1Haddaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo ban dhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.
1“Kai norėjau pagydyti Izraelį, paaiškėjo Efraimo kaltė ir Samarijos nedorybės. Jie apgaudinėja, vagys įsilaužia į namus, plėšikų gaujos plėšia gatvėse.
2Oo qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.
2Jie nepagalvoja, kad Aš prisimenu jų nedorybes! Dabar jų darbai apsupo juos, jie visi yra mano akivaizdoje.
3Waxay boqorka kaga farxiyaan xumaantooda, oo amiirradana beentooda.
3Jų nedorybėmis džiaugiasi karalius, jų apgaulėmiskunigaikščiai.
4Dhammaantood waa dhillayo, oo waa sida foorno uu kibisdubuhu kululeeya oo dabka ololintiisa joojiyaa uun markuu cajiinka cajiimayo ilaa uu cajiinku khamiiro.
4Jie visi yra svetimautojai kaip pakūrenta krosnis, kurios nebereikia kurstyti nuo tešlos įmaišymo iki iškilimo.
5Maalinta boqorkayaga amiirradu way isku bukaysiiyeen kulaylka khamriga, isagu wuxuu gacanta u taagay kuwo wax quudhsada.
5Karaliaus dieną kunigaikščiai susirgo nuo vyno, jis ištiesė ranką akiplėšoms.
6Waayo, iyagu waxay qalbigoodii u diyaariyeen sidii foorno oo kale intii ay wax u gabbanayeen, oo kibisdubahoodiina wuu hurdaa habeenkii oo dhan, oo aroortiina qalbigu waa u qaxmayaa sida dab ololaya oo kale.
6Jų širdys paruoštos kaip krosniskepėjas miega naktį, o rytą ugnis įsiliepsnoja.
7Iyagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.
7Jie visi, įkaitę kaip krosnis, prarijo savo teisėjus. Visi jų karaliai krito, bet nė vienas tarp jų nesišaukia manęs.
8Reer Efrayim dadyowguu isku dhex qasaa, reer Efrayim waa sida kibis aan la wada dubin.
8Efraimas maišosi su tautomis! Jis yra lyg neapverstas paplotis.
9Shisheeyayaal ayaa xooggiisa dhammeeyey, oo isna maba oga. Xataa cirraa ka soo baxday, oo isna maba oga.
9Svetimšaliai suėdė jo jėgą, bet jis to nepastebėjo; plaukai jam pražilo, bet jis to nežinojo.
10Waxaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, laakiinse iyagu uma ay soo noqon Rabbiga Ilaahooda ah, mana ay doondoonin isaga in kastoo ay waxyaalahaa oo dhan sameeyeen.
10Izraelio išdidumas liudija prieš jį patį. Bet jie vis dėlto nesugrįžta pas Viešpatį, savo Dievą, ir neieško Jo.
11Reer Efrayim waa sida qoolley doqon ah oo aan waxgarasho lahayn, waayo, iyagu waxay u yeedhaan Masar oo waxay tagaan dalka Ashuur.
11Efraimas elgiasi kaip kvailas balandis: tai šaukiasi Egipto, tai bėga į Asiriją.
12Markay tagaan waxaan ku kor fidin doonaa shabaggayga, oo iyagaan u soo dejin doonaa sida haadda samada, oo sidii ururkoodu maqlay ayaan iyaga u edbin doonaa.
12Jiems einant, Aš ištiesiu tinkląkaip padangių paukščius juos pagausiu; bausiu juos, kaip esu jiems sakęs.
13Iyagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.
13Vargas jiems, nes jie pasitraukė nuo manęs! Sunaikinimas jiems, nes jie sukilo prieš mane! Aš išpirkau juos, bet jie kalbėjo melą.
14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.
14Jie nesišaukė manęs nuoširdžiai, kai dejavo savo guoliuose. Dėl javų ir vyno jie susirinko, bet prieš mane maištavo.
15In kastoo aan wax baray oo aan gacmahooda xoogeeyey, ayay weliba shar ii fikiraan.Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.
15Nors Aš juos mokiau ir stiprinau, tačiau jie piktu man atlygindavo.
16Way soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.
16Jie kreipėsi, bet ne į Aukščiausiąjį, jie kaip netikras ginklas. Jų kunigaikščiai žus nuo kardo dėl jų akiplėšiškumo, Egipto žemė tyčiosis iš jų”.