Somali

Lithuanian

Jeremiah

26

1Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,
1Jozijo sūnaus Jehojakimo, Judo karaliaus, karaliavimo pradžioje Viešpats kalbėjo:
2Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad istaagtaa guriga Rabbiga barxaddiisa, oo dadka magaalooyinka dalka Yahuudah oo u yimid inay Rabbiga gurigiisa ku caabudaan oo dhan la hadal, oo erayada aan kugu amro inaad kula hadashid erayna ha ka reebin.
2“Atsistok Viešpaties namų kieme ir kalbėk visiems Judo miestams, atėjusiems į Viešpaties namus pagarbinti. Visa, ką tau įsakiau, pasakyk jiems, nepraleisk nė žodžio!
3Mindhaa waxaa suurtowda inay ku maqlaan oo mid kastaaba ka soo noqdo jidkiisa sharka ah, inaan anigu ka soo noqdo masiibadii aan u qastiyey inaan iyaga ku sameeyo sharka falimahooda aawadiis.
3Gal jie klausysis ir atsisakys savo piktų kelių, kad galėčiau atsisakyti bausmės, kurią esu jiems numatęs.
4Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Haddaad i maqli weydaan si aad ugu socotaan sharcigayga aan idin hor dhigay,
4Jiems sakyk: ‘Taip sako Viešpats: ‘Jei manęs neklausysite ir nesilaikysite mano įstatymo, kurį jums daviau,
5oo aad u maqashaan erayada nebiyada addoommadayda ah oo aan idiin soo diro, anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, laakiin innaba ma aydaan dhegaysan,
5neklausysite mano tarnų pranašų, kuriuos, anksti keldamas, jums siunčiu, nors neklausote jų,
6markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.
6tai Aš padarysiu šituos namus kaip Šiloją ir šitą miestą keiksmažodžiu visoms tautoms’ ”.
7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,
7Kunigai, pranašai ir visa tauta girdėjo Jeremiją kalbant šiuos žodžius Viešpaties namuose.
8oo markii Yeremyaah uu wada dhammeeyey hadalkii uu Rabbigu ku amray inuu dadka oo dhan kula hadlo ayaa wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhammu isagii qabteen, oo waxay ku yidhaahdeen, Hubaal waa inaad dhimataa!
8Kai Jeremijas baigė kalbėti, ką Viešpats jam buvo įsakęs pranešti visai tautai, jį nutvėrė kunigai, pranašai ir visa tauta, šaukdami: “Tu turi mirti!
9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.
9Kodėl pranašavai Viešpaties vardu, kad šitie namai bus kaip Šilojas ir miestas bus nebegyvenamas?” Visa tauta susibūrė prieš Jeremiją prie Viešpaties namų.
10Oo amiirradii dalka Yahuudahna markay waxyaalahaas maqleen ayay gurigii boqorka ka soo bexeen oo waxay yimaadeen gurigii Rabbiga, wayna fadhiisteen meesha laga soo galo iridda cusub ee guriga Rabbiga.
10Kai Judo kunigaikščiai išgirdo apie tai, jie nuėjo iš karaliaus namų į Viešpaties namus ir atsisėdo Viešpaties namų Naujuosiuose vartuose.
11Markaasaa wadaaddadii iyo nebiyadii la hadleen amiirradii iyo dadkii oo dhan, oo waxay yidhaahdeen, Ninkanu dhimashuu istaahilaa, waayo, magaaladan ayuu wax ka sii sheegay sidii idinkuba aad dhegihiinna ku maqasheen.
11Kunigai ir pranašai kalbėjo kunigaikščiams ir visai tautai: “Šitas vyras nusipelnė mirties, nes jis pranašavo prieš šitą miestą, kaip jūs girdėjote savo ausimis”.
12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.
12Jeremijas atsakė kunigaikščiams ir visai tautai: “Viešpats siuntė mane pranašauti prieš šituos namus ir šitą miestą tais žodžiais, kuriuos jūs girdėjote.
13Haddaba jidadkiinna iyo falimihiinnaba hagaajiya, oo codka Rabbiga Ilaahiinna ah addeeca, oo Rabbiguna wuu ka soo noqon doonaa masiibadii uu idinkaga hadlay.
13Taigi dabar pakeiskite savo kelius bei darbus ir klausykite Viešpaties, savo Dievo, tai Jis pasigailės jūsų ir nesiųs sunaikinimo.
14Bal eega, anigu gacmihiinnaan ku jiraa, haddaba iigu sameeya sida idinla wanaagsan oo idinla qumman.
14O aš esu jūsų rankose, darykite su manimi, kaip jums atrodo tinkama.
15Laakiinse bal si xaqiiq ah u ogaada, haddaad i dishaan, waxaad nafsaddiinna iyo magaaladan iyo dadka degganba u soo jiidaysaan dhiig aan xaq qabin, waayo, sida runta ah Rabbiga ayaa ii soo diray xaggiinna inaan dhegihiinna oo dhan erayadan maqashiiyo.
15Bet žinokite, jei jūs mane nužudysite, nekaltą kraują užsitrauksite ant savęs, ant šito miesto ir jo gyventojų, nes Viešpats tikrai mane siuntė kalbėti jums visus šituos žodžius”.
16Markaasaa amiirradii iyo dadkii oo dhammu waxay wadaaddadii iyo nebiyadii ku yidhaahdeen, Ninkanu dhimasho ma istaahilo, waayo, wuxuu nagula hadlay magicii Rabbiga Ilaaheenna ah.
16Kunigaikščiai ir visa tauta atsakė kunigams ir pranašams: “Šitas vyras nenusipelnė mirties, nes jis mums kalbėjo Viešpaties, mūsų Dievo, vardu”.
17Markaas waxaa istaagay qaar ka mid ah waayeelladii dalka oo waxay la hadleen shirkii dadka oo dhan, iyagoo leh,
17Kai kurie krašto vyresnieji kalbėjo tautos susirinkimui:
18Miikaah kii reer Mooreshed ayaa wax sii sheegay wakhtigii Xisqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, oo dadka Yahuudah oo dhan ayuu la hadlay, oo wuxuu yidhi, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sidii meelaha sarsare ee kaynta ku yaal oo kale.
18“Michėjas iš Morešeto pranašavo Judo karaliaus Ezekijo dienomis visai Judo tautai Viešpaties vardu, kad Sionas bus ariamas kaip laukas, Jeruzalė pavirs griuvėsiais, o šventyklos kalnas apaugs mišku.
19Haddaba Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhammu miyey isagii dileen? Oo miyuusan isagu Rabbiga ka cabsan, oo uusan Rabbiga baryin, oo Rabbiguna miyuusan ka soo noqon masiibadii uu iyaga kaga hadlay? Innagu masiibo weyn ayaynu nafteenna u soo jiidi lahayn haddaan isaga dilno.
19Argi karalius Ezekijas ir visi Judo žmonės jį nužudė? Jie pabūgo Viešpaties ir maldavo Jį taip, kad Viešpats susilaikė nuo bausmės, kurią Jis jiems buvo paskelbęs. O mes siekiame užsitraukti didelę nelaimę!”
20Oo weliba waxaa kaloo jiray nin magaca Rabbiga wax ku sii sheegay, waana Uuriyaah ina Shemacyaah oo ahaa reer Qiryad Yecaariim, oo isna wuxuu magaaladan iyo dalkanba ka sii sheegay wax erayada Yeremyaah oo dhan waafaqsan.
20Tuo laiku buvo dar vienas vyras, Šemajo sūnus Ūrijas iš Kirjat Jarimo, kuris pranašavo Viešpaties vardu prieš šitą miestą ir kraštą taip, kaip Jeremijas.
21Oo markii Boqor Yehooyaaqiim, iyo raggiisii xoogga badnaa oo dhan, iyo amiirradii oo dhammu ay erayadiisii maqleen ayaa boqorkii damcay inuu isaga dilo, laakiinse Uuriyaah markuu xaalkaas maqlay ayuu baqay, oo intuu cararay ayuu dalkii Masar tegey.
21Ir kai karalius Jehojakimas, visi jo kariai ir kunigaikščiai išgirdo jo žodžius, karalius ieškojo jo, kad nužudytų. Tai išgirdęs, Ūrijas nusigando ir pabėgo į Egiptą.
22Markaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay.
22Karalius Jehojakimas siuntė Achboro sūnų Elnataną su palyda į Egiptą.
23Oo iyana dalkii Masar ayay Uuriyaah ka soo bixiyeen, oo waxay u keeneen Boqor Yehooyaaqiim, oo isna seef buu isagii ku dilay, oo meydkiisiina wuu ku dhex tuuray qabuuraha dadka.Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.
23Tie atvedė Ūriją iš Egipto pas karalių Jehojakimą, o tas, jį nužudęs kardu, išmetė jo lavoną į prastuomenės kapines.
24Habase ahaatee Axiiqaam ina Shaafaan gacantiisu way la jirtay Yeremyaah inayan isaga ku ridin dadka gacantiisa si ay u dilaan.
24Tačiau Safano sūnaus Ahikamo ranka Jeremijas buvo apgintas ir neatiduotas miniai nužudyti.