1Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.
1Tada Jėzus vaikščiojo po Galilėją. Jis nenorėjo eiti Judėjon, nes žydai ieškojo progos Jį nužudyti.
2Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.
2Artėjo žydų Palapinių šventė.
3Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.
3Jo broliai Jam kalbėjo: “Keliauk iš čia į Judėją, kad ir Tavo mokiniai pamatytų, kokius darbus darai.
4Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.
4Juk, norėdamas iškilti viešumon, niekas neveikia slapčiomis. Jei darai tokius darbus, parodyk save pasauliui”.
5Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.
5(Mat netgi Jo broliai Juo netikėjo.)
6Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa.
6Jėzus jiems atsakė: “Mano laikas dar neatėjo, o jums laikas visada tinkamas.
7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.
7Pasaulis negali jūsų nekęsti, o manęs jis nekenčia, nes Aš liudiju, kad jo darbai pikti.
8Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.
8Jūs eikite į iškilmes. Aš į šitą šventę neisiu, nes mano laikas dar neatėjo”.
9Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.
9Tai jiems pasakęs, Jis pasiliko Galilėjoje.
10Markii walaalihiis iiddii u kaceen, ayuu isaguna markaas xaggeeda u kacay, bayaan kuma tegin, laakiin sidii mid isqarinaya buu u tegey.
10Bet kai Jo broliai iškeliavo į šventę, tada ir Jis išėjo, bet ne viešai, o tarsi slapčiomis.
11Yuhuuddu haddaba iidday ka dooneen, oo waxay yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa?
11Tuo tarpu iškilmėse žydai Jo ieškojo, klausinėdami: “O kur Tas?”
12Dadkii badnaa aad bay uga gunuuneceen isaga, qaarkood waxay yidhaahdeen, Waa nin wanaagsan; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Sidaas ma aha, laakiin dadkii badnaa ayuu khiyaaneeyaa.
12Apie Jį taip pat ėjo kalbos miniose. Vieni sakė: “Jis geras!” Kiti neigė: “Visai ne. Jis tik klaidina žmones”.
13Haddaba ninna bayaan isaga ugama hadlin cabsiday ka cabsanayeen Yuhuudda aawadeed.
13Tačiau nė vienas apie Jį viešai nekalbėjo, nes bijojo žydų.
14Laakiin markay ahayd iidda dhexdeeda Ciise wuxuu u kacay macbudka, wax ayuuna ku baray.
14Šventei įpusėjus, Jėzus atėjo į šventyklą ir ėmė mokyti.
15Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?
15Žydai stebėjosi ir sakė: “Iš kur Jis žino raštą, visai nesimokęs?”
16Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray.
16Jėzus jiems atsakė: “Mano mokslas ne iš manęs, bet iš To, kuris mane siuntė.
17Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.
17Kas nori vykdyti Jo valią, supras, ar tas mokymas iš Dievo, ar Aš kalbu iš savęs.
18Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.
18Kas iš savęs kalba, ieško sau šlovės. O kuris ieško Jo siuntėjo šlovės, Tas teisus, ir nėra Jame neteisybės”.
19Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?
19“Argi Mozė nedavė jums Įstatymo? Tačiau niekas iš jūsų Įstatymo nesilaiko. Kodėl gi norite mane nužudyti?”
20Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo?
20Žmonės atsiliepė: “Tu turi demoną! Kas gi nori tave nužudyti?”
21Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.
21Jėzus jiems atsakė: “Aš padariau tik vieną darbą, ir jūs visi nustebote.
22Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.
22Mozė jums davė apipjaustymą, nors jis kilęs ne iš Mozės, bet iš protėvių,ir jūs apipjaustote žmogų per sabatą.
23Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?
23Jei žmogus apipjaustomas sabato dieną, kad nebūtų sulaužytas Mozės Įstatymas, tai kodėl pykstate ant manęs, kad Aš visą žmogų pagydžiau per sabatą?
24Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
24Tad neteiskite pagal išorę, bet teiskite teisingai”.
25Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
25Kai kurie Jeruzalės gyventojai klausinėjo: “Ar tik ne šitą nori nužudyti?
26Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?
26Štai Jis viešai kalba, ir niekas Jam nieko nesako. Gal vyresnybė įsitikino, jog Jis iš tiesų Kristus?
27Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.
27Tačiau mes žinome, iš kur šis yra. O kai ateis Kristus, niekas nežinos, iš kur Jis”.
28Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.
28Tuomet Jėzus, mokydamas šventykloje, šaukė: “Jūs pažįstate mane ir žinote, iš kur Aš. Ne pats nuo savęs Aš atėjau, bet teisingas yra Tas, kuris mane siuntė, o jūs Jo nepažįstate.
29Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
29Aš Jį pažįstu, nes Aš esu iš Jo, ir Jis mane pasiuntė”.
30Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
30Tada jie norėjo Jėzų suimti, bet nė vienas nepakėlė prieš Jį rankos, nes dar nebuvo atėjusi Jo valanda.
31Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
31Bet daugelis iš minios įtikėjo Jį ir kalbėjo: “Argi atėjęs Kristus padarytų daugiau ženklų, kaip kad šis yra padaręs?”
32Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga.
32Fariziejai išgirdo žmones šitaip kalbant apie Jį, ir aukštieji kunigai bei fariziejai pasiuntė sargybinius Jį suimti.
33Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.
33Tuomet Jėzus jiems pasakė: “Dar trumpą laiką būsiu su jumis. Paskui iškeliausiu pas Tą, kuris mane siuntė.
34Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.
34Jūs manęs ieškosite ir nerasite; ir ten, kur Aš būsiu, jūs negalėsite nueiti”.
35Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?
35Tuomet žydai ėmė kalbėtis tarp savęs: “Kurgi Jis žada keliauti, kad mes negalėsime Jo rasti? Gal Jis rengiasi išvykti pas išsisklaidžiusius tarp graikų ir mokyti graikus?
36Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
36Ką reiškia tie Jo žodžiai: ‘Jūs manęs ieškosite ir nerasite; ir ten, kur Aš būsiu, jūs negalėsite nueiti’?”
37Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
37Paskutinę, didžiąją šventės dieną Jėzus stovėjo ir šaukė: “Jei kas trokšta, teateina pas mane ir tegeria!
38Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.
38Kas mane tiki, kaip Raštas sako, iš jo vidaus plūs gyvojo vandens upės”.
39Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
39Jis kalbėjo apie Dvasią, kurią turės gauti Jį įtikėjusieji. Mat Šventoji Dvasia dar nebuvo nužengusi, nes Jėzus dar nebuvo pašlovintas.
40Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii.
40Išgirdę tuos žodžius, daugelis iš minios sakė: “Jis iš tiesų pranašas!”
41Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili?
41Kiti tvirtino: “Jis Kristus!” Dar kiti prieštaravo: “Nejaugi Kristus ateitų iš Galilėjos?
42Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?
42Argi Raštas nesako, jog Kristus ateis iš Dovydo palikuonių, iš Betliejaus miestelio, iš kur kilo Dovydas?”
43Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis.
43Taigi minioje dėl Jo kilo nesutarimas.
44Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.
44Kai kurie norėjo Jį suimti, bet nė vienas nepakėlė prieš Jį rankos.
45Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?
45Sargybiniai sugrįžo pas aukštuosius kunigus bei fariziejus, o tie klausė: “Kodėl Jo neatvedėte?”
46Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
46Sargybiniai atsakė: “Niekados žmogus nėra taip kalbėjęs, kaip šis!”
47Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey?
47Fariziejai atsakė: “Gal ir jūs jau suvedžioti?
48Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga?
48Ar tiki Jį bent vienas iš vyresnybės ar fariziejų?
49Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin.
49O ta minia, nežinanti Įstatymo,prakeikta”.
50Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi,
50Tada prabilo vienas iš jų, Nikodemas, kuris buvo aplankęs Jėzų nakčia:
51Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?
51“Argi mūsų Įstatymas teisia žmogų, jeigu jis pirmiau neišklausytas ir nežinoma, ką jis padaręs?”
52Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.Markaasaa nin kastaa wuxuu u baxay gurigiisii.
52Jie jam tarė: “Gal ir tu iš Galilėjos? Patyrinėk, ir pamatysi, kad joks pranašas nėra kilęs iš Galilėjos”.
53Markaasaa nin kastaa wuxuu u baxay gurigiisii.
53Ir taip išsiskirstė kiekvienas po namus.