Somali

Lithuanian

Jeremiah

15

1Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene.
1Tada Viešpats man tarė: “Net jei Mozė ir Samuelis stotų mano akivaizdoje, mano širdies nepalenktų, nepagailėčiau šitos tautos. Pašalink juos iš mano akių, kad pasitrauktų.
2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.
2Jei jie klaus tavęs: ‘Kur mums eiti?’, atsakyk jiems: ‘Taip sako Viešpats: ‘Kas paskirtas mirčiai, teeina į mirtį, kas kardui­į žūtį, kas badui­į badą ir kas nelaisvei­į nelaisvę’.
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan.
3Aš juos naikinsiu keturiais būdais: kardas žudys, šunys draskys, padangių paukščiai ir laukiniai žvėrys ris ir naikins.
4Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.
4Už tai, ką Judo karalius Manasas, Ezekijo sūnus, padarė Jeruzalėje, Aš atiduosiu juos vargui į visas žemės karalystes.
5Waayo, Yeruusaalemay, bal yaa kuu tudhi doona? Yaase kuu barooran doona? Yaase u soo leexan doona inuu sidaad tahay weyddiiyo?
5‘Kas gailėsis tavęs, Jeruzale, kas tave užjaus? Ir kas teirausis apie tavo gerovę?
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Waad iga tagtay, oo dib baad u noqotay, sidaas daraaddeed gacantaydaan kugu soo fidiyey, waanan ku baabbi'iyey, waayo, inaan ciqaabiddaada ka noqdo waan ka daalay.
6Tu mane palikai,­sako Viešpats,­ir atsukai man nugarą. Todėl Aš ištiesiu prieš tave savo ranką ir tave sunaikinsiu, Aš pavargau gailėtis’.
7Dalka irdihiisa ayaan iyaga masaf kaga haadiyey, waanan gablamiyey, dadkaygana waan baabbi'iyey, waayo, jidadkoodii kama ay soo noqon.
7Aš juos vėtysiu visoje šalyje. Aš atimsiu jų vaikus ir naikinsiu juos, kadangi jie neatsisako savo kelių.
8Tiradii carmalladooda waan ka sii badiyey cammuudda badaha, oo barbaarrada hooyooyinkood waxaan hadhkii ku soo daayay baabbi'iye. Waxaan si kedis ah ugu dejiyey cidhiidhi iyo cabsi.
8Jų našlių yra daugiau negu jūros smilčių. Aš atvedžiau jų jaunuoliams naikintoją, kuris staiga užpuolė, ir miestą apėmė siaubas.
9Rabbigu wuxuu leeyahay, Tii toddoba wiil dhashay way caatowday, oo naftiina way ka baxday. Gabbalkeediina waa dhacay iyadoo ay weli maalin tahay. Way ceebowday, wayna wareertay, oo kuwooda hadhayna waxaan u gacangelin doonaa seefta cadaawayaashooda.
9Septynių sūnų motina nusilpo, ji atidavė dvasią; jai nusileido saulė dienos metu, ji buvo apvilta ir pažeminta. O likusius atiduosiu priešų kardui,­sako Viešpats”.
10Anigaa iska hoogay, hooyoy, waxaad ii dhashay inaan dunida oo dhan u ahaado nin rabshad iyo dirir miidhan! Weligay ninna korsocod wax uma deymin, oo ninna korsocod wax kama deyman, laakiinse mid kastaaba waa i habaaraa.
10Motina, vargas man! Kam tu mane pagimdei vaidams ir kivirčams visame krašte? Nei aš skolinau, nei skolinausi, tačiau jie visi keikia mane.
11Rabbigu wuxuu yidhi, Sida runta ah waad nabdoonaan doontaa, sida runta ah waxaan ka dhigi doonaa in cadowgu ku baryo wakhtigii masiibo jirto iyo wakhtigii dhib jiro.
11Viešpats sako: “Tikrai su tavimi bus viskas gerai. Aš padarysiu, kad priešai užstos tave nelaimės ir pavojaus metu.
12Miyaa bir la jebin karaa, xataa birta woqooyi, iyo naxaasta?
12Ar gali geležis sulaužyti geležį iš šiaurės ir varį?
13Maalkaaga iyo khasnadahaaga waxaan u wada bixin doonaa sidii boolida aan loo iibsan, waana dembigaagii aad waddankaaga oo dhan ku dhex samaysay daraaddiis.
13Tavo turtą ir lobius leisiu grobti už tavo nuodėmes visame krašte.
14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.
14Aš pasiųsiu tave su priešais į svetimą kraštą. Mano rūstybės ugnis užsidegė, ji degins jus”.
15Rabbiyow, wax kastaba waad og tahay, haddaba bal i soo xusuuso, oo i soo booqo, oo iiga aargud kuwa i silcinaya. Ii dulqaado oo ha i fogayn. Ogow inaan aawadaa cay ugu adkaystay.
15Viešpatie, atsimink mane ir aplankyk mane. Atkeršyk už mane mano persekiotojams. Nesunaikink manęs, būdamas maloningas. Tu žinai, kad aš dėl Tavęs kenčiu priekaištus!
16Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.
16Tavo žodžiais maitinuosi. Tavo žodis džiugina mane, jis yra mano širdies linksmybė; aš vadinuosi Tavo vardu, Viešpatie, kareivijų Dieve!
17Ma aanan dhex fadhiisan shirka kuwa wax ku qosla, oo ma aanan rayrayn innaba, laakiinse keligay baan gooni u fadhiistay gacantaada i dul saaran aawadeed, waayo, waxaad iga buuxisay dhirif.
17Aš niekada nesėdėjau pašaipūnų būryje ir nesidžiaugiau. Aš sėdėjau vienišas dėl Tavo rankos, nes Tu pripildei mane apmaudo.
18Bal maxaa xanuunkaygu had iyo goor u sii jiraa, nabarkayguse bal muxuu la raysan waayaa, oo inuu bogsado u diidaa? Sida xaqiiqada ah ma waxaad ii noqonaysaa sidii durdur been ah, iyo sidii biyo sii gudhaya oo kale?
18Kodėl mano skausmas nepraeina, žaizda nepagydoma? Nejaugi Tu būsi man kaip apgaulingas upelis, kaip nepatikimas vanduo?
19Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad soo noqotid, waan ku soo celin doonaa, oo hortaydaad istaagi doontaa. Oo haddaad waxyaalaha qaaliga ah nijaasta ka soocdidna waxaad noqon doontaa sida afkayga oo kale. Iyagu waa inay kuu soo noqdaan, laakiinse adigu waa inaadan xaggooda u noqon.
19Taip sako Viešpats: “Jei grįši, Aš vėl priimsiu tave, tu būsi mano tarnas. Tu atskirsi, kas brangu ir kas menka, būsi kaip mano lūpos. Jie kreipsis į tave, o ne tu į juos.
20Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan dadkan kaaga dhigi doonaa derbi adag oo naxaas ah. Way kula diriri doonaan, laakiinse kaama ay adkaan doonaan innaba, waayo, waan kuula jiraa inaan ku badbaadsho oo aan ku samatabbixiyo.Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
20Aš padarysiu tave tvirta varine siena: nors jie kovos prieš tave, tačiau nenugalės­Aš būsiu su tavimi, tau padėsiu ir išgelbėsiu tave,­sako Viešpats,­
21Oo waxaan kaa samatabbixin doonaa gacanta sharrowyada, waanan kaa badbaadin doonaa gacanta kuwa laga cabsado.
21Aš išgelbėsiu tave iš priešo rankos ir išvaduosiu iš prispaudėjo rankos”.