Somali

Lithuanian

Isaiah

11

1Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,
1Iš Jesės kelmo išdygs atžala ir iš jo šaknies išaugs šaka.
2oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga.
2Viešpaties dvasia bus ant jo: dvasia išminties ir supratimo, dvasia patarimo ir galybės, dvasia pažinimo ir Viešpaties baimės.
3Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono,
3Bijoti Viešpaties jam bus džiaugsmas. Jis teis ne kaip akys mato ir pasmerks ne kaip ausys girdi.
4laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa.
4Jis teisingai teis beturčius ir bešališkai krašto romiuosius. Jis ištiks žemę savo burnos lazda, nužudys nedorėlį savo pūstelėjimu.
5Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo.
5Teisumas bus jo strėnų raištis, ištikimybe jis susijuos juosmenį.
6Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar.
6Vilkas gyvens su avinėliu, leopardas gulės su ožiuku, veršis, jautis ir jaunas liūtas bus drauge, juos ganys mažas vaikas.
7Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa.
7Karvė ir lokys ganysis, jų jaunikliai guls drauge ir liūtas ės šiaudus kaip jautis.
8Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada.
8Motinos maitinamas kūdikis žais prie angies urvo, ir mažas vaikas kiš ranką į gyvatės olą.
9Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.
9Niekas nekenks ir nežudys mano šventame kalne. Kaip vanduo pripildo jūrą, taip žemė bus pilna Viešpaties pažinimo.
10Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
10Tą dieną Jesės šaknis bus vėliava tautoms; pagonys ieškos jo, nes jo poilsis bus šlovingas.
11Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
11Tuomet Viešpats vėl pakels ranką gelbėti savo tautos likutį, kuris bus likęs Asirijoje, Egipte, Patrose, Kuše, Elame, Senaare, Emate ir jūros salose.
12Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah.
12Jis iškels vėliavą tautoms, surinks Izraelio pabėgėlius ir Judo išsklaidytuosius iš keturių žemės kraštų.
13Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan.
13Tuomet Efraimo pavydas išnyks, ir Judo priešai bus sunaikinti, Efraimas nepavydės Judui, Judas nebekovos prieš Efraimą.
14Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan.
14Jie skubės jūros link prieš filistinus ir kartu apiplėš rytiečius. Jie pasieks ir valdys edomitus ir moabitus, amonitai jiems paklus.
15Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
15Viešpats išdžiovins Egipto jūros liežuvį. Jis taip pat, pakėlęs savo ranką, padalins upę į septynis upelius; tuomet bus galima pereiti per ją sausuma.
16Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
16Ir bus platus kelias mano tautos likučiui, kuris išliko Asirijoje, kaip buvo Izraeliui išeinant iš Egipto.