1Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, haddaad soo noqotaan, waa inaad xaggayga u soo noqotaan, oo haddaad karaahiyadiinna hortayda ka fogaysaanna innaba laydin dhaqdhaqaajin maayo.
1“Izraeli, jei nori sugrįžti,sako Viešpats,grįžk pas mane. Jei pašalinsi savo bjaurystes, tau nereikės bėgti nuo manęs.
2Oo haddaad si run iyo caddaalad iyo xaqnimo ah ugu dhaarataan, Rabbigu waa nool yahay, de markaas quruumuhu isagay ku ducaysan doonaan, oo isagay ku faani doonaan.
2Tada prisieksi: ‘Kaip gyvas Viešpats!’ tiesoje, teisingume ir teisume. Ir Jis bus palaiminimas tautoms, ir tautos girsis Juo”.
3Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina.
3Taip sako Viešpats Judo žmonėms ir Jeruzalei: “Arkite dirvonus ir nesėkite erškėtynuose.
4Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
4Apsipjaustykite Viešpačiui ir pašalinkite nuo savo širdžių plėvelę, Judo žmonės ir Jeruzalės gyventojai, kad neišsiveržtų kaip ugnis mano rūstybė ir neužsidegtų neužgesinamai dėl jūsų piktų darbų.
5Dalka Yahuudah ka dhex sheega, oo Yeruusaalem ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan, War dalka dhexdiisa buunka ku dhufta, oo aad u qayliya, oo waxaad tidhaahdaan, Isa soo urursada, oo ina keena aynu magaalooyinka deyrka leh galnee.
5Skelbkite Jude ir praneškite Jeruzalėje, pūskite ragą krašte, garsiai šaukite ir sakykite: ‘Susirinkite ir eikime į sutvirtintus miestus!’
6Calan u taaga xagga Siyoon, carara oo ha joogsanina, waayo, anigu waxaan xagga woqooyi ka keeni doonaa masiibo iyo halligaad weyn.
6Iškelkite vėliavą Siono link! Bėkite! Nestovėkite! Nelaimę ir sunaikinimą Aš užleisiu iš šiaurės.
7Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
7Liūtas pakilo iš tankumyno, tautų naikintojas yra kelyje. Jis pakilo iš savo vietos paversti tavo šalį dykuma; tavo miestai pavirs griuvėsiais ir ištuštės.
8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.
8Todėl apsivilkite ašutinėmis, raudokite ir dejuokite: ‘Nenusigręžė nuo mūsų Viešpaties rūstybė’ ”.
9Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa maalintaas noqon doona in boqorka qalbigiisa iyo amiirrada qalbigooduba ay kharribmaan, oo wadaaddaduna way yaabi doonaan, oo nebiyaduna way fajici doonaan.
9Viešpats sako: “Ateis diena, kada pradings karaliaus drąsa ir kunigaikščių narsumas, kunigai išsigąs ir pranašai pastirs iš baimės.
10Markaasaan idhi, Sayidow, Rabbiyow, sida xaqiiqada ah dadkan iyo Yeruusaalemba aad iyo aad baad u khiyaanaysay, waayo, iyagoo seefi naftooda soo gaadhaysa ayaad ku tidhaahdaa, Nabad baad helaysaan.
10Jie sakys: ‘Ak, Viešpatie Dieve, iš tikrųjų Tu smarkiai apgavai šią tautą ir Jeruzalę, sakydamas: ‘Jūs turėsite taiką’, o dabar kardas siekia mūsų sielas!’
11Oo wakhtigaas waxaa dadkan iyo Yeruusaalemba lagu odhan doonaa, Dadkayga dabayl kulul ayaa uga iman doonta xagga meelaha dhaadheer ee cidlada ku yaal, mana ahaan doonto mid wax haadinaysa amase wax safaynaysa,
11Tuomet bus pasakyta šiai tautai ir Jeruzalei: ‘Karštas vėjas pučia nuo plikų aukštumų iš dykumos mano tautos link, bet ne vėtyti ir ne valyti jos.
12laakiinse waxay ahaan doontaa dabayl xoog badan oo amarkayga ku imanaysa, oo weliba haatan anigu xukunkoodii waan ku hadli doonaa.
12Smarkus vėjas iš ten ateina pas mane. Dabar Aš pats paskelbsiu jiems nuosprendį’ ”.
13Bal eega, isagu wuxuu u iman doonaa sida daruur oo kale, oo gaadhifardoodyadiisuna waxay ahaan doonaan sida dabayl cirwareen ah oo kale, oo fardihiisuna xataa gorgorrada way ka sii dheereeyaan. Annagaa hoognay! Waayo, waannu baabba'nay.
13Kaip debesis Jis pakyla, kaip audra Jo kovos vežimai, greitesni už erelius Jo žirgai! Vargas mums, mes žuvę!
14Yeruusaalemay, qalbigaaga xumaanta ka maydh, si aad u badbaaddo aawadeed. Ilaa goormay fikirradaada sharka ahu kugu sii dhex jirayaan?
14Jeruzale, apvalyk nuo nedorybių savo širdį, kad būtum išgelbėta! Ar ilgai piktos mintys pasiliks tavyje?
15Waayo, xagga Daan cod baa ka yeedhaya, oo buuraha Efrayimna belaayo baa laga naadiyaa.
15Klausykis, iš Dano ir iš Efraimo kalnyno balsas skelbia blogą žinią:
16Quruumaha u diga oo Yeruusaalem ogeysiiya in ilaallo ay dal fog ka imanayaan, oo ay magaalooyinkii dalka Yahuudah ku qaylinayaan.
16“Įspėkite tautas, praneškite Jeruzalei: priešai ateina iš tolimos šalies ir pakels balsą prieš Judo miestus!
17Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.
17Kaip lauko sargai jie apstojo ją, nes ji buvo sukilusi prieš mane,sako Viešpats.
18Jidkaaga iyo falimahaaga ayaa waxyaalahan kuu keenay, tanu waa belaayadaada, wayna qadhaadh tahay, oo waxay gaadhaysaa xataa ilaa qalbigaaga.
18Tavo keliai ir darbai tau tai užtraukė! Tavo nedorybė yra karti ir pasiekė tavo širdį”.
19Calooshaydiiyey, calooshaydiiyey! Aniga qalbigaa i xanuunaya, oo wadnahaa i fig leh. Iskamana aamusi karo, maxaa yeelay, naftaydiiyey, waxaad maqashay buunka dhawaaqiisii iyo qayladii dagaalka.
19Ak, mano siela, mano siela! Skausmas pasiekė mano širdį. Mano širdis nerimsta, negaliu tylėti. Nes tu, mano siela, girdi trimito garsą, karo pavojų.
20Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen.
20Sunaikinimas po sunaikinimo! Visa šalis nuniokota! Staiga sunaikinamos mano pastogės, ūmai mano palapinės!
21Ilaa goormaan calanka arkayaa, oo aan buunka dhawaaqiisa sii maqlayaa?
21Ar ilgai matysiu vėliavas, girdėsiu trimito garsą?
22Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
22Mano tauta kvaila, ji manęs nepažįsta. Jie neprotingi vaikai, neturintys supratimo. Jie išmintingi daryti pikta, bet daryti gera jie nesugeba.
23Bal eega, dhulkaan fiiriyey, oo waxaan arkay inuusan qaab lahayn oo uu madhan yahay, oo haddana samooyinkaan fiiriyey, oo iyana innaba iftiin ma ay lahayn.
23Aš pažvelgiau į žemęji buvo be pavidalo ir tuščia, pažvelgiau į dangusten nebuvo šviesos.
24Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.
24Pažvelgiau į kalnusjie drebėjo, visos aukštumos siūbavo.
25Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen.
25Aš žvalgiaus, ir nebuvo nė vieno žmogaus, visi padangių paukščiai buvo nuskridę.
26Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.
26Pažvelgiau į derlingą žemęji buvo dykuma, visi miestai buvo sunaikinti Viešpaties akivaizdoje, Jo rūstybės įkarštyje.
27Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo.
27Viešpats tarė: “Visa šalis liks tuščia, tačiau jos nesunaikinsiu visiškai.
28Taas aawadeed dhulku wuu u barooran doonaa, oo samooyinka sarena way u madoobaan doonaan, maxaa yeelay, waxan anigaa ku hadlay, oo anigaa u qastiyey, oo innaba ka qoomamoon maayo, kana soo noqon maayo marnaba.
28Dėl to gedės žemė ir aptems aukštai dangūs. Aš tai pasakiau ir nesigailėsiu, nutariau ir įvykdysiu!”
29Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.
29Nuo raitelių ir šaulių šauksmo pabėgs visas miestas: jie sulįs į olas, pasislėps tankynėse ir lips ant uolų. Miestai ištuštės ir liks be gyventojų.
30Oo markii lagu dhoco bal maxaad samayn doontaa? In kastoo aad dhar guduudan xidhatid, iyo in kastoo aad dahab isku sharraxdid, iyo in kastoo aad indhakuul iska badisidba, waxtarla'aan baad isu qurxinaysaa, waayo, kuwii ku caashaqi jiray way ku wada quudhsadaan, oo waxay doonayaan inay nafta kaa qaadaan.Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
30Ką dabar darysi tu, apiplėštoji? Nors apsivilktum purpuru, pasidabintum auksiniais papuošalais, išsidažytum veidąveltui tu puoštumeisi. Tavo meilužiai paniekins tave, jie ieškos tavo gyvybės.
31Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.
31Girdžiu tarsi gimdančios riksmą, tarsi pirmagimį gimdančios šauksmąbalsą Siono dukters, gaudančios kvapą, tiesiančios rankas ir sakančios: “Vargas man, mano sielą nuvargino žudikai”.