1Haddaba lix maalmood ka hor Iidda Kormaridda, Ciise wuxuu yimid Beytaniya, meeshuu joogay Laasaros, kii Ciise kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
1Šešioms dienoms belikus iki Paschos, Jėzus atėjo į Betaniją, kur gyveno jo prikeltasis iš numirusių Lozorius.
2Sidaas daraaddeed halkaasaa casho loogu sameeyey, Maartana waa adeegaysay, oo Laasaros wuxuu ka mid ahaa kuwa cuntada ula fadhiistay.
2Ten iškėlė Jam vaišes. Morta patarnavo, o Lozorius kartu su kitais sėdėjo prie stalo su Jėzumi.
3Maryan haddaba waxay qaadday rodol cadar ah oo naaradiin qaaliya ah, waxayna marisay cagaha Ciise, oo timaheedii ayay cagihiisa ku tirtirtay. Gurigiina waxaa ka buuxsamay udgoonkii cadarka.
3Paėmusi svarą labai brangaus tepalo iš gryno nardo, Marija patepė Jėzui kojas ir nušluostė jas savo plaukais. Namuose pasklido tepalo kvapas.
4Laakiin Yuudas Iskariyod, oo ahaa mid xertiisii ka mid ah, oo gacangelin lahaa, wuxuu yidhi,
4Vienas iš Jo mokinių, Simono sūnus Judas Iskarijotas, kuris turėjo Jį išduoti, pasakė:
5Maxaa cadarkan loogu iibin waayay saddex boqol oo dinaar, oo loo siin waayay masaakiinta?
5“Kodėl to tepalo neparduoda už tris šimtus denarų ir neatiduoda vargšams?”
6Sidaas uma uu odhan dan uu ka lahaa masaakiinta, laakiin wuxuu u yidhi wuxuu ahaa tuug, oo kiishadda lacagta ayuu hayn jiray, wuuna kala bixi jiray wixii lagu rido.
6Jis taip sakė ne todėl, kad jam būtų rūpėję vargšai, bet kad pats buvo vagis ir, turėdamas kasą, grobstė įplaukas.
7Haddaba Ciise ayaa yidhi, Daaya. Waxay u haysay maalinta aasniintayda.
7O Jėzus tarė: “Palik ją ramybėje. Ji tai laikė mano laidotuvių dienai.
8Waayo, masaakiintu mar walba way idinla jiraan, aniguse idinlama joogo mar walba.
8Vargšų jūs visada turėsite su savimi, o mane ne visuomet turėsite”.
9Haddaba dad badan oo Yuhuud ah baa waxay ogaadeen inuu halkaas joogo, wayna u yimaadeen, ma aha Ciise aawadii oo keliya laakiin inay arkaan Laasarosna, kii uu kuwii dhintay ka soo sara kiciyey.
9Daug žydų sužinojo Jėzų ten esant ir atėjo ne tik dėl Jėzaus, bet taip pat pamatyti Lozoriaus, kurį Jis prikėlė iš numirusių.
10Wadaaddadii sare waxay ku tashadeen inay Laasarosna dilaan.
10O aukštieji kunigai nusprendė nužudyti ir Lozorių,
11Waayo, aawadiis ayaa Yuhuud badani ku tagtay oo Ciise rumaysatay.
11nes daugybė žydų per jį pasitraukė nuo jų ir įtikėjo Jėzų.
12Maalintii xigtay dad badan oo u yimid iiddii, markay maqleen inuu Ciise Yeruusaalem imanayo,
12Kitą dieną gausi minia, susirinkusi į šventę, sužinojo, kad Jėzus ateinąs į Jeruzalę.
13waxay qaateen laamihii geedaha timirta ah, oo ay baxeen inay ka hor tagaan, iyagoo ku dhawaaqaya Hoosanna, waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya oo boqorka Israa'iil ah.
13Žmonės pasiėmė palmių šakų ir išėjo Jo pasitikti, šaukdami: “Osana! Palaimintas Tas, kuris ateina Viešpaties varduIzraelio karalius!”
14Ciise wuxuu helay dameer yar oo fuulay, siday ugu qoran tahay,
14Jėzus, radęs asiliuką, užsėdo ant jo, kaip parašyta:
15Ha biqin, gabadhii Siyoonay; bal eeg, Boqorkaagu waa imanayaa isagoo fuushan qayl dameereed.
15“Nebijok, Siono dukra: štai atvyksta tavo karalius, sėdėdamas ant asilaičio!”
16Markii hore xertiisii waxyaalahaas ma ay garan, laakiin markii Ciise ammaanmay dabadeed ayay xusuusteen in waxyaalahaas xaggiisa laga qoray iyo in waxyaalahaas lagu sameeyey isaga.
16Iš pradžių mokiniai šito nesuprato, bet, kai Jėzus buvo pašlovintas, atsiminė, kad tai buvo apie Jį parašyta ir jie buvo Jam tai padarę.
17Haddaba waxaa marag furay dadkii badnaa ee la joogay markuu Laasaros xabaasha uga yeedhay oo uu kuwa dhintay ka soo sara kiciyey.
17Taigi dabar liudijo minia, buvusi su Juo, kai Jis pašaukė Lozorių iš kapo ir prikėlė iš numirusių.
18Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa u kaceen inay ka hor tagaan, waayo, waxay maqleen inuu calaamadaas sameeyey.
18Žmonės todėl ir išėjo Jo pasitikti, kad buvo girdėję Jį padarius tą ženklą.
19Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
19O fariziejai kalbėjo vieni kitiems: “Žiūrėkite, jūs nieko negalite padaryti. Štai visas pasaulis nuėjo paskui Jį!”
20Kuwa wakhtiga iidda u kacay inay Ilaah caabudaan, waxaa ku dhex jiray qaar Gariig ah.
20Tarp atėjusių per šventes pagarbinti buvo ir graikų.
21Kuwaas haddaba waxay u yimaadeen Filibos oo ahaa reer Beytsayda ee Galili, wayna weyddiisteen oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu doonaynaa inaannu Ciise aragno.
21Jie priėjo prie Pilypo, kilusio iš Galilėjos miesto Betsaidos, ir paprašė: “Gerbiamasis, mes norėtume pamatyti Jėzų”.
22Markaasaa Filibos u yimid oo Andaros u sheegay, oo haddana Andaros iyo Filibos baa wada yimid, oo ay Ciise u sheegeen.
22Pilypas nuėjo ir pasakė Andriejui. Paskui Andriejus ir Pilypas pranešė Jėzui.
23Kolkaasaa Ciise u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, Saacaddii way timid uu Wiilka Aadanahu ammaanmi lahaa.
23O Jėzus jiems tarė: “Atėjo valanda, kad būtų pašlovintas Žmogaus Sūnus.
24Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Xabbad sarreen ah haddaanay dhulka ku dhicin oo dhiman, keligeed bay iska jiraysaa, laakiin hadday dhimato, midho badan bay dhashaa.
24Iš tiesų, iš tiesų sakau jums: jei kviečio grūdas nekris į žemę ir nenumirs, jis pasiliks vienas, o jei numirs, jis duos gausių vaisių.
25Kan naftiisa jecel, waa lumiyaa, kan dunidan naftiisa ku nebcaadaase, wuu hayn doonaa tan iyo nolosha weligeed ah.
25Kas myli savo gyvybę, ją praras, o kas nekenčia savo gyvybės šiame pasaulyje, išsaugos ją amžinajam gyvenimui.
26Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.
26Kas man tarnauja, tegul seka paskui mane; ir kur Aš esu, ten bus ir mano tarnas. Kas man tarnauja, tą pagerbs mano Tėvas.
27Haatan naftaydu waa murugootay, oo maxaan idhaahdaa? Aabbow, saacaddan iga badbaadi. Laakiin taas aawadeed ayaan saacaddan u soo gaadhay.
27Dabar mano siela sukrėsta. Ir ką Aš pasakysiu: ‘Tėve, gelbėk mane nuo šios valandos!’? Bet juk tam Aš ir atėjau į šią valandą.
28Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.
28Tėve, pašlovink savo vardą!” Tada iš dangaus pasigirdo balsas: “Aš jį pašlovinau ir dar pašlovinsiu!”
29Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga.
29Aplink stovinti minia, tai išgirdusi, sakė griaustinį sugriaudus. Kai kurie tvirtino: “Angelas Jam kalbėjo”.
30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.
30O Jėzus atsakė: “Ne dėl manęs, o dėl jūsų pasigirdo šitas balsas.
31Imminka weeye markii dunidan la xukumi lahaa, imminka kan madaxda dunida ah dibaddaa lagu tuuri doonaa.
31Dabar teisiamas šitas pasaulis. Dabar šio pasaulio kunigaikštis bus išmestas laukan.
32Aniguna haddii kor layga qaado dhulka, dhammaan xaggaygaan u soo jiidi doonaa.
32O Aš, kai būsiu pakeltas nuo žemės, visus patrauksiu prie savęs”.
33Wuxuu waxaas u yidhi inuu tuso siduu u dhiman doono.
33Jis tai pasakė, nurodydamas, kokia mirtimi Jam reikės mirti.
34Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay, Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu?
34O žmonės Jam sakė: “Mes girdėjome iš Įstatymo, kad Kristus pasilieka per amžius. Kodėl Tu sakai, kad Žmogaus Sūnus turės būti iškeltas aukštyn? Kas gi tas Žmogaus Sūnus?”
35Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.
35Jėzus jiems tarė: “Dar trumpą laiką šviesa bus su jumis. Vaikščiokite, kol turite šviesą, kad neužkluptų jūsų tamsa. Kas vaikščioja tamsoje, tas nežino, kur eina.
36Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka.
36Kol turite šviesą, tikėkite ją, kad taptumėte šviesos vaikais”. Tai pasakęs, Jėzus pasišalino ir pasislėpė nuo jų.
37Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga;
37Nors Jis jų akivaizdoje padarė tiek daug ženklų, jie Juo netikėjo,
38inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
38kad išsipildytų pranašo Izaijo žodžiai: “Viešpatie, kas patikėjo mūsų skelbimu ir kam buvo apreikšta Viešpaties rankos galybė?”
39Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,
39Jie neįstengė tikėti, nes vėl, anot Izaijo:
40Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey, Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan, Oo aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
40“Jis apakino jų akis ir sukietino jų širdį, kad nematytų akimis ir nesuvoktų širdimi, ir neatsiverstų, ir Aš jų nepagydyčiau”.
41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.
41Izaijas tai pasakė, regėdamas Jo šlovę ir kalbėdamas apie Jį.
42Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin,
42Vis dėlto daugelis įtikėjo Jėzų net iš vyresnybės, tačiau dėl fariziejų Jo neišpažino, kad nebūtų pašalinti iš sinagogos,
43waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.
43nes žmonių šlovę jie brangino labiau už Dievo šlovę.
44Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray.
44O Jėzus šaukė: “Kas mane tiki, tiki ne mane, bet Tą, kuris mane siuntė.
45Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray.
45Ir kas mane mato, mato Tą, kuris mane siuntė.
46Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin.
46Aš atėjau į pasaulį kaip šviesa, kad visi, kurie mane tiki, neliktų tamsoje.
47Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo.
47Jei kas klausosi mano žodžių ir netiki, Aš jo neteisiu, nes atėjau ne teisti pasaulio, bet gelbėti pasaulį.
48Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa.
48Kas mane atstumia ir mano žodžių nepriima, tas turi savo teisėją: žodis, kurį kalbėjau, teis jį paskutiniąją dieną.
49Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba.Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.
49Nes Aš kalbėjau ne iš savęs,Tėvas, kuris mane siuntė, įsakė man, ką turiu sakyti ir ką skelbti.
50Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.
50Aš žinau, kad Jo įsakymas yra amžinasis gyvenimas. Tad ką Aš kalbu, kalbu taip, kaip Tėvas yra man sakęs”.