Somali

Lithuanian

Habakkuk

1

1Kanu waa waxa culus ee uu Nebi Xabaquuq arkay.
1Regėjimas, kurį matė pranašas Habakukas.
2Rabbiyow, ilaa goormaan kuu qayshadaa, oo adna aadan i maqlayn? Dulmi baan kaaga qayshadaa, oo namana aad badbaadisid.
2Viešpatie, kaip ilgai aš šauksiu, o Tu neišklausysi, šauksiu apie smurtą, o Tu negelbėsi!
3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.
3Kodėl man leidi patirti nedorybę ir vargą? Priespauda ir smurtas prieš mane, visur kyla vaidai ir barniai.
4Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.
4Įstatymas nusilpo, į teisingumą nekreipiama dėmesio, nedorėlis apsuka teisųjį, teisme sprendimas iškraipomas!
5Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego.
5“Dairykitės tarp tautų ir įsidėmėkite, didžiai stebėkitės, nes jūsų dienomis darysiu darbą, kuriuo jūs netikėtumėte, jei jums kas apie tai pasakotų.
6Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn.
6Aš sukelsiu chaldėjus, kurie siekia užimti jiems nepriklausančias žemes, kitų gyvenvietes.
7Iyagu waa kuwa laga cabsado oo aad looga baqo; xukunkooda iyo sharaftoodu iyagay ka soo baxaan.
7Tai žiauri ir baisi tauta, jie patys nusprendžia, kas teisu ir garbinga.
8Fardahoodu way ka sii dheereeyaan shabeelka, oo way ka sii cabsi badan yihiin yeyda fiidka, oo fardooleydooduna way iskala bixiyaan, haah, oo fardooleydooduna meel fog bay ka yimaadaan, oo waxay u soo duulaan sida gorgor u soo degdegaya inuu wax dhufsado oo cuno.
8Jų žirgai greitesni už leopardus. Jie plėšresni negu stepių vilkai. Raiteliai išsiskleidžia, jie atjoja iš toli, jie skrenda kaip erelis prie grobio.
9Dhammaantood waxay u yimaadaan inay wax xoogaan, oo damaca wejigooduna waa sida dabaysha bari, oo waxay urursadaan maxaabiis sida cammuudda u badan.
9Jie visi siekia smurto, jų veidai kaip rytų vėjas, jie ima belaisvius kaip smėlio smiltis.
10Cadowgu boqorro wuu quudhsadaa, oo amiirrona wuu fududaystaa, oo qalcad kastana wuu ku qoslaa, waayo, intuu ciid tuulaa ayuu iska qabsadaa.
10Jie tyčiojasi iš karalių, šaiposi iš kunigaikščių. Jie juokiasi iš tvirtovių, supylę pylimus, jie jas paima.
11Markaas sida dabayl buu u dhaafi doonaa, oo wuu sii gudbi doonaa, oo dembi buu lahaan doonaa kan xooggiisu ilaah u yahay.
11Jie traukia tolyn kaip vėjas, viską nualina. Jiems jėga­jų dievas”.
12Rabbiyow, Ilaahaygiiyow, kayga Quduuska ahow, sow adigu weligaaba ma aad jiri jirin? Annagu dhiman mayno. Rabbiyow, isaga waxaad u diyaarisay xukun, oo waxaad u xoogaysay edbin, kaaga Dhagaxa weyn ahow.
12Argi Tu nesi amžinasis Viešpats, mano Dievas, mano Šventasis? Mes nemirsime! Viešpatie, Tu juos paskyrei teismui, galingasis Dieve, Tu juos paruošei bausmei.
13Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay?
13Tavo akys tyros, jos negali matyti pikto, negali žiūrėti į neteisybę. Kodėl ramiai stebi piktadarius ir tyli, kai nedorėlis praryja teisesnį už save?
14Oo maxaad dadka uga dhigtaa sida kalluunka badda, iyo sida waxa gurguurta oo aan lahayn mid iyaga u taliya?
14Tu padarei žmones kaip jūros žuvis, kaip kirmėles, kurios neturi valdovo.
15Isagu dhammaantood ayuu jillaab ku soo qaataa, oo shabaggiisuu ku soo qabsadaa, oo intuu shabaggiisa ku soo wada urursado ayuu soo jiitaa, haddaba sidaas daraaddeed wuu reyreeyaa oo farxaa.
15Jie iškelia juos meškere, ištraukia savo tinklu, surenka bradiniu; todėl jie patenkinti džiaugiasi.
16Haddaba sidaas daraaddeed allabari buu u bixiyaa shabaggiisa, oo fooxna wuu u shidaa shabagguu jiita, maxaa yeelay, iyaga ayaa qaybtiisii ku barwaaqowday, oo quudkiisiina aad iyo aad batay.Haddaba miyuu shabaggiisa madhin doonaa, oo miyuu quruumaha had iyo goorba layn doonaa, isagoo aan u tudhin?
16Jie aukoja tinklui ir smilko bradiniui, nes jų dėka grobis gausus ir maistas geras.
17Haddaba miyuu shabaggiisa madhin doonaa, oo miyuu quruumaha had iyo goorba layn doonaa, isagoo aan u tudhin?
17Argi jie nuolat tuštins tinklus ir žudys tautas be pasigailėjimo?