1Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan.
1Pranašavimas apie Egiptą. Štai Viešpats ateina į Egiptą ant lengvo debesies. Egipto stabai dreba Jo akivaizdoje, ir egiptiečių širdys tirpsta juose.
2Oo Masriyiinta waxaan ku kicin doonaa Masriyiin kale, oo midkood kastaaba wuxuu la diriri doonaa walaalkiis iyo deriskiisa, magaalaba magaalay la diriri doontaa, boqortooyana boqortooyo kale.
2“Aš sukurstysiu egiptiečius prieš egiptiečius, brolis kovos prieš brolį, draugas prieš draugą, miestas prieš miestą ir karalystė prieš karalystę.
3Oo Masriyiinta ruuxooduna wuu ka dhammaan doonaa, oo taladooda waan baabbi'in doonaa, oo waxay talo u doonan doonaan sanamyada, iyo falanfallowyada, iyo kuwa ruuxaanta leh, iyo saaxiriinta.
3Egiptiečiai gyvens sąmyšyje, ir Aš paversiu niekais jų planus. Jie klaus savo stabų ir burtininkų, mirusiųjų dvasių iššaukėjų ir žynių.
4Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan Masriyiinta gacanta u gelin doonaa sayid nac weyn, oo waxaa u talin doona boqor xoog badan.
4Aš atiduosiu egiptiečius į žiauraus valdovo rankas; nuožmus karalius juos valdys”,sako Viešpats, kareivijų Dievas.
5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.
5Jūros vanduo nuseks, ir upė išdžius.
6Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan.
6Upės ir kanalai dvoks, nendrės ir meldai suvys.
7Oo seeraha Webi Niil oo qarkiisa ku yaal, iyo wax kasta oo lagu beeray Webi Niil agtiisuba way wada engegi doonaan, oo dabayshaa la tegi doonta, oo mar dambena lama arki doono.
7Papirusai upės pakrantėse ir pasėliai prie upės išdžius, sunyks ir nieko nebeliks.
8Oo kalluumaystayaashuna way ooyi doonaan, kuwa jillaabka Webi Niil ku rida oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo kuwa biyaha korkooda shabagga ku kala bixiyaana way macaluuli doonaan.
8Žvejai liūdės ir dejuos visi, kurie meta meškeres į upę ir kurie vandenyje tiesia tinklus.
9Oo kuwa geed linenka dharka ka sameeya iyo kuwa cudbiga dharka ka sameeyaaba way quusan doonaan.
9Linų apdirbėjai ir verpėjos bei audėjos neteks vilties.
10Oo kuwa waddanka tiirarka u ah oo dhammuna way wada jabi doonaan, kuwa kiro u shaqeeyaana way murugoon doonaan.
10Visų, kurie laiko tvenkinius žuvims, planai sužlugs.
11Amiirrada Socan waa nacasyo, oo taladii taliyayaasha ugu xigmad badnaa ee Fircoon waxay noqotay doqonnimo. Sidee baad Fircoon ugu tidhaahdaan, Anigu waxaan ahay nin xigmad leh wiilkiis, oo waxaan ahay farcankii boqorradii hore?
11Coano kunigaikščiai yra kvaili. Faraono išmintingieji patarėjai duos kvailus patarimus. Kaip galite sakyti faraonui: “Aš esu išminčiaus sūnus, karalių palikuonis?”
12Haddaba meeye raggaaga xigmadda lahu? Oo bal haatan ha kuu sheegeen, oo ha ogaadeen waxa Rabbiga ciidammadu Masar ugu talo galay.
12Kur tavo išminčiai? Jie tepraneša ir tepaskelbia, ką kareivijų Viešpats nusprendė dėl Egipto.
13Amiirradii Socan waxay noqdeen nacasyo, oo amiirradii Nofna waa la khiyaaneeyey Masarna waxaa qalday kuwa qabiilooyinkeeda tiirarka u ah.
13Coano kunigaikščiai taps kvaili, Nofo kunigaikščiai klys. Giminių vadai suklaidins Egiptą.
14Oo Rabbigu wuxuu ku dhex qasay wareer, oo iyana waxay Masar shuqulladeedii oo dhan ugu qaldeen sida nin sakhraanu mantaggiisa ugu dhacdhaco oo kale.
14Viešpats pasiuntė jiems svaigulio dvasią, kuri klaidina egiptiečius visuose jų darbuose; jie kaip girtas žmogus, svyrinėjantis savo vėmaluose.
15Oo Masarna laguma arki doono shuqul ay samayn karaan madaxa ama dabadu, laanta ama cawsduurku toona.
15Jokio darbo Egipte negalės daryti nei galva, nei uodega, nei palmė, nei nendrė.
16Oo wakhtigaas Masriyiintu waxay noqon doonaan sida naago oo kale, oo waxay la gariiri doonaan oo la cabsan doonaan ruxruxidda gacanta Rabbiga ciidammada, oo uu Masar korkeeda ku ruxruxi doono.
16Tą dieną egiptiečiai bus lyg moteris: jie drebės ir išsigąs kareivijų Viešpaties rankos, kurią Jis pakels prieš Egiptą.
17Oo dalka Yahuudahna cabsi buu Masar u noqon doonaa, oo mid kasta oo la xusuusiyaaba wuu ka cabsan doonaa, waana talada Rabbiga ciidammadu uu iyaga u goostay aawadeed.
17Judo žemė bus siaubas Egiptui. Kiekvienas išsigąs, vos jį paminėjęs, dėl to, ką Viešpats nusprendė dėl Egipto.
18Oo wakhtigaas waxaa dalka Masar jiri doona shan magaalo oo afka Kancaan ku hadasha oo Rabbiga ciidammada ku dhaarata, oo middoodna waxaa lagu magacaabi doonaa Magaalada baabba'a.
18Tada Egipto šalyje bus penki miestai, kurie kalbės Kanaano kalba ir prisieks kareivijų Viešpačiui. Vienas bus vadinamas Saulės miestu.
19Oo wakhtigaas dalka Masar dhexdiisa meel allabari baa Rabbiga ugu oolli doonta, oo soohdinteedana waxaa Rabbiga u jiri doona tiir.
19Egipto žemės viduryje stovės aukuras Viešpačiui, o krašto pasienyjepaminklas Jam.
20Oo taasu waxay calaamad iyo markhaati dalka Masar dhexdiisa ugu noqon doontaa Rabbiga ciidammada, waayo, kuwa dulma aawadood ayay Rabbiga ugu qayshan doonaan, oo isna wuxuu u soo diri doonaa badbaadiye iyo mid xoog badan, wuuna samatabbixin doonaa.
20Tai bus ženklas ir liudijimas apie Viešpatį Egipto krašte, nes jie šauksis Viešpaties pavojui iškilus. Jis siųs jiems gelbėtoją, kuris kovos ir išlaisvins juos.
21Oo wakhtigaas ayaa Rabbigu Masriyiinta is-ogeysiin doonaa, oo ay Masriyiintuna Rabbiga aqoon doonaan, oo waxay ku caabudi doonaan allabari iyo qurbaan, oo Rabbiga ayay nidar u nidri doonaan, wayna oofin doonaan.
21Viešpats apsireikš egiptiečiams, ir tą dieną egiptiečiai pažins Viešpatį. Jie aukos Jam deginamąsias ir duonos aukas, duos įžadus Viešpačiui ir laikysis jų.
22Oo Rabbigu wax buu Masar ku dhufan doonaa, wax buu ku dhufan doonaa, wuuna dawayn doonaa, oo iyana Rabbigay u soo noqon doonaan, oo isna baryootankooda ayuu aqbali doonaa, wuuna bogsiin doonaa.
22Viešpats užgaus Egiptą ir išgydys. Jie gręšis į Viešpatį. Jis leisis permaldaujamas ir pagydys juos.
23Oo wakhtigaas waxaa jiri doona jid weyn oo Masar ka baxa oo tan iyo Ashuur gaadha, oo kuwa reer Ashuur ah ayaa Masar geli doona, oo Masriyiintuna reer Ashuur bay Ilaah la caabudi doonaan.
23Tuomet bus vieškelis iš Egipto į Asiriją. Asirai keliaus į Egiptą ir egiptiečiai į Asiriją. Asirai ir egiptiečiai drauge tarnaus Viešpačiui.
24Oo wakhtigaas dalka Israa'iil wuxuu saddex ku noqon doonaa Masar iyo Ashuur, oo dhulka dhexdiisana barako buu ku ahaan doonaa,waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.
24Izraelis bus trečias su Egiptu ir Asirijapalaiminimas krašto viduryje.
25waayo, Rabbiga ciidammadu wuu barakeeyey, isagoo leh, Barako waxaa leh Masar oo ah dadkayga, iyo Ashuur oo ah shuqulkii gacmahayga, iyo Israa'iil oo ah dhaxalkayga.
25Juos kareivijų Viešpats laimins, sakydamas: “Tebūna palaimintas Egiptas, mano tauta, ir Asirija, mano rankų darbas, ir Izraelis, mano paveldas”.