday aabbihiis Isxaaq; markaasuu taabtay oo yidhi, Codku waa codkii Yacquub, gacmuhuse waa gacmihii Ceesaw.
22Jokūbas priėjo prie savo tėvo. Tas, jį palietęs, tarė: “Balsas Jokūbo, bet rankos Ezavo”.
23Mana uu garanin, maxaa yeelay, gacmihiisu xaad miidhan bay ahaayeen sidii gacmihii walaalkiis Ceesaw; sidaas daraaddeed wuu u duceeyey.
23Jis neatpažino jo, nes rankos buvo plaukuotos kaip jo brolio Ezavo; taip Izaokas palaimino Jokūbą.
24Kolkaasuu yidhi, War ma tahay wiilkaygii Ceesaw qudhiisii? Isna wuxuu yidhi, Waan ahay.
24Tėvas paklausė: “Ar tu tikrai esi mano sūnus Ezavas?” Tas atsiliepė: “Taip, esu”.
25Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.
25Izaokas tarė: “Atnešk, ką sumedžiojai, kad mano siela galėtų tave palaiminti”. Jokūbas atnešė jam, ir šis valgė, ir jis atnešė jam vyno, ir šis gėrė.
26Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Bal ii soo dhowow, oo i dhunko, wiilkaygiiyow.
26Tada jo tėvas Izaokas jam tarė: “Prieik ir pabučiuok mane, sūnau!”
27Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey,
27Šis priėjęs pabučiavo jį, o tėvas, užuodęs Ezavo drabužių kvapą, laimindamas jį tarė: “Mano sūnaus kvapas, kaip kvapas laukų, kuriuos palaimino Viešpats.
28Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada, Iyo barwaaqada dhulka, Iyo hadhuudh iyo khamri badan.
28Tau Dievas teduoda dangaus rasos, derlingos žemės ir apsčiai javų bei vyno!
29Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.
29Tetarnauja tau tautos ir tenusilenkia prieš tave giminės! Viešpatauk savo broliams, ir tesilenkia prieš tave tavo motinos sūnūs! Kas tave keiktų, tebūna prakeiktas, o kas tave laimintų, tebūna palaimintas!”
30Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.
30Izaokui baigus laiminti Jokūbą ir jam tik išėjus iš savo tėvo Izaoko, jo brolis Ezavas grįžo iš medžioklės.
31Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.
31Jis irgi paruošė skanų valgį ir, atnešęs tėvui, tarė: “Kelkis, tėve, ir valgyk savo sūnaus medžioklės laimikio, kad tavo siela mane palaimintų!”
32Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Kumaad tahay? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay wiilkaaga ah curadkaaga Ceesaw.
32Bet Izaokas klausė: “Kas tu esi?” Šis atsakė: “Aš esu tavo sūnus, tavo pirmagimis Ezavas”.
33Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.
33Tada Izaokas išsigando ir drebėdamas tarė: “Kas gi buvo tas, kuris anksčiau sumedžiojo ir man atnešė valgį? Aš, prieš tau pareinant, valgiau ir jį palaiminau. Jis ir bus palaimintas!”
34Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee.
34Ezavas, išgirdęs savo tėvo žodžius, pradėjo labai garsiai ir graudžiai verkti, sakydamas tėvui: “Mano tėve, palaimink ir mane!”
35Isna wuxuu yidhi, Walaalkaa baa khiyaano iila yimid oo ducadaadii qaatay.
35Bet tėvas atsakė: “Tavo brolis klasta gavo tavo palaiminimą”.
36Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin?
36Ezavas tarė: “Teisingai jį pavadino Jokūbu. Juk jis jau du kartus apgavo mane: paėmė mano pirmagimio teisę ir štai dabar­tavo palaiminimą. Nejaugi tu man nepalikai palaiminimo?”
37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?
37Izaokas atsakė Ezavui: “Aš jį padariau tavo valdovu ir visus jo brolius atidaviau jam tarnais, javais ir vynu jį aprūpinau. Ką gi galiu padaryti dėl tavęs, mano sūnau?”
38Ceesawna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, ducadaadu ma mid keliya baa? Ii ducee anigana sidoo kale, Aabbow. Markaasuu Ceesaw aad u qayliyey oo ooyay.
38Ezavas tarė tėvui: “Tėve, ar tik vieną turi palaiminimą? Palaimink ir mane!” Ir Ezavas balsu verkė.
39Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.
39Jo tėvas Izaokas atsakė: “Tu neturėsi derlingos žemės savo gyvenvietėje ir dangaus rasos.
40Oo waxaad ku noolaan doontaa seeftaada, walaalkaana waad u adeegi doontaa, Oo waxaa dhici doonta markaad xukunka qabsato Inaad harqoodkiisa surkaaga ka tuuri doonto.
40Savo kardu tu maitinsies ir savo broliui tarnausi. Bet ateis laikas, kada pasipriešinsi ir nusimesi jo jungą”.
41Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.
41Ezavas nekentė Jokūbo dėl tėvo palaiminimo. Ir Ezavas sakė savo širdyje: “Artėja gedulo dienos dėl tėvo, tada užmušiu savo brolį Jokūbą!”
42Rebeqahna waxaa loo sheegay hadalkii wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw; markaasay intay u cid dirtay u yeedhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub, oo waxay ku tidhi isagii, Bal eeg, walaalkaa Ceesaw wuxuu isku qalbi qabowjiyaa talojirka uu ku talo jiro inuu ku dilo.
42Rebekai buvo perduoti jos vyresniojo sūnaus žodžiai. Ji tada pasišaukė savo jaunesnįjį sūnų Jokūbą ir tarė: “Tavo brolis Ezavas rengiasi atkeršyti tau ir nori užmušti tave.
43Haddaba sidaas daraaddeed wiilkaygiiyow, codkayga addeec. Kac oo u carar walaalkay Laabaan xagga Haaraan;
43Taigi dabar, mano sūnau, klausyk manęs! Bėk pas mano brolį Labaną į Charaną
44oo dhawr maalmood isaga la joog, ilaa walaalkaa ciilku ka ba'ayo, iyo ilaa walaalkaa cadhaduu kuu qabo ka ba'ayso,
44ir gyvenk pas jį, kol paliaus tavo brolio rūstybė,
45oo uu ka illoobayo wixii aad ku samaysay: dabadeedna waan kuu soo cid diri doonaa, oo halkaasaan kaa soo kaxayn doonaa. Maxaan labadiinnaba isku maalin idiin waayayaa?Rebeqahna waxay Isxaaq ku tidhi, Naftaydu waa rafaadsan tahay gabdhaha reer Xeed dartood. Haddii Yacquub naag ka guursado gabdhaha reer Xeed oo kuwan oo kale ah, kuwaas oo ah gabdhaha waddanka, noloshaydu maxay igu taraysaa?
45kol tavo brolio pyktis atsileis ir jis pamirš, ką jam padarei! Po to aš nusiųsiu ką nors, kad tave pargabentų. Kodėl turėčiau jūsų abiejų netekti vieną dieną?”
46Rebeqahna waxay Isxaaq ku tidhi, Naftaydu waa rafaadsan tahay gabdhaha reer Xeed dartood. Haddii Yacquub naag ka guursado gabdhaha reer Xeed oo kuwan oo kale ah, kuwaas oo ah gabdhaha waddanka, noloshaydu maxay igu taraysaa?
46Rebeka tarė Izaokui: “Man įgriso mano gyvenimas dėl hetitų dukterų. Jei dar ir Jokūbas ves hetitę, tai kam man begyventi?”