Somali

Lithuanian

Genesis

3

1Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?
1Gyvatė buvo gudresnė už visus žemės gyvūnus, kuriuos Viešpats Dievas sutvėrė. Ji tarė moteriai: “Ar tikrai Dievas pasakė: ‘Nevalgykite nuo visų sodo medžių’?”
2Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa;
2Moteris atsakė gyvatei: “Mums leista valgyti sodo medžių vaisius,
3laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine.
3išskyrus vaisius medžio, kuris yra sodo viduryje. Dievas įsakė: ‘Nevalgykite nuo jo ir nelieskite jo, kad nemirtumėte’ ”.
4Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan;
4Gyvatė atsakė: “Nemirsite!
5waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta.
5Dievas žino, kad tą dieną, kurią valgysite nuo jo, atsivers jūsų akys ir jūs tapsite kaip dievai, pažindami gera ir bloga”.
6Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.
6Kai moteris pamatė, kad medžio vaisiai yra tinkami maistui, patrauklūs akims ir, vieną suvalgius, galima įsigyti išminties, ji paėmė jo vaisių, pati valgė ir davė savo vyrui, ir jis valgė.
7Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.
7Tada atsivėrė abiejų akys ir jie suprato esą nuogi; juodu supynė figmedžio lapus ir pasidarė prijuostes.
8Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.
8Dienai atvėsus, išgirdę Viešpaties Dievo, vaikščiojančio sode, balsą, Adomas ir jo žmona pasislėpė nuo Viešpaties Dievo veido tarp sodo medžių.
9Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?
9Viešpats Dievas pašaukė Adomą: “Kur tu esi?”
10Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey.
10O tas atsiliepė: “Išgirdau Tavo balsą ir, išsigandęs, kad esu nuogas, pasislėpiau”.
11Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?
11Dievas tarė: “Kas tau pasakė, kad tu nuogas? Gal valgei nuo medžio, nuo kurio tau įsakiau nevalgyti?”
12Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay.
12Žmogus atsakė: “Moteris, kurią Tu man davei, davė man nuo to medžio, ir aš valgiau”.
13Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.
13Tada Viešpats Dievas tarė moteriai: “Kodėl tu taip padarei?” Moteris atsakė: “Gyvatė mane apgavo, ir aš valgiau”.
14Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan:
14Tada Viešpats Dievas tarė gyvatei: “Kadangi taip padarei, esi prakeikta tarp visų gyvulių ir laukinių žvėrių. Tu slinksi pilvu ir dulkes ėsi per visą savo gyvenimą!
15oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.
15Aš sukelsiu priešiškumą tarp tavęs ir moters, tarp tavo sėklos ir moters sėklos. Ji sutrins tau galvą, o tu gelsi jai į kulnį”.
16Naagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa.
16Moteriai Jis tarė: “Aš padauginsiu tavo nėštumo vargus ir su skausmu tu gimdysi vaikus; tave trauks prie tavo vyro, o jis tau viešpataus”.
17Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.
17O Adomui Jis tarė: “Kadangi tu paklausei savo žmonos ir valgei nuo medžio, apie kurį tau buvau įsakęs: ‘Nevalgyk nuo jo’,­prakeikta bus žemė dėl tavęs! Vargdamas turėsi maitintis iš jos visą savo gyvenimą.
18Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka.
18Erškėčius ir usnis ji augins tau, ir tu valgysi lauko augalus.
19Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.
19Valgysi prakaitu uždirbtą duoną, kol sugrįši į žemę, iš kurios esi paimtas. Esi dulkė ir dulke vėl pavirsi”.
20Ninkiina wuxuu naagtiisii u bixiyey Xaawa, maxaa yeelay, waxay ahayd hooyadii waxa nool oo dhan.
20Adomas pavadino savo žmoną Ieva, nes ji tapo visų gyvųjų motina.
21Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.
21Viešpats Dievas padarė Adomui ir jo žmonai kailinius rūbus ir jais apvilko juos.
22Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:
22Tada Viešpats Dievas tarė: “Štai žmogus tapo kaip vienas iš mūsų, pažindamas gera ir bloga; ir dabar, kad jis, ištiesęs savo ranką, neskintų nuo gyvybės medžio ir nevalgytų, ir negyventų per amžius”.
23sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.
23Todėl Viešpats Dievas išvarė jį iš Edeno sodo dirbti žemę, iš kurios jis buvo paimtas.
24Kolkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.
24Išvaręs žmogų, į rytus nuo Edeno sodo Viešpats pastatė cherubus su švytruojančiu ugniniu kardu saugoti kelią prie gyvybės medžio.