1Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,
1Tai pasakęs, Jėzus pakėlė akis į dangų ir prabilo: “Tėve, atėjo valanda! Pašlovink savo Sūnų, kad ir Tavo Sūnus pašlovintų Tave;
2sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.
2nes Tu davei Jam valdžią kiekvienam kūnui, kad visiems, kuriuos esi Jam davęs, Jis teiktų amžinąjį gyvenimą.
3Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
3Tai yra amžinasis gyvenimas: kad jie pažintų Tave, vienintelį tikrąjį Dievą ir Tavo siųstąjį Jėzų Kristų.
4Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo.
4Aš pašlovinau Tave žemėje. Atlikau darbą, kurį buvai man davęs nuveikti.
5Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin.
5Dabar Tu, Tėve, pašlovink mane pas save ta šlove, kurią pas Tave turėjau dar prieš pasaulio buvimą.
6Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.
6Aš apreiškiau Tavo vardą žmonėms, kuriuos man davei iš pasaulio. Jie buvo Tavo, ir Tu juos davei man, ir jie laikėsi Tavojo žodžio.
7Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen.
7Dabar jie suprato, kad visa, ką man davei, yra iš Tavęs.
8Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay.
8Nes Tavo man duotus žodžius Aš perdaviau jiems, ir jie priėmė juos ir tikrai pažino, kad iš Tavęs išėjau, ir jie įtikėjo, kad mane siuntei.
9Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.
9Aš meldžiu už juos. Ne už pasaulį meldžiu, bet už tuos, kuriuos man davei, nes jie yra Tavo!
10Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.
10Ir visa, kas mano, yra Tavo, o kas Tavo, yra mano, ir Aš pašlovintas juose.
11Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.
11Aš jau nebe pasaulyje, bet jie dar pasaulyje. Aš einu pas Tave. Šventasis Tėve, išlaikyk juos savo vardutuos, kuriuos man davei, kad jie būtų viena kaip ir mes.
12Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.
12Kol buvau su jais pasaulyje, Aš išlaikiau juos Tavo vardu; Aš išsaugojau tuos, kuriuos man davei, ir nė vienas iš jų nepražuvo, išskyrus pražūties sūnų, kad išsipildytų Raštas.
13Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga.
13Bet dabar Aš einu pas Tave ir tai kalbu pasaulyje, kad jie turėtų savyje tobulą mano džiaugsmą.
14Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
14Aš jiems daviau Tavo žodį, ir pasaulis jų nekentė, nes jie ne iš pasaulio, kaip ir Aš ne iš pasaulio.
15Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh.
15Aš neprašau, kad juos paimtum iš pasaulio, bet kad apsaugotum juos nuo pikto.
16Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn.
16Jie nėra iš pasaulio, kaip ir Aš ne iš pasaulio.
17Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune.
17Pašventink juos savo tiesa! Tavo žodis yra tiesa.
18Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray.
18Kaip Tu mane siuntei į pasaulį, taip ir Aš juos pasiunčiau į pasaulį.
19Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo.
19Dėl jų Aš pašventinu save, kad ir jie būtų pašventinti tiesa.
20Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis,
20Ne tik už juos meldžiu, bet ir už tuos, kurie per jų žodį mane įtikės,
21inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay.
21kad jie visi būtų viena. Kaip Tu, Tėve, manyje ir Aš Tavyje, kad ir jie būtų viena mumyse, kad pasaulis įtikėtų, jog Tu mane siuntei.
22Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay.
22Ir tą šlovę, kurią man suteikei, daviau jiems, kad jie būtų viena, kaip mes esame viena:
23Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay.
23Aš juose ir Tu manyje, kad jie pasiektų tobulą vienybę, ir pasaulis pažintų, jog Tu mane siuntei ir pamilai juos taip, kaip myli mane.
24Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin.
24Tėve, Aš noriu, kad tie, kuriuos davei, taip pat būtų su manimi ten, kur Aš esu, kad jie matytų mano šlovę, kurią man suteikei, nes pamilai mane prieš pasaulio sukūrimą.
25Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay.Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
25Teisingasis Tėve, pasaulis Tavęs nepažino, o Aš Tave pažinau. Ir šitie pažino, kad Tu mane siuntei.
26Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
26Aš paskelbiau jiems Tavo vardą ir dar skelbsiu, kad meilė, kuria mane pamilai, būtų juose ir Aš juose”.