Somali

Lithuanian

Jeremiah

12

1Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?
1Viešpatie, Tu liksi teisus, jei bylinėsiuosi su Tavimi! Tačiau leisk man kalbėti su Tavimi apie Tavo sprendimus. Kodėl nedorėliams sekasi ir kodėl be rūpesčių gyvena visi, kurie elgiasi klastingai?
2Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.
2Tu juos įsodinai, jie įleido šaknis, užaugo, nešė vaisių. Tu esi arti jų burnos, bet toli nuo jų širdies.
3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.
3Viešpatie, Tu pažįsti mane, ištyrei mano širdį ir žinai, kokia ji yra prieš Tave. Atskirk juos kaip avis pjauti, paruošk juos žudymo dienai!
4Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.
4Ar ilgai liūdės šalis ir džius lauko augalai? Dėl jos gyventojų nedorybių išnyko žvėrys ir paukščiai. Jie sakė: “Jis nematys mūsų galo”.
5Haddaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun?
5Jei tu bėgai su pėstininkais ir jie nuvargino tave, tai kaip lenktyniausi su žirgais? Ir jei ramioje šalyje nesi saugus, tai ką darysi, Jordanui išsiliejus?
6Waayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.
6Net tavo broliai, tavo tėvo namai nėra tau ištikimi. Jie sušaukė minią tau už nugaros. Netikėk jais, nors jie kalba gražius žodžius.
7Anigu gurigaygii waan ka tegey, oo dhaxalkaygiina waan iska xooray, oo tii ay naftaydu aad u jeclaydna waxaan gacanta u geliyey cadaawayaasheedii.
7Aš palikau savo namus, atsisakiau nuosavybės; kas mano sielai miela, atidaviau į priešo rankas.
8Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu noqotay sidii libaax kaynta ku jira oo kale, codkeeday kor iigu qaadday, oo sidaas daraaddeed waan nebcaaday.
8Mano paveldėjimas pasidarė man kaip liūtas miške ir pakėlė savo balsą prieš mane, todėl ėmiau nekęsti jo.
9Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene.
9Argi mano paveldėjimas margas paukštis, kad paukščiai apspitę puola jį? Ateikite, susirinkite, visi laukiniai žvėrys, ateikite ėsti!
10Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.
10Daug ganytojų naikino mano vynuogyną, mindžiojo mano paveldėjimą, pavertė mano puikųjį lauką tuščia dykuma.
11Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.
11Jie padarė jį dykuma, kuri verkia mano akivaizdoje. Visa šalis virto dykuma ir niekas dėl to nesisieloja.
12Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.
12Visoms dykumos kalvoms atėjo naikintojai. Viešpaties kardas ryja nuo vieno šalies krašto iki kito, joks žmogus neturi ramybės.
13Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.
13Jie sėjo kviečius, bet pjaus erškėčius, jie vargo, bet be naudos. Jie bus sugėdinti savo derliumi dėl Viešpaties rūstybės.
14Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.
14Taip sako Viešpats: “Visus piktus kaimynus, besikėsinančius į mano tautos, Izraelio, paveldėjimą, Aš išrausiu iš jų žemės, o Judo namus išrausiu iš jų tarpo.
15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.
15Tačiau, kai būsiu juos išrovęs, vėl jų pasigailėsiu ir juos visus sugrąžinsiu į jų paveldėjimą ir į jų kraštą.
16Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.
16Jei jie rūpestingai mokysis mano tautos kelių ir prisieks mano vardu: ‘Kaip Viešpats gyvas!’, kaip jie buvo išmokę mano tautą prisiekti Baalu, tai jiems leisiu įsikurti mano tautoje.
17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.
17Bet jei jie neklausys, tai tokią tautą visiškai išrausiu ir sunaikinsiu,­sako Viešpats”.