Somali

Lithuanian

Genesis

35

1Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.
1Dievas tarė Jokūbui: “Kelkis ir eik į Betelį, ir apsistok ten; pastatyk aukurą Dievui, kuris tau pasirodė, kai bėgai nuo savo brolio Ezavo”.
2Markaasaa Yacquub ku yidhi dadkii gurigiisa iyo intii isaga la jirtay oo dhan, Iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo isdaahirsha, oo dharkiinnana beddesha,
2Jokūbas įsakė saviesiems ir visiems, buvusiems su juo: “Pašalinkite svetimus dievus, kurie yra tarp jūsų, apsivalykite ir pakeiskite drabužius!
3oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.
3Eikime į Betelį, ten pastatysiu aukurą Dievui, kuris mane išklausė pavojuje ir buvo su manimi kelyje, kuriuo aš ėjau!”
4Markaasay Yacquub wada siiyeen ilaahyadii qalaad oo gacantooda ku jiray, iyo hilqadihii dhegahooda ku jiray, Yacquubna wuxuu ku qariyey geed Shekem ku ag yiil hoostiisa.
4Jie atidavė Jokūbui visus svetimus dievus, kuriuos jie turėjo, ir auskarus, o Jokūbas juos užkasė po ąžuolu prie Sichemo.
5Wayna sodcaaleen, magaalooyinkii ku wareegsanaa oo dhanna cabsi weyn baa ku dhacday, mana ay ka daba tegin reer Yacquub.
5Jie iškeliavo, ir siaubas nuo Dievo apėmė aplinkinius miestus, kad niekas nedrįso vytis Jokūbo sūnų.
6Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.
6Taip Jokūbas ir visi su juo esantys žmonės atėjo į Lūzą, dar vadinamą Beteliu, kuri yra Kanaano šalyje.
7Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis.
7Ten jis pastatė aukurą ir tą vietą pavadino El Betelis, nes ten jam pasirodė Dievas, kai jis bėgo nuo savo brolio veido.
8Markaasaa Debooraah oo Rebeqah midiidinteedii ahayd dhimatay, waxaana lagu aasay Beytel geedka hoostiisa; meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Alloon Bakuud.
8Ten mirė Debora, Rebekos auklė, ir buvo palaidota prie Betelio po ąžuolu, kurį pavadino Raudos ąžuolu.
9Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey.
9Dievas vėl pasirodė Jokūbui, kai jis atvyko iš Mesopotamijos, ir jį palaimino.
10Oo waxaa Ilaah ku yidhi, Magacaagu waa Yacquub. Hadda ka dib magacaaga lama odhan doono Yacquub, laakiinse magacaagu wuxuu ahaan doonaa Israa'iil. Magiciisiina wuxuu u bixiyey Israa'iil.
10Ir Dievas tarė jam: “Tavo vardas Jokūbas, bet tu nebesivadinsi Jokūbu. Tavo vardas bus Izraelis!
11Markaasaa Ilaah ku yidhi isaga, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah. Wax badan dhal oo taran; quruun iyo quruumo badan ayaa kaa iman doona, waxaa kaa soo bixi doona boqorro;
11Aš esu Dievas Visagalis. Būk vaisingas ir dauginkis! Tauta ir daugelis tautų atsiras iš tavęs, ir karaliai išeis iš tavo strėnų!
12oo dhulkii aan siiyey Ibraahim iyo Isxaaq, adigaan ku siin doonaa, adiga dabadaana farcankaagaan siin doonaa dhulka.
12Tą žemę, kurią daviau Abraomui ir Izaokui, atiduosiu tau ir po tavęs duosiu tavo palikuonims”.
13Ilaahna kor buu uga tegey isagii iyo meeshii uu kula hadlayba.
13Tada Dievas pasitraukė nuo jo iš tos vietos, kur su juo kalbėjo.
14Yacquubna meeshii uu kula hadlay isaga wuxuu ka taagay tiir, kaas oo ahaa tiir dhagax ah; wuxuuna ku dul shubay qurbaan cabniin ah, saliidna wuu ku dul shubay.
14Jokūbas pastatė akmeninį paminklą toje vietoje, kur Dievas kalbėjo su juo, išliejo ant jo geriamąją auką ir aliejaus.
15Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.
15Jokūbas pavadino tą vietą, kur Dievas su juo kalbėjo, Beteliu.
16Wayna ka sodcaaleen Beytel; oo intaanay Efrad weli soo gaadhin ayaa Raaxeel foolatay, fooshiina way ku rafaadday.
16Iš Betelio jie keliavo toliau. Nepasiekus Efratos, Rachelė gimdė, ir jos gimdymas buvo sunkus.
17Oo markay fooshii ku rafaadaysay umulisadii baa ku tidhi, Ha cabsan; waayo, haatan waxaad dhalaysaa wiil kale.
17Jai esant gimdymo kančiose, pribuvėja jai tarė: “Nebijok! Ir šį kartą turėsi sūnų”.
18Oo waxay noqotay in, markii ay naftu ka sii baxaysay, ay magiciisii u bixisay Benooni, waayo, way dhimatay, laakiinse aabbihiis wuxuu u bixiyey Benyaamiin.
18Kai jos siela buvo beatsiskirianti, nes ji buvo prie mirties, ji pavadino jį Ben Oniu, bet tėvas jį pavadino Benjaminu.
19Raaxeelna way dhimatay, waxaana lagu aasay jidka loo maro Efrad, taasuna waa Beytlaxam.
19Ir Rachelė mirė ir buvo palaidota prie kelio, einančio į Efratą, tai yra Betliejų.
20Yacquubna tiir buu ka taagay qabrigeedii; waana isla tiirka ka taagan qabrigii Raaxeel ilaa maanta.
20Jokūbas pastatė ant jos kapo paminklą; tas Rachelės kapo paminklas tebestovi iki šios dienos.
21Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda.
21Izraelis keliavo toliau ir apsistojęs pasistatė palapines anapus Edero bokšto.
22Oo waxay noqotay, intuu Israa'iil dhulkaas degganaa, in Ruubeen u tegey oo la jiifsaday addoontii aabbihiis oo Bilhah ahayd; Israa'iilna taas wuu maqlay. Wiilashii Yacquubna laba iyo toban bay ahayeen.
22Izraeliui gyvenant anoje šalyje, Rubenas miegojo su savo tėvo sugulove Bilha. Izraelis tai sužinojo. Jokūbo sūnų buvo dvylika.
23Wiilashii Lee'ah waxay ahaayeen Ruubeen oo ahaa curadkii Yacquub, iyo Simecoon, iyo Laawi, iyo Yahuudah, iyo Isaakaar, iyo Sebulun.
23Lėjos sūnūs: Jokūbo pirmagimis Rubenas, Simeonas, Levis, Judas, Isacharas ir Zabulonas.
24Wiilashii Raaxeelna waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.
24Rachelės sūnūs: Juozapas ir Benjaminas.
25Addoontii Raaxeel oo Bilhah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Daan iyo Naftaali.
25Rachelės tarnaitės Bilhos sūnūs: Danas ir Neftalis.
26Addoontii Lee'ah oo Silfah ahayd wiilasheediina waxay ahaayeen Gaad iyo Aasheer. Kuwanu waa wiilashii Yacquub oo isaga ugu dhashay Fadan Araam.
26Lėjos tarnaitės Zilpos sūnūs: Gadas ir Ašeras. Šitie yra Jokūbo sūnūs, gimę jam Mesopotamijoje.
27Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryad Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen.
27Jokūbas atėjo pas savo tėvą Izaoką į Mamrę, į Kirjat Arbos miestą, tai yra Hebroną, kur Abraomas ir Izaokas buvo ateiviai.
28Isxaaq cimrigiisuna wuxuu ahaa boqol iyo siddeetan sannadood.Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.
28Izaokas sulaukė šimto aštuoniasdešimties metų.
29Isxaaqna wuu naf baxay, wuuna dhintay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii, isagoo duq ah oo cimri weyn; markaasay wiilashiisii Ceesaw iyo Yacquub isagii aaseen.
29Ir Izaokas atidavė savo dvasią, ir mirė, ir susijungė su savo tauta, būdamas senas ir pasisotinęs gyvenimu. Jį palaidojo jo sūnūs Ezavas ir Jokūbas.