1Yuu yahay kan Edom ka soo socda oo dharka cas Bosraah kala imanaya? Kan dharkiisa ku quruxda badan oo weynaanta xooggiisa ku soo socda waa kuma? Waa anigan xaqnimada ku hadla oo inaan wax badbaadiyo u xoogga badan.
1Kas ateina raudonais drabužiais iš Edomo miesto Bocros, apsirengęs šlovingais rūbais eina savo jėgos pilnatvėje? “Aš, kuris skelbiu teisumą ir turiu galią išgelbėti”.
2Bal maxaa dharkaagu u cas yahay, oo lebbiskaagana maxaa loo moodaa sida dharka kan macsarada canabka ku joogjoogsada?
2Kodėl tavo apsiaustas raudonas ir tavo drabužiai tarsi minančių vyno spaustuvą?
3Keligay baan macsarada ku tuntay, oo dadkiina qofna igalama joogin, waxaan iyaga kula tuntay cadhadayda, oo waxaan kula joogjoogsaday xanaaqayga, oo dhiiggooduna lebbiskayguu ku firidhsan yahay, dharkayga oo dhanna waan ku wada wasakheeyey.
3“Aš vienas myniau spaustuvą, nė vieno iš žmonių nebuvo su manimi. Aš mindžiojau juos įtūžęs ir trypiau savo rūstybėje. Jų kraujas aptaškė mano drabužius ir sutepė juos.
4Waayo, maalintii aarsashadu qalbigaygay ku jirtay, oo kuwaygii aan furtay sannaddoodu waa timid.
4Keršto diena buvo mano širdyje, ir išgelbėjimo metas atėjo.
5Waan doondoonay, laakiinse mid i caawiya lama arag, oo inaan la arag mid i tiiriya waan ka yaabay, sidaas daraaddeed gacantayda qudheeda ayaa badbaado ii keentay, waxaana i tiirisay cadhadaydii.
5Aš apsidairiauir nebuvo, kas padėtų, Aš stebėjausi, kad niekas nepalaikė. Todėl mano paties ranka atnešė man išgelbėjimą ir mano įtūžis palaikė mane.
6Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
6Aš įnirtęs mindžiojau tautas, daviau joms paragauti savo rūstybės ir nubloškiau žemėn jų galybę”.
7Waxaan soo xusuusanayaa Rabbiga raxmaddiisii iyo Rabbiga ammaantiisii si waafaqsan waxyaalihii Rabbigu na siiyey oo dhan, iyo wanaaggii weynaa oo uu reer binu Israa'iil siiyey, kaasoo uu iyaga u siiyey si waafaqsan naxariistiisa, iyo si waafaqsan raxmaddiisa faraha badan.
7Atsimenu Viešpaties mums parodytą malonę ir Jo šlovę, ir visa, ką Jis mums suteikė; Viešpats labai gailestingas Izraelio namams. Jis visa tai darė iš savo malonės, pasigailėdamas mūsų.
8Waayo, wuxuu yidhi, Hubaal iyagu waa dadkayga iyo wiilashayda aan been ku macaamiloon, oo sidaas daraaddeed ayuu Badbaadiye ugu noqday.
8Viešpats tarė: “Jie yra mano tauta, mano vaikai, kurie nemeluos”. Jis buvo jiems gelbėtoju.
9Dhibaatadoodii oo dhan ayuu isna ku dhibaatooday, oo waxaa iyagii badbaadisay malaa'igta hortiisa joogta, oo wuxuu iyagii ku soo furtay jacaylkiisii iyo naxdintiisii, oo isna wuu soo xambaaray, oo waayihii hore oo dhanna wuu siday.
9Jis patyrė visą jų vargą ir angelas, esantis Jo akivaizdoje, jiems padėjo. Iš meilės ir pasigailėjimo jiems Jis atpirko juos, pakėlė juos ir nešė per visas praeities dienas.
10Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
10Jie maištavo ir vargino Jo šventą Dvasią, todėl Jis apsigręžė ir tapo jų priešu, Jis kovojo prieš juos.
11Markaas dadkiisii waxay soo xusuusteen waayihii hore ee Muuse, oo waxay yidhaahdeen, Meeh kii badda ka soo gudbiyey iyagii iyo adhijirkii idihiisa? Meeh kii Ruuxiisa Quduuska ah dhexdooda dhigay,
11Jie atsiminė senas praeities dienas, Jo tarno Mozės laikus, kai Jis vedė savo tautą. Kur yra Tas, kas išvedė iš jūros savo bandą kartu su jų ganytoju? Kur yra Tas, kas davė jam savo šventą Dvasią?
12kii dhudhunkiisa ammaanta badan gacanta midigta ee Muuse raacsiiyey, oo biyaha hortooda ku kala qaybiyey, inuu magac weligiis ah samaysto?
12Kas savo galinga dešine vedė Mozę, perskyrė vandenį pirma jų ir įsigijo amžiną vardą?
13Meeh kii moolka dhexdiisa ku soo hor kacay sidii faras cidlada dhex maraya si ayan u turunturoon?
13Kas vedė juos per gelmes lyg žirgą dykumoje, kad jie nesukluptų?
14Sidii lo' dooxada hoos ugu dhaadhacaysa ayaa Ruuxa Rabbigu iyaga u nasiyey. Oo sidaas oo kalaad dadkaagii u hoggaamisay inaad magac ammaan badan samaysatid.
14Kaip kaimenė eina į slėnį, taip Viešpaties Dvasia davė jiems poilsį. Taip Tu vedei savo tautą ir įsigijai šlovingą vardą.
15Bal samada wax ka soo fiiri, oo bal rugtaada quduusnimada iyo ammaanta leh wax ka soo arag. Meeyey qiiradaadii iyo xooggaagii? Jacaylkii iyo raxmaddii aad ii qabtay way iga joogsadeen.
15Pažvelk iš dangaus, iš savo šventos ir šlovingos buveinės. Kur Tavo uolumas ir galia? Kur Tavo širdies ilgesys ir gailestingumas? Ar jie paliovė?
16In kastoo Ibraahim aanu na garan oo reer binu Israa'iilna ayan na aqoonsan adigu waxaad tahay aabbahayaga. Rabbiyow, waxaad tahay aabbahayaga, oo magacaaguna weligiisba waa Bixiyahayaga.
16Tik Tu esi mūsų tėvas. Abraomas nepažįsta mūsų, Izraelis nieko nežino apie mus. Tu, Viešpatie, esi mūsų tėvas, mūsų atpirkėjas. Tavo vardas yra amžinas.
17Rabbiyow, bal maxaad nooga dhigtay inaannu jidkaaga ka qaldanno, maxaadse qalbigayaga u qallafisay si aannan kaaga cabsan? U soo noqo addoommadaada aawadood iyo qabiilooyinkii dhaxalkaaga aawadood?
17Viešpatie, kodėl leidai mums nuklysti nuo Tavo kelių, sukietinai mūsų širdį, kad Tavęs nebijotume? Sugrįžk dėl savo tarnų, savo paveldėtų giminių.
18Wakhti yar keliya ayaa dadkaagii quduusanaa dalkii hanti ahaan u haysteen. Cadaawayaashayadii ayaa meeshaadii quduuska ahayd ku tuntay.Oo annana waxaannu kula mid noqonnay sidii kuwa aadan weligaa u talin, iyo sidii kuwa aan magacaaga loogu yeedhin.
18Tavo šventa tauta tik trumpai čia gyveno; mūsų priešai mindžiojo Tavo šventyklą.
19Oo annana waxaannu kula mid noqonnay sidii kuwa aadan weligaa u talin, iyo sidii kuwa aan magacaaga loogu yeedhin.
19Mes esame tokie, lyg niekad nebūtume Tau priklausę ir Tavo vardu nesivadinę.