1Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii aan xerada idaha illinka ka soo gelin ee meel kale ka soo fuulaa, kaasi waa tuug iyo waxdhace.
1“Iš tiesų, iš tiesų sakau jums: kas neįeina pro vartus į avių gardą, bet įlipa pro kur kitur, tas vagis ir plėšikas.
2Laakiin kii illinka ka soo galaa waa adhijirka idaha.
2O kas pro vartus įeina, tas avių ganytojas.
3Illinjoogaha ayaa isaga illinka ka fura, iduhuna codkiisay maqlaan, idihiisana magacyadooda ayuu ugu yeedhaa, oo dibadduu u kaxeeyaa.
3Jam sargas atidaro, ir avys klauso jo balso. Jis šaukia savąsias avis vardais ir jas išveda.
4Markuu kuwiisa wada saaro, wuu hor kacaa, iduhuna way raacaan, waayo, codkiisay garanayaan.
4Išsivaręs savąsias avis, jis eina priešakyje, o avys paskui jį seka, nes pažįsta jo balsą.
5Nin qalaadna raaci maayaan, laakiin way ka cararayaan, waayo, codka kuwa qalaad garan maayaan.
5O paskui svetimą jos neseks, bet nuo jo bėgs, nes nepažįsta svetimųjų balso”.
6Masaalkaas Ciise ayaa kula hadlay iyaga, laakiin ma ay garan waxyaaluhuu kala hadlayay xaggooda.
6Jėzus pasakė jiems tą palyginimą, bet jie nesuprato, ką tai reiškia.
7Haddaba Ciise ayaa mar kale ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Waxaan ahay illinka iduhu ka soo galaan.
7Tuomet Jėzus kalbėjo jiems toliau: “Iš tiesų, iš tiesų sakau jums: Ašavių vartai.
8Kuwii hortay yimid oo dhammu waa tuugag iyo waxdhacayaal, iduhuse ma maqlin.
8Visi, kurie pirma manęs atėjo, buvo vagys ir plėšikai, todėl avys jų neklausė.
9Waxaan ahay illinka, haddii qof uun xaggayga ka soo galo, wuu badbaadi doonaa, wuuna soo geli doonaa oo bixi doonaa, daaq buuna heli doonaa.
9Aš esu vartai. Jei kas įeis per mane, bus išgelbėtas. Jis įeis ir išeis ir ganyklą sau ras.
10Tuuggu wax kale uma yimaado inuu wax xado oo dilo oo halleeyo mooyaane, aniguse waxaan u imid inay nolosha haystaan oo ay badnaan u haystaan.
10Vagis ateina tik vogti, žudyti ir naikinti. Aš atėjau, kad jie turėtų gyvenimą,kad apsčiai jo turėtų.
11Waxaan ahay adhijirka wanaagsan. Adhijirka wanaagsanu wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha daraaddood.
11Aš esu gerasis ganytojas. Geras ganytojas už avis guldo savo gyvybę.
12Kan ciidanka ah oo aan adhijirka ahayn, iduhuna aanay kuwiisa ahayn, kolkuu arko yeeyda oo soo socota, wuu ka tagaa idaha oo ka cararaa. Markaasay yeeydu qabsataa oo kala firdhisaa iyaga.
12O samdinys, ne ganytojas, kuriam avys ne savos, pamatęs sėlinantį vilką, palieka avis ir pabėga, o vilkas griebia jas ir išsklaido.
13Wuu cararaa, waayo, isagu waa ciidan uun, oo idaha waxba kama gelin.
13Samdinys pabėga, nes jis samdinys, jam avys nerūpi.
14Waxaan ahay adhijirka wanaagsan; waan garanayaa kuwayga, kuwayguna waa i garanayaan,
14Aš esu gerasis ganytojas: Aš pažįstu savąsias, ir manosios pažįsta mane.
15sida Aabbuhu ii garanayo, anna aan Aabbaha u garanayo; oo naftaydana waan u bixiyaa idaha daraaddood.
15Kaip mane pažįsta Tėvas, taip ir Aš pažįstu Tėvą ir už avis guldau savo gyvybę.
16Ido kale ayaan leeyahay oo aan kuwa xeradan ahayn, kuwaasna waa inaan keenaa, waxayna maqli doonaan codkayga, oo waxaa jiri doona adhi keliya iyo adhijir keliya.
16Ir kitų avių turiu, kurios ne iš šios avidės; ir jas man reikia atvesti; jos girdės mano balsą, ir bus viena kaimenė, vienas ganytojas.
17Sidaas daraaddeed Aabbuhu waa i jecel yahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato.
17Todėl Tėvas myli mane, kad Aš guldau savo gyvybę, jog ir vėl ją pasiimčiau.
18Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay.
18Niekas neatima jos iš manęs, bet Aš pats ją atiduodu. Aš turiu galią ją atiduoti ir turiu galią vėl ją pasiimti; tokį įsakymą gavau iš savo Tėvo”.
19Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood.
19Tarp žydų vėl kilo nesutarimas dėl šitų žodžių.
20Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan?
20Daugelis iš jų sakė: “Jis turi demoną ir šėlsta. Kodėl Jo klausote?”
21Qaar kale waxay yidhaahdeen, Hadalladaasu ma aha kuwa nin jinni qaba. Jinni miyuu indhaha u furi karaa nin indha la'?
21Kiti tvirtino: “Tai ne demono apsėstojo kalbos. Argi gali demonas atverti neregiui akis?!”
22Waxay ahayd Iidda Daahirinta Macbudka xagga Yeruusaalem, waxayna ahayd wakhtiga qabowga.
22Jeruzalėje buvo Šventyklos pašventinimo šventė. Buvo žiema.
23Ciisena wuxuu dhex socday macbudka xagga Balbalada Sulaymaan.
23Jėzus vaikščiojo šventykloje, po Saliamono stoginę.
24Yuhuuddu haddaba waxay isugu soo urureen hareerihiisa oo ku yidhaahdeen, Tan iyo goormaad shaki nagu sii wadi doontaa? Haddii aad Masiixa tahay bayaan noogu sheeg.
24Ten Jį apstojo žydai ir ėmė klausinėti: “Kaip ilgai laikysi mus abejonėse? Jeigu esi Kristus, pasakyk mums atvirai!”
25Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay, idinkuse ma rumaysnidin. Shuqullada aan magaca Aabbahay ku sameeyo ayaa ii marag fura,
25Jėzus jiems atsakė: “Aš jums sakiau, bet jūs netikite. Darbai, kuriuos darau savo Tėvo vardu, liudija apie mane.
26laakiin ma rumaysnidin, waayo, idahayga ka mid ma ihidin.
26Bet jūs netikite, nes jūsne iš manųjų avių, kaip jums ir sakiau.
27Idahaygu codkaygay maqlaan, waanan garanayaa iyaga, wayna i raacaan.
27Manosios avys girdi mano balsą; Aš jas pažįstu, ir jos seka paskui mane.
28Oo waxaan iyaga siiyaa nolosha weligeed ah, weligoodna ma lumi doonaan, oo ninna kama dhufsan doono gacantayda.
28Aš duodu joms amžinąjį gyvenimą; jos nepražus per amžius, ir niekas jų neišplėš iš mano rankos.
29Aabbahaygii i siiyey iyaga ayaa wax walba ka weyn, oo ninna kama dhufsan karo gacanta Aabbahay.
29Mano Tėvas, kuris man jas davė, yra aukščiau už viską, ir niekas negali jų išplėšti iš mano Tėvo rankos.
30Aniga iyo Aabbuhu mid baannu nahay.
30Aš ir Tėvas esame viena”.
31Markaasay Yuhuuddu haddana dhagaxyo u gurteen inay dhagxiyaan.
31Tada žydai vėl stvėrėsi akmenų, norėdami Jį užmėtyti.
32Ciise ayaa ugu jawaabay, Shuqullo badan oo wanaagsan ayaan idinka tusay xagga Aabbahay. Shuqulladaas kee baad igu dhagxinaysaan?
32O Jėzus paklausė jų: “Daug gerų darbų esu jums parodęs iš savo Tėvo. Už kurį gi darbą užmėtysite mane akmenimis?”
33Yuhuuddu waxay ugu jawaabeen, Shuqul wanaagsan aawadiis kugu dhagxin mayno, laakiin caytanka aawadiis iyo inaad adigoo nin ah Ilaah iska dhigayso.
33Žydai Jam atsakė: “Ne už gerą darbą užmėtysime Tave akmenimis, bet už piktžodžiavimą ir kad Tu, būdamas žmogus, dediesi Dievu”.
34Ciise wuxuu ugu jawaabay, Miyaanay ku qorrayn sharcigiinna, Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo?
34Jėzus jiems atsakė: “Argi jūsų Įstatyme nėra parašyta: ‘Aš tariau: jūs esat dievai’?
35Hadduu Ilaah kuwii ereygiisu u yimid ku sheegay ilaahyo (oo Qorniinkana lama jebin karo),
35Jeigu Jis vadina dievais tuos, kuriems skirtas Dievo žodis (o Raštas negali būti panaikintas),
36ma waxaad ku leedihiin kii Aabbuhu quduus ka dhigay oo xagga dunida u soo diray, Waad caytantaa, waayo, waxaan idhi, Wiilka Ilaah baan ahay?
36kaip tad jūs galite sakyti Tam, kurį Tėvas pašventino ir pasiuntė į pasaulį: ‘Tu piktžodžiauji’, kai Jis pasakė: ‘Aš esu Dievo Sūnus!’?
37Haddaanan samayn shuqullada Aabbahay, ha i rumaysanina.
37Jei Aš nedarau savo Tėvo darbų, netikėkite manimi!
38Laakiin haddaan sameeyo, in kastoo aydnaan i rumaysanayn, shuqullada rumaysta, inaad ogaataan oo garataan in Aabbuhu igu jiro, anna Aabbaha aan ku jiro.
38O jeigu darau ir manimi netikite,tikėkite darbais, kad pažintumėte ir patikėtumėte, jog Tėvas manyje ir Aš Jame”.
39Sidaa aawadeed mar kale ayay dooneen inay qabtaan, wuuna ka baxsaday gacantooda.
39Tuomet jie vėl norėjo Jį suimti, bet Jis ištrūko jiems iš rankų.
40Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,
40Jėzus vėl pasitraukė anapus Jordano, kur pirma Jonas krikštijo, ir apsistojo ten.
41oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen.Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.
41Daugelis atėjo pas Jį ir kalbėjo: “Jonas nepadarė nė vieno ženklo, bet ką jis sakė apie šį žmogų, yra teisybė”.
42Kuwa badan baana halkaa ku rumaystay isaga.
42Ir daugelis tenai Jį įtikėjo.