1Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,
1Antraisiais karaliaus Darijaus metais, šešto mėnesio pirmą dieną, Viešpats kalbėjo per pranašą Agėją Salatielio sūnui Zorobabeliui, Judo valdytojui, ir Jehocadako sūnui Jozuei, vyriausiajam kunigui, sakydamas:
2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.
2“Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Žmonės kalba, kad dar neatėjo laikas atstatyti Viešpaties namus’ ”.
3Markaasaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay oo wuxuu yidhi,
3Tada Viešpats kalbėjo per pranašą Agėją:
4Ma idiin tahay wakhti aad ku hoyataan guryihiinna saqafka loo yeelay, iyadoo guriganu uu dunsan yahay?
4“Ar laikas jums gyventi lentomis apmuštuose namuose, kai šventykla tebeguli griuvėsiuose?
5Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
5Todėl dabar taip sako kareivijų Viešpats: ‘Apsvarstykite savo kelius!
6Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.
6Jūs daug pasėjate, bet mažai pjaunate; valgote, bet nepasisotinate; geriate, bet troškulio nenumalšinate. Jūs apsirengiate, bet nesušylate; o kas dirba už algą, deda ją į kiaurą maišą’.
7Haddaba Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Jidadkiinna ka fiirsada.
7Taip sako kareivijų Viešpats: ‘Apsvarstykite savo kelius!
8Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurta fuula, oo alwaax ka keena, oo guriga dhisa, oo anna waan ku farxi doonaa, oo kolkaasaan ammaanmi doonaa.
8Eikite į kalnus, parsigabenkite medžių ir statykite namus. Aš juos pamėgsiu ir būsiu pašlovintas.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaad filanayseen wax badan, laakiinse waxay noqdeen in yar, oo markaad intaas gurigii keenteenna anigu waan afuufay. Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, gurigaygii baa dunsan oo idinkana midkiin kastaaba wuxuu u ordaa gurigiisa.
9Jūs tikėjotės daug, o gavote mažai; parsigabenote į namus, o Aš sunaikinau. Kodėl?sako kareivijų Viešpats.Dėl to, kad mano namai guli griuvėsiuose, o jūs skubate statyti savo namus.
10Haddaba idinka daraaddiin ayaa samadii u diidday sayaxeedii oo dhulkiina wuu diiday midhihiisii.
10Todėl dangus sulaikė rasą, o žemė neduoda derliaus.
11Oo anigu abaar baan u yeedhay, oo waxaan ku soo dejiyey dhulka, iyo buuraha, iyo hadhuudhka, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo waxaa dhulka ka soo baxa, iyo dadka, iyo duunyada, iyo hawsha gacmaha oo dhan.
11Aš pašaukiau sausrą lygumoms ir kalnams, javams, vynui, aliejui ir viskam, kas auga laukuose, gyvuliams bei žmonėms ir jų visiems darbams’ ”.
12Markaasaa Serubaabel ina Salaatii'eel, iyo wadaadkii sare oo ahaa Yashuuca ina Yehoosaadaaq, iyo dadka intiisii hadhay oo dhammu waxay addeeceen codkii Rabbiga Ilaahooda ah, iyo erayadii Nebi Xaggay, waayo, Rabbiga Ilaahooda ah ayaa isaga soo diray, oo dadkiina Rabbiga hortiisa ayaa cabsi ku gashay.
12Tada Salatielio sūnus Zorobabelis ir Jehocadako sūnus Jozuė, vyriausiasis kunigas, ir visas tautos likutis pakluso Viešpaties, savo Dievo, balsui ir pranašo Agėjo žodžiams, kai Viešpats, jų Dievas, jį siuntė. Ir tauta bijojo Viešpaties.
13Markaasaa Xaggay oo ahaa wargeeyihii Rabbiga dadkii u sheegay farriintii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa.
13Agėjas, Viešpaties pasiuntinys, skelbė tautai Viešpaties žodžius: “Aš esu su jumis,sako Viešpats”.
14Kolkaasaa Rabbigu kiciyey ruuxii Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo ruuxii Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, iyo ruuxii dadka intiisa hadhay oo dhanba, oo intay yimaadeen ayay ka shaqeeyeen gurigii Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah,oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.
14Viešpats pažadino Salatielio sūnaus Zorobabelio, Judo valdytojo, Jehocadako sūnaus Jozuės, vyriausiojo kunigo, ir tautos likučio dvasią. Jie atėjo ir ėmėsi darbo prie kareivijų Viešpaties, savo Dievo, namų
15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.
15šešto mėnesio dvidešimt ketvirtą dieną, antrais karaliaus Darijaus metais.