1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,
1Viešpats kalbėjo Jeremijui, kai karalius Zedekijas siuntė pas jį Malkijos sūnų Pašhūrą ir kunigą Sofoniją, Maasėjos sūnų:
2Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.
2“Babilono karalius Nebukadnecaras kariauja prieš mus; paklausk už mus Viešpatį, gal Jis padarys stebuklą kaip seniau ir priešas turės atsitraukti nuo mūsų?”
3Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:
3Jeremijas jiems atsakė: “Taip sakykite Zedekijui:
4Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, dib baan u celin doonaa hubka dagaalka ee gacantiinna ku jira ee aad kula diriraysaan boqorka Baabuloon, iyo reer Kaldayiinka derbiyada dibaddooda idinku hareeraynaya, oo iyagaan magaaladan dhexdeeda ku soo ururin doonaa.
4‘Viešpats, Izraelio Dievas, sako: ‘Aš apgręšiu kovos ginklus jūsų rankose, kuriais kariaujate prieš Babilono karalių ir chaldėjus, jus apgulusius, ir juos surinksiu viduryje šio miesto.
5Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.
5Aš pats, įpykęs, užsirūstinęs ir įnirtęs, kariausiu prieš jus ištiesta galinga ranka
6Oo wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn.
6ir ištiksiu šito miesto žmones bei gyvulius. Jie mirs nuo didelio maro’.
7Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.
7Viešpats sako: ‘Po to Aš atiduosiu Zedekiją, Judo karalių, jo tarnus ir miesto gyventojus, išlikusius nuo maro, kardo ir bado, į Babilono karaliaus Nebukadnecaro rankas ir rankas tų, kurie siekia jų gyvybės. Jis žudys juos kardu, nieko nesigailėdamas ir neužjausdamas’ ”.
8Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida.
8Šitai tautai sakyk: “Taip sako Viešpats: ‘Aš leidžiu jums pasirinkti gyvenimo kelią ar mirties kelią.
9Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.
9Kas pasiliks šitame mieste, mirs nuo kardo, bado ir maro, o kas išeis ir pasiduos chaldėjams, jus apgulusiems, išliks gyvas ir išgelbės savo gyvybę.
10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
10Aš atsigręžiau į šitą miestą daryti pikta, o ne gera,sako Viešpats,į Babilono karaliaus rankas jis bus atiduotas, o tas jį sudegins’ ”.
11Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.
11Judo karalių namams sakyk: “Klausykite Viešpaties žodžio,
12Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.
12Dovydo namai: ‘Taip sako Viešpats: ‘Elkitės kasdien teisingai, ginkite skriaudžiamuosius, kad mano rūstybė neužsidegtų neužgesinama ugnimi dėl jūsų piktadarysčių’ ”.
13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.
13“Aš esu prieš tave, slėnio gyventoja, lygumos uola,sako Viešpats.Jūs sakote: ‘Kas galėtų mus užpulti ir įsibrauti į mūsų buveines?’
14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.
14Aš nubausiu jus pagal jūsų darbus,sako Viešpats,įžiebsiu ugnį jūsų miške, kad sudegintų visą apylinkę”.