Somali

Lithuanian

Jeremiah

49

1Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad?
1Viešpats sako amonitams: “Argi Izraelis neturi paveldėtojų? Kodėl Milkomas paveldėjo Gadą ir jo žmonės apsigyveno miestuose?
2Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay.
2Ateis diena, kai Aš leisiu amonitų Rabai patirti karą. Ji pavirs griuvėsiais, o aplinkiniai miestai bus sudeginti; Izraelis atgaus savo nuosavybę.
3Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.
3Vaitok, Hešbone, nes Ajas sunaikintas. Šaukite, Rabos dukterys, apsivilkite ašutinėmis, raudokite, bėgiodamos patvoriais, nes Milkomas ir jo kunigai bei kunigaikščiai eis į nelaisvę.
4Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya?
4Ko tu giries savo slėniais, nuklydusioji dukra? Pasitiki savo turtais, sakydama: ‘Kas drįs eiti prieš mane?’
5Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto.
5Aš atvesiu prieš tave siaubą,­ sako Viešpats, kareivijų Dievas.­ Apsupę priešai taip jus išsklaidys, kad visi išbėgios ir niekas jų nebesurinks.
6Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.
6Bet po to Aš išlaisvinsiu amonitus,­sako kareivijų Viešpats”.
7Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay?
7Kareivijų Viešpats sako Edomui: “Ar nebėra išminties Temane? Ar išminčiai nebeduoda patarimų, ar jų išmintis išseko?
8Dadka Dedaan degganow, carara, oo dib u noqda, oo meelo hul dheer dega, waayo, reer Ceesaw waxaan ku soo dejin doonaa masiibadiisa oo dhan, waana wakhtiga aan isaga ciqaabi doono.
8Bėkite ir pasislėpkite slėptuvėse, Dedano gyventojai! Aš sunaikinsiu Ezavą, aplankydamas jį.
9Haddii kuwa canab ururiya ay kuu yimaadaan, sow kaagama ay tageen canab xaaxaab ah? Haddiise tuugag ay habeenkii kuu miraan, sow kama ay tageen markay wax ku filan helaan?
9Ar vynuogių skynėjai nepaliktų kiek vynuogių? Jei vagys įsilaužtų nakčia, ar jie nepavogtų tik tiek, kiek jiems reikia?
10Laakiinse anigu reer Ceesaw waan qaawiyey, oo meelihiisii qarsoonaana daahaan ka wada qaaday, oo isna ma uu kari doono inuu isqariyo. Farcankiisii iyo walaalihiis iyo deriskiisiiba way wada baabbe'een oo isagiina innaba ma jiro.
10Bet Aš apnuoginau Ezavą, Aš atidengiau jo paslaptis, ir jis nebeturės, kur pasislėpti. Jo vaikai, broliai ir kaimynai bus sunaikinti.
11Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.
11Palik savo našlaičius, Aš išsaugosiu juos, tavo našlės tepasitiki manimi.
12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa.
12Jei nekaltieji turės gerti taurę, tai ar tu liksi nebaustas? Tu neišvengsi bausmės!
13Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan ku dhaartay nafsaddayda inay Bosraah noqon doonto cidla, iyo cay, iyo burbur, iyo inkaar, oo magaalooyinkeeda oo dhammuna weligoodba cidla bay ahaan doonaan.
13Aš prisiekiau pats savimi, kad Bocra taps siaubu, virs dykuma bei keiksmažodžiu; visi jos miestai bus amžini griuvėsiai,­sako Viešpats”.
14War baan xagga Rabbiga ka maqlay, oo quruumahana waxaa loo dhex diray wargeeys leh, Isa soo wada urursada, oo iyada ku soo duula, oo dagaalka u soo kaca.
14Aš sužinojau iš Viešpaties, kad pasiuntinys yra pasiųstas tautoms. Jis kviečia visus į kovą prieš jį.
15Waayo, bal eeg, waxaan kaa dhigay mid quruumaha dhexdooda ku yar, oo dadka dhexdiisana lagu quudhsado.
15“Tu būsi mažas tarp tautų ir paniekintas žmonėse.
16Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa.
16Tavo smarkumas ir širdies išdidumas apgavo tave. Tu gyveni uolų plyšiuose, laikaisi kalvų viršūnėse. Jei tu susikrautum savo lizdą taip aukštai kaip erelis, Aš nustumčiau tave žemyn,­sako Viešpats.­
17Oo weliba Edomna waxay noqon doontaa cidla, oo mid kasta oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, wuuna ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan.
17Edomas taps pasibaisėjimu; kiekvienas praeivis švilps ir baisėsis jo likimu.
18Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.
18Kaip sunaikinta Sodoma ir Gomora bei jų apylinkės, taip ir čia nepasiliks ir negyvens joks žmogus.
19Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inuu degdeg uga cararo, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona?
19Kaip liūtas iš Jordano tankynės jis pakyla ir ateina prieš stipriųjų buveines, bet Aš jį nuvysiu ir paskirsiu tą, kurį išsirinksiu. Kas yra man lygus ir kas gali man pasipriešinti?
20Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Edom u goostay, iyo qastiyadiisa uu dadka Teemaan deggan u qastiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.
20Štai Viešpaties nutarimas Edomui ir sprendimas Temano gyventojams. Iš tiesų net menkiausi iš bandos juos ištrems ir jų buveinės liks apleistos.
21Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii dhiciddooda, oo qayladoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Badda Cas.
21Nuo jų griuvimo trenksmo sudrebės žemė, ir jų šauksmo balsas bus girdimas prie Raudonosios jūros.
22Bal ogaada, isagu wuu soo kici doonaa oo wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa Bosraah, oo maalintaas ragga xoogga badan oo reer Edom qalbigoodu wuxuu noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.
22Jis pakils kaip erelis, atskris ir išskės sparnus virš Bocros. Tą dieną Edomo kariai bus nuliūdę ir išsigandę kaip moterys”.
23Oo Dimishaqna wuxuu ka leeyahay, Xamaad iyo Arfaad way nexeen, waayo, war xun bay maqleen, wayna qalbi jabeen, oo baddana welwel baa jira, oo innaba ma ay xasilli karto.
23Apie Damaską: “Sąmyšis Hamate ir Arpade, nes bloga žinia pasiekė juos. Jie išsigandę nerimauja kaip neramios jūros bangos.
24Dimishaq way taag gabtay, oo waxay u jeesatay inay cararto. Naxdin baa ku dhacday, oo cidhiidhi iyo xanuun baa qabtay sidii naag foolanaysa oo kale.
24Damaskas nusiminęs bėga baimės apimtas; baimė ir skausmai užgriuvo jį kaip gimdyvę.
25Magaaladii ammaanta lahayd oo aan ku faraxsanaa sidee baan looga tegin!
25Garsusis miestas ištuštėjo, mano džiaugsmo miestas.
26Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
26Jo jaunuoliai ir kariai žus gatvėse tą dieną,­sako kareivijų Viešpats,­
27Oo derbiga Dimishaq dab baan ku dayn doonaa, oo daaraha waaweyn ee Benhadad oo dhanna baabba' buu ka dhigi doonaa.
27Aš įžiebsiu ugnį Damasko sienose, ji praris Ben Hadado rūmus”.
28Qedaar iyo boqortooyooyinka Xaasoor oo boqorka Baabuloon oo Nebukadresar ahu uu wax ku dhuftay Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Sara joogsada, oo Qedaar u kaca, oo dadka reer bari baabbi'iya.
28Apie Kedarą ir Hacoro karalystes, kurias nugalėjo Nebukadnecaras, Babilono karalius, Viešpats sako: “Pasiruoškite ir žygiuokite prieš Kedarą, apiplėškite rytų tautas.
29Teendhooyinkooda iyo adhyahoodaba way wada kaxaysan doonaan, oo waxay iska qaadan doonaan daahyadooda iyo weelashooda oo dhan iyo geeloodaba, oo waxay iyaga ugu qaylin doonaan, Dhinac kasta cabsi baa idinka jirta.
29Jie paims jų palapines ir bandas, apdangalus, indus ir kupranugarius. Ir jiems šauks: ‘Siaubas iš visų pusių!’
30Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qastiyey.
30Skubiai bėkite ir pasislėpkite, Hacoro gyventojai. Nebukadnecaras, Babilono karalius, tarėsi prieš jus ir nusprendė dėl jūsų.
31Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan.
31Pakilk prieš šitą turtingą, ramiai gyvenančią tautą,­sako Viešpats.­Jie neturi nei vartų, nei užkaiščių, gyvena atsiskyrę.
32Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Geeloodu wuxuu noqon doonaa booli, oo xoolahooda badanna waa la kala boobi doonaa, oo waxaan dabaylaha oo dhan u kala firdhin doonaa kuwa timaha dhinacyada ka jarta, oo masiibadoodana waxaan kaga soo dayn doonaa dhinac kasta.
32Jų kupranugariai ir didžiulės bandos taps grobiu. Aš išsklaidysiu į visas šalis vyrus, kurie kerpasi plaukus, ir bausiu juos iš visų pusių,­sako Viešpats,­
33Oo Xaasoorna waxay noqon doontaa meel dawacooyin ku hoydaan iyo meel weligeed cidla ah, ciduna halkaas ma joogi doonto oo innaba binu-aadmina ma degganaan doono.
33Hacore gyvens šakalai, jis liks amžina dykuma. Jame negyvens joks žmogus”.
34Kanu waa Eraygii Rabbiga ee Ceelaam ku saabsanaa ee Nebi Yeremyaah u yimid bilowgii boqornimadii Sidqiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah, isagoo leh,
34Viešpats kalbėjo pranašui Jeremijui apie Elamą, pradedant karaliauti Zedekijui, Judo karaliui:
35Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan kala jebin doonaa qaansada reer Ceelaam, taasoo ah waxa xooggooda u weyn.
35“Aš sulaužysiu Elamo lanką, jo didžiausią stiprybę.
36Oo waxaan reer Ceelaam ku soo dayn doonaa afarta dabaylood oo samada afarteeda qabladood ka timid, oo iyaga waxaan u kala firdhin doonaa qabladahaas oo dhan, oo innaba ma ay jiri doonto quruun aan reer Ceelaam masaafurisyadoodu geli doonin.
36Aš pasiųsiu ant Elamo keturis vėjus iš keturių pasaulio šalių ir juos išsklaidysiu į visus pasaulio kraštus taip, kad nebus tautos, kurioje Elamo išsklaidytųjų nebūtų.
37Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ka dhigi doonaa in reer Ceelaam ay ku hor naxaan cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya, oo masiibo ah cadhadayda kulul ayaan ku soo dejin doonaa, oo seefna waan ka daba diri doonaa, ilaa aan baabba' ka dhigo.
37Aš sukelsiu Elame baimę priešų, kurie siekia jo gyvybės, ir atvesiu prieš juos nelaimę, savo rūstybę, siųsiu paskui juos kardą ir sunaikinsiu juos.
38Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu carshigayga Ceelaam baan dhex qotomin doonaa, oo halkaas boqor iyo amiirroba waan ka wada baabbi'in doonaa.Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.
38Aš pastatysiu Elame savo sostą ir pašalinsiu jų karalius bei kunigaikščius.
39Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.
39Bet paskutinėmis dienomis Aš išvaduosiu Elamą,­sako Viešpats”.