1Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Jeremijui, kai Nebukadnecaras, Babilono karalius, su visa kariuomene, visomis jo valdžioje esančiomis karalystėmis ir tautomis kariavo prieš Jeruzalę ir Judo miestus:
2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.
2“Eik ir pranešk Zedekijui, Judo karaliui, kad taip sako Viešpats: ‘Aš atiduosiu šį miestą į Babilono karaliaus rankas, ir šis jį sudegins.
3Oo adiguna gacantiisa kama aad baxsan doontid, laakiinse hubaal waa lagu qabsan doonaa, oo gacantiisaa lagugu ridi doonaa, oo indhahaaguna waxay fiirin doonaan indhaha boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo Baabuloon baad tegi doontaa.
3Ir tu neištrūksi iš jo rankų, būsi sugautas ir jam atiduotas. Tu matysi Babilono karalių ir kalbėsi su juo veidas į veidą, ir tave nugabens į Babiloną.
4Sidqiyaah boqorka dalka Yahuudahow, Weliba bal maqal erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu kaa leeyahay, Seef kuma dhiman doontid,
4Tačiau klausykis Viešpaties žodžio, Zedekijau, Judo karaliau. Tu nežūsi nuo kardo,
5nabad baadse ku dhiman doontaa, oo wax baa laguu shidi doonaa sidii wax loogu shidi jiray awowayaashaa oo ahaa boqorradii kaa sii horreeyey, wayna kuu barooran doonaan, iyagoo leh, Hoogaye, sayidkaygiiyow, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Eraygaas anigaa ku hadlay.
5bet mirsi ramybėje. Kaip tavo tėvams, kurie karaliavo pirma tavęs, sukurdavo laidotuvių ugnį, taip tau padarys ir tave apraudos: ‘O mūsų valdove’. Aš taip pasakiau,sako Viešpats’ ”.
6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,
6Pranašas Jeremijas kalbėjo šituos žodžius karaliui Zedekijui Jeruzalėje.
7markii boqorkii Baabuloon ciidankiisii uu la dirirayay Yeruusaalem, iyo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo hadhay oo dhan, iyo xataa Laakiish iyo Caseeqaah, waayo, magaalooyinkaas deyrka lahaa ayaa ka hadhay magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan.
7Babilono karaliaus kariuomenė kariavo prieš Jeruzalę ir Judo miestusLachišą ir Azeką, nes tie sutvirtinti Judo miestai dar buvo nepaimti.
8Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,
8Viešpats kalbėjo Jeremijui, kai karalius Zedekijas padarė sandorą su Jeruzalės gyventojais ir paskelbė,
9in nin kastaaba xoreeyo addoonkiisii Cibraaniga ah ama addoontiisii Cibraaniyadda ah, iyo inuusan ninna addoonsan walaalkiisa Yuhuudi ah.
9kad kiekvienas suteiktų laisvę vergams hebrajams, kad nelaikytų vergais žydų.
10Haddaba amiirradii iyo dadkii axdiga galay oo dhammu markay maqleen inay nin kasta waajib ku tahay inuu xoreeyo addoonkiisa iyo addoontiisaba, iyo inaan ninna iyaga mar dambe addoonsan ayay amarkaas addeeceen oo way sii wada daayeen iyagii.
10Kunigaikščiai ir visa tauta, kurie padarė sandorą suteikti laisvę vergams ir vergėms, kad jie nebevergautų, pakluso ir paleido juos.
11Laakiinse markaas dabadeed ayay ku noqdeen, oo waxay soo ceshadeen addoommadii ay mar hore sii daayeen, oo iyagay u gumaysteen inay addoommo u sii ahaadaan.
11Bet po to jie persigalvojo ir susigrąžino vergus bei verges, ir privertė juos toliau vergauti.
12Sidaas daraaddeed eraygii Rabbigu wuxuu xagga Rabbiga uga yimid Yeremyaah isagoo leh,
12Todėl Viešpats kalbėjo Jeremijui:
13Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu axdi baan awowayaashiin la dhigtay maalintii aan iyaga dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga ka soo bixiyey, oo waxaan ku idhi,
13“Aš sudariau sandorą su jūsų tėvais, kai juos išvedžiau iš Egipto vergijos, ir įsakiau:
14Markay toddoba sannadood dhammaystaan midkiin kastaaba ha sii daayo walaalkiisa Cibraaniga ah oo is-iibiyey, oo markuu kuu adeego lix sannadood waa inaad isaga sii daysaa isagoo xor kaa ah. Laakiinse awowayaashiin ima ay maqlin, oo dhegna iima ay dhigin.
14‘Baigiantis septyneriems metams, kiekvienas privalo paleisti savo brolį hebrają, kuris jam vergavo. Šešerius metus jis tedirba, o po to suteikite jam laisvę’. Bet jūsų tėvai neklausė manęs ir nepalenkė savo ausies girdėti.
15Idinkuse haatan waad soo noqoteen, oo wax qumman ayaad hortayda ku samayseen markii ninkiin kastaaba uu deriskiisa xorriyad ugu dhawaaqay, oo axdi baad hortayda ku gasheen idinkoo gurigii laygu magacaabay jooga.
15Dabar jūs buvote atsivertę ir padarę tai, kas teisinga mano akyse, paskelbdami laisvę savo broliams. Jūs sudarėte sandorą mano akivaizdoje, namuose, vadinamuose mano vardu.
16Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan.
16Bet jūs persigalvojote ir sutepėte mano vardą, susigrąžindami vergus ir verges. Jie buvo laisvi, galėjo gyventi, kaip norėjo, o jūs juos vėl pavergėte.
17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
17Kadangi jūs neklausėte manęs ir nesuteikėte laisvės broliui ir artimui, Aš išlaisvinu jus kardui, marui ir badui. Aš išsklaidysiu jus visose žemės karalystėse.
18Oo nimankii axdigayga ku xadgudbay, oo aan oofin erayadii axdiga ee ay hortayda ku galeen markay weysha laba u kala gooyeen oo ay qaybaheedii kala dhex mareen,
18Žmones, nesilaikiusius sandoros, sudarytos mano akivaizdoje, sandoros, kurią sudarėte, perpjaudami veršį ir praeidami tarp jo dalių,
19kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,
19Judo ir Jeruzalės kunigaikščius, valdininkus, kunigus ir visus žmones, kurie praėjo tarp veršio dalių,
20waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.
20Aš atiduosiu į jų priešų, kurie siekia jų gyvybės, rankas. Jų lavonai bus maistu padangių paukščiams ir laukiniams žvėrims.
21Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
21Taip pat Zedekijas, Judo karalius, ir jo kunigaikščiai pateks į priešų, siekiančių jų gyvybės, rankas, į rankas Babilono karaliaus kariuomenės, kuri šiuo metu yra pasitraukusi.
22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
22Aš įsakysiu,sako Viešpats,ir sugrąžinsiu ją prieš šitą miestą. Jie kariaus, paims ir sudegins jį. Judo miestus Aš padarysiu dykyne be gyventojų”.