Somali

Lithuanian

Jeremiah

51

1Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu Baabuloon iyo kuwa dalka reer Kaldayiin dhex degganba waxaan ku soo kicin doonaa dabayl wax baabbi'isa.
1Taip sako Viešpats: “Aš pažadinsiu prieš Babilono ir Chaldėjos gyventojus naikinantį vėją.
2Oo Baabuloonna waxaan u soo diri doonaa haadiyayaal, oo iyaday haadin doonaan, oo dalkeedana way madhin doonaan, waayo, maalinta dhibaatada dhinac kastay kaga soo duuli doonaan.
2Aš siųsiu į Babiloną vėtytojus. Jie vėtys jį ir ištuštins šalį. Ji bus apsupta iš visų pusių.
3Kii qaanso xoota iyo kii dharkiisa birta ah la sara kacaba qaansoluhu qaansadiisa ha u xooto, oo barbaarradeedana ha u tudhina, oo ciidankeeda oo dhanna wada baabbi'iya.
3Šauliai, įtempkite lankus, šarvuotieji, pakilkite. Nesigailėkite jos jaunuolių ir sunaikinkite visą jos kariuomenę.
4Oo kuwa la layn doono waxay ku dhex dhici doonaan dalka reer Kaldayiin, oo kuwa la dooxdooxi doonona waxay ku dhici doonaan jidadkeeda.
4Žuvusieji ir sunkiai sužeisti chaldėjų krašte gulės gatvėse.
5Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah toona Ilaahooda ah Rabbiga ciidammadu innaba ma dayrin, in kastoo dalkoodii uu ka buuxsamay dembi ay ku sameeyeen Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
5Izraelio ir Judo neatstūmė Viešpats, jų Dievas, nors jų kraštas yra pilnas nusikaltimų prieš Izraelio Šventąjį.
6Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo nin kastaaba naftiisa ha la baxsado. Xumaanteeda ha ku dhex baabbi'ina, waayo, haatan waa wakhti uu Rabbigu ka aarsan doono, oo iyada wuu abaal marin doonaa.
6Bėkite iš Babilono, gelbėkitės, nežūkite dėl jo nusikaltimų. Tai Viešpaties keršto diena, ir Jis atlygins jam už jo darbus.
7Baabuloon waxay ahayd koob dahab ah oo Rabbiga gacantiisa ku jira oo dunida oo dhan sakhraamiyey. Quruumuhu waxay cabbeen khamrigeedii, oo sidaas daraaddeed quruumihii way wada waasheen.
7Babilonas buvo auksinė taurė Viešpaties rankoje, visa žemė pasigėrė iš jos. Jos vyno gėrė tautos, todėl jos išprotėjo.
8Baabuloon dhaqso bay u dhacday, wayna baabba'day. Iyada u baroorta oo xanuunkeeda beeyo dawo ah u qaada, hadday saas ku bogsanayso.
8Babilonas krito, jis sutriuškintas. Apraudokite jį, atneškite balzamo jo žaizdoms, gal jis pagis?”
9Annagu Baabuloon waannu dawayn lahayn, laakiinse iyadu ma ay bogsan. Iyada ka taga oo midkeen kastaaba dalkiisii ha tago, waayo, xukunkeedii wuxuu gaadhay tan iyo samada, oo waxaa kor loogu qaaday tan iyo cirka.
9Mes gydėme Babiloną, bet jis nepagijo. Palikime jį ir grįžkime kiekvienas į savo kraštą. Jo teismas pasiekė dangų.
10Rabbigu wuxuu soo saaray xaqnimadeennii, ina keena oo aynu Siyoon ka caddayno shuqulka Rabbiga Ilaaheenna ah.
10Viešpats iškėlė mūsų teisumą. Eikime ir pasakokime Sione, ką Viešpats, mūsų Dievas, padarė.
11Fallaadhaha afaysta, oo gaashaammada qaada, waayo, Rabbigu wuxuu sara kiciyey ruuxii boqorradii reer Maaday, waayo, qastigiisu waa inuu Baabuloon baabbi'iyo, maxaa yeelay, taasu waa aarsashadii Rabbiga, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.
11Galąskite strėles, imkite skydus! Viešpats sukėlė medų karalius, nes Jo sumanymas yra sunaikinti Babiloną. Tai Viešpaties kerštas dėl šventyklos.
12Kor u qaada calan ku col ah derbiyada Baabuloon, oo ilaalladana sii xoogeeya, oo waardiyayaasha taaga, oo gaadmada diyaariya, waayo, Rabbigu wuxuu u qastiyey oo weliba sameeyey waxyaalihii uu kaga hadlay kuwa Baabuloon deggan.
12Iškelkite vėliavą prieš Babilono sienas, sustiprinkite sargybą, paruoškite pasalas. Ką Viešpats nusprendė, tai ir padarys Babilono gyventojams.
13Taadan biyaha badan ag deggan oo khasnadaha badanay, dhammaadkaagii waa yimid iyo qiyaastii faa'iidadaada xaqdarrada ahu.
13Tu, kuris gyveni prie gausių vandenų ir turi gausybę turtų. Atėjo tavo galas, tavo godumo saikas.
14Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo wuxuu yidhi, Sida xaqiiqada ah waxaan kaa buuxin doonaa rag sida koronkorro u faro badan, oo iyana way kugu qaylin doonaan.
14Kareivijų Viešpats prisiekė: “Tave užplūs žmonės kaip skėriai ir pakels prieš tave savo balsus”.
15Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey.
15Jis savo jėga sukūrė žemę, savo išmintimi padėjo pasaulio pamatą ir savo supratimu ištiesė dangų.
16Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.
16Jo balso klauso vandenys danguose, Jis pakelia garus nuo žemės pakraščių. Jis siunčia žaibus su lietumi, paleidžia vėją iš savo sandėlių.
17Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh.
17Žmogus neturi pažinimo ir yra neišmintingas. Amatininkai bus sugėdinti dėl savo drožinių, jų lieti atvaizdai yra apgaulė, juose nėra kvapo.
18Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan.
18Jie yra tuštybė, paklydimo darbai. Jie pražus aplankymo dieną.
19Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
19Visai kitokia yra Jokūbo dalis. Jis yra visa ko Kūrėjas, Izraelis yra Jo nuosavybė. Kareivijų Viešpats yra Jo vardas.
20Adigu waxaad ii tahay dubbahaygii iyo hubkaygii dagaalka, oo adigaan quruumaha kugu burburin doonaa, oo adigaan boqortooyooyin kugu baabbi'in doonaa.
20“Tu esi mano kūjis ir kovos ginklas. Tavimi sudaužysiu tautas ir sunaikinsiu karalystes.
21Oo adigaan kugu burburin doonaa faraska iyo kan fuushanba, oo adigaan kugu burburin doonaa gaadhifaraska iyo kan fuushanba,
21Tavimi sunaikinsiu žirgą ir raitelį, kovos vežimą ir jame esantį.
22oo weliba adigaan kugu burburin doonaa ragga iyo dumarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa odayga iyo barbaarkaba, oo adigaan kugu burburin doonaa wiilka iyo gabadhaba,
22Tavimi sunaikinsiu vyrą ir moterį, seną ir jauną, jaunuolį ir mergaitę,
23oo weliba adigaan kugu burburin doonaa adhijirka iyo adhigiisaba, oo adigaan kugu burburin doonaa ninkii beerrey ah iyo dibidiisba, oo adigaan kugu burburin doonaa taliyayaasha iyo saraakiishaba.
23piemenį ir bandą, artoją ir jungą su gyvuliais, kunigaikščius ir valdovus.
24Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaal marin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.
24Bet Aš atlyginsiu Babilonui ir visiems Chaldėjos gyventojams jūsų akivaizdoje už jų piktybes, padarytas Sione,­sako Viešpats.­
25Buurta wax baabbi'isa oo dunida oo dhan halligaysay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahay, oo gacantaydaan kugu dul fidin doonaa, oo waxaan hoos kaga soo giringirin doonaa dhagaxyada dushooda, oo waxaan kaa dhigi doonaa buur gubatay.
25Tu buvai naikinantis kalnas, sugadinęs visą žemę. Aš ištiesiu savo ranką prieš tave, sulyginsiu tave su žeme ir paversiu pelenais.
26Rabbigu wuxuu leeyahay, Lagaama qaadan doono dhagax rukun noqon kara iyo dhagax aasaas noqon kara toona, laakiinse adigu weligaaba cidla baad ahaan doontaa.
26Tavo akmenų nenaudos nei kampams, nei pamatams. Tu būsi amžina dykyne.
27Dalka calan ka dhex taaga, oo quruumahana buunka ka dhex yeedhiya, oo quruumaha u soo wada diyaariya, inay iyada ku kacaan, oo waxaad u wada yeedhaan boqortooyooyinka Araarad, iyo Minnii, iyo Ashkenas inay ku kacaan, oo sirkaal iyada col ku ah doorta, oo fardahana ugu sii daaya sida koronkorro baas oo kale.
27Iškelkite vėliavą, trimituokite trimitais, kad išgirstų tautos. Sušaukite prieš jį Ararato, Minio ir Aškenazo karalystes. Paskirkite kariuomenei vadą ir surinkite tiek karių kaip skėrių laukuose.
28Oo waxaad iyada u soo diyaarisaan quruumaha, iyo boqorrada reer Maaday, iyo taliyayaashooda iyo saraakiishooda oo dhan, iyo dalka taliskiisa ku jira oo dhanba.
28Pasiruoškite kovai kartu su medų karaliais, valdovais, kunigaikščiais ir visais jų valdžioje esančiais kraštais.
29Dalku wuu gariiraa, wuuna xanuunsadaa, waayo, qasti kasta oo Rabbigu uu Baabuloon ugu qastiyeyba waa la oofiyaa si uu dalka Baabuloon uga dhigo cidla aan ciduna degganayn.
29Žemė pajudės ir drebės, nes Babilonui bus įvykdytas Viešpaties sprendimas. Babilono kraštas taps tuščias ir negyvenamas”.
30Raggii xoogga badnaa ee Baabuloon dagaalkay ka joogsadeen, oo waxay ku hadheen qalcadahoodii. Way taag gabeen, oo waxay noqdeen sidii naago oo kale. Meelaheedii lagu hoyan jiray way gubeen, oo qataarradeediina way kala jabeen.
30Babilono kariai nebeina į kovą. Jie sėdi tvirtovėse netekę drąsos. Jų gyvenvietės dega, vartai išlaužti.
31Wargeeysba wargeeys buu ku orday, oo farriinqaadeba farriinqaaduu ku orday inuu boqorka Baabuloon u sheego in magaaladiisii dhan kasta laga qabsaday,
31Pasiuntinys sutinka pasiuntinį. Jie neša žinią Babilono karaliui, kad jo miestas paimtas iš visų pusių:
32oo meelihii webiga laga gudbi jirayna la wada xidhay, oo cawsduurkiina dab lagu gubay, oo raggii dagaalkuna ay wada cabsadeen.
32brastos užimtos, įtvirtinimai dega, kariai apimti panikos.
33Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.
33Kareivijų Viešpats, Izraelio Dievas, sako: “Babilonas yra kaip klojimas kūlimo metu. Dar valandėlė, ir derliaus metas ateis”.
34Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray.
34“Nebukadnecaras, Babilono karalius, ėdė mane ir naikino, paliko mane kaip tuščią indą. Jis prarijo mane kaip slibinas. Pripildęs savo pilvą mano gardumynais, mane išstūmė.
35Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado.
35Man ir mano žmonėms padaryta skriauda tekrinta ant Babilono”,­sakys Sionas. “Mano kraujas tekrinta ant Chaldėjos”,­sakys Jeruzalė.
36Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.
36Viešpats sako: “Aš ginsiu tavo bylą ir atkeršysiu už tave. Aš išdžiovinsiu Babilono vandenis, jo šaltiniai išseks.
37Baabuloon waxay noqon doontaa tuulmooyin burbur ah iyo meel dawacooyinku ay ku hoydaan, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, oo aan ciduna degganayn.
37Babilonas pavirs griuvėsių krūva šakalams gyventi, vieta pasibaisėjimo ir pajuokos, be gyventojų.
38Iyagu dhammaantood waxay u ciyi doonaan sida libaaxyo aaran ah oo kale, oo waxay u guuxi doonaan sida dhal libaax oo kale.
38Jie riaumos kaip liūtai, staugs kaip liūtų jaunikliai.
39Rabbigu wuxuu leeyahay, Markay kululaadaan ayaan diyaafad u samayn doonaa, oo waan wada sakhraamin doonaa si ay u reyreeyaan oo ay u seexdaan hurdo weligeed ah oo ayan ka soo toosin.
39Aš jiems paruošiu puotą: jie nusigers ir užmigs amžinu miegu.
40Oo waxaan iyaga u soo kaxayn doonaa sida baraar la gowracayo iyo sida wanan iyo orgiyo oo kale.
40Aš juos nuvesiu į skerdyklą kaip avinėlius, avinus ir ožius.
41Sidee baa Sheeshag loo qabsaday, sidee baa ammaantii dunida oo dhan loo argaggixiyey, oo sidee baa Baabuloon ay wax laga yaabo quruumaha dhexdooda ugu noqotay!
41Krito Šešachas, pasaulio puošmena! Babilonas tapo siaubu tautoms!
42Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.
42Jūra įsiveržė į Babiloną, daugybė bangų užliejo jį.
43Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.
43Jo miestai virto dykyne, išdžiūvusia žeme, kurioje niekas negyvena ir joks žmogus per ją nekeliauja.
44Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.
44Aš nubausiu Belį Babilone ir išplėšiu iš jo gerklės, ką jis prarijo. Tautos nebeplauks pas jį. Babilono sienos krito.
45Dadkaygiiyow, iyada ka dhex baxa, oo ninkiin kastaaba naftiisa ha kala baxsado Rabbiga cadhadiisa kulul.
45Išeik iš jo, mano tauta! Kiekvienas gelbėkite savo gyvybę nuo degančios Viešpaties rūstybės.
46Ha qalbi jebin, hana ka cabsan warka belefta ah ee dalka laga dhex maqli doono, waayo, sannad war baa iman doona oo haddana sannadda kalena war kalaa iman doona, oo dalka dhexdiisa waxaa jiri doona dulmi, oo taliyeba taliyuu ku kici doonaa.
46Nenusiminkite, neišsigąskite gandų, kurie kas metai sklis krašte apie neramumus ir valdovų tarpusavio kovas.
47Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.
47Ateina laikas, kai Aš teisiu Babilono atvaizdus; visas kraštas susigės, o jo gyventojai bus išžudyti.
48Rabbigu wuxuu leeyahay, Markaasay samada iyo dhulka iyo waxa ku jira oo dhammuba farxad ku heesi doonaan Baabuloon aawadeed, waayo, kuwa iyada baabbi'in doona ayaa xagga woqooyi uga iman doona.
48Tada dangus, žemė ir visa, kas juose yra, džiaugsis žuvimu Babilono, kurį užims iš šiaurės atėjęs naikintojas.
49Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.
49Kaip Babilono ranka žudė Izraelyje, taip Babilone kris nužudytieji.
50Kuwiinna seefta ka baxsadayow, taga, oo ha joogsanina. Rabbiga meel fog ka soo xusuusta, oo Yeruusaalemna maankiinna ha soo gasho.
50Jūs, kurie ištrūkote nuo kardo, eikite, nestovėkite vietoje, ir, toli būdami, atsiminkite Viešpatį ir Jeruzalę”.
51Annagu waannu ceeboonnay, maxaa yeelay, waxaannu maqalnay cay xun, oo ceeb baa wejigayagii qarisay, waayo, shisheeyayaal ayaa meelaha quduuska ah ee guriga Rabbiga soo dhex galay.
51Mes susigėdome, girdėdami pajuokas; gėda apdengė mūsų veidus, kai svetimi atėjo į šventąją vietą Viešpaties namuose.
52Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.
52“Ateis diena, kai Aš nuteisiu jų drožinius; tuomet visame krašte vaitos sužeistieji.
53Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon in kastoo ay tan iyo samada korto, iyo in kastoo ay meelaheeda dhaadheer ee xoogga badan sii adkayso, kolleyba waxaa iyada u tegi doona baabbi'iyayaal iga yimid.
53Jei Babilonas pakiltų iki dangaus ir savo pilis pastatytų iki debesų, mano siųstas naikintojas užklups jį”,­sako Viešpats.
54Baabuloon qaylaa ka yeedhaysa, oo dalka reer Kaldayiinna baabba' weyn baa ka dhex sanqadhayaa,
54Šauksmas kyla iš Babilono, baisus sunaikinimas Chaldėjos krašte,
55maxaa yeelay, Rabbigu Baabuloon wuu baabbi'iyaa, oo codkii weynaana dhexdeeda wuu ka aamusiiyaa, oo mawjadahoodu way u guuxaan sida biyo badan, qaylada codkoodana kor bay u qaadaan,
55nes Viešpats plėšia Babiloną ir tildo jo galingą balsą, nors jo bangos šniokščia kaip galingi vandenys, girdimi jų triukšmingi balsai.
56maxaa yeelay, waxaa Baabuloon ku soo degay baabbi'iyihii, oo raggeedii xogga badanna waa la qabtay, oo qaansooyinkoodiina way jabeen, waayo, Rabbigu waa Ilaahii abaalmarinta, oo sida xaqiiqada ah isagu wuu u abaalgudi doonaa.
56Priešas veržiasi į Babiloną; jo kariai patenka į nelaisvę, jų lankai sulaužyti. Viešpats, atlygio Dievas, tikrai atlygins.
57Oo waxaan wada sakhraamin doonaa amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda leh, iyo taliyayaasheeda, iyo saraakiisheeda, iyo raggeeda xoogga badanba, oo waxay seexan doonaan hurdo weligeed ah, oo ayan ka soo toosin, ayaa Boqorka magiciisa la yidhaahdo Rabbiga ciidammadu leeyahay.
57“Aš nugirdysiu Babilono kunigaikščius, išminčius, valdovus, karo vadus ir karius. Jie užmigs amžinu miegu ir nepabus”,­sako Karalius, kareivijų Viešpats.
58Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Derbiyada balballaadhan ee Baabuloon waa la wada dumin doonaa, oo irdaheeda dhaadheerna dab baa lagu gubi doonaa, oo dadku waxtarla'aan buu u hawshoon doonaa, quruumuhuna dab, wayna daali doonaan.
58“Plačioji Babilono siena bus sulyginta su žeme ir aukštieji vartai sudeginti. Tautos vargo veltui, giminės dirbo ir statė ugniai”,­sako Viešpats.
59Kanu waa eraygii Nebi Yeremyaah uu ku amray Seraayaah ina Neeriiyaah oo ahaa ina Maxseeyaah markuu Baabuloon u raacay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddii afraad ee boqornimadiisa. Seraayaah wuxuu ahaa amiirkii reer boqor maamulaha u ahaa.
59Pranašo Jeremijo žodis Serajai, Machsėjos sūnaus Nerijos sūnui, kai jis lydėjo Zedekiją, Judo karalių, jo ketvirtais karaliavimo metais į Babiloną. Seraja buvo žymus kunigaikštis.
60Markaas Yeremyaah kitaab buu ku qoray masiibadii Baabuloon ku soo degi lahayd oo dhan, waana erayadan Baabuloon ku saabsan ee uu qoray.
60Jeremijas užrašė į knygą visas nelaimes, kurios ištiks Babiloną, visus žodžius, kurie parašyti prieš Babiloną.
61Oo Yeremyaah wuxuu Seraayaah ku yidhi, Markaad Baabuloon tagtid oo aad aragtid, erayadan oo dhan wada akhri,
61Jeremijas sakė Serajai: “Nuvykęs į Babiloną, perskaityk visus šiuos žodžius
62oo markaas waxaad tidhaahdaa, Rabbiyow, adigu waxaad ka hadashay meeshan inaad baabbi'inaysid, si aan waxba gudaheeda ugu hadhin dad iyo duunyo toona, laakiinse ay weligeedba cidla ahaan doonto.
62ir sakyk: ‘Viešpatie, Tu grasinai šitą vietą taip sunaikinti, kad čia nebebūtų nieko: nei žmonių, nei gyvulių, ir ji liktų amžina dykyne’.
63Oo markaad kitaabkan akhrintiisa dhammaysid waa inaad isaga dhagax ku xidhaa oo aad Webi Yufraad dhexdiisa ku tuurtaa.Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan.
63Perskaitęs šią knygą, pririšk prie jos akmenį ir įmesk ją į Eufrato upę,
64Oo waxaad tidhaahdaa, Baabuloon sidaasay u tiimban doontaa, oo kamana soo sara kici doonto masiibada aan iyada ku soo dejin doono aawadeed, oo iyagu way daali doonaan.
64sakydamas: ‘Taip įvyks su Babilonu. Jis paskęs ir nebepakils dėl visų nelaimių, kurias Viešpats jam užves’ ”. Tiek Jeremijo žodžių.