Somali

Lithuanian

Jonah

1

1Haddaba waxaa Yoonis ina Amitay u yimid Eraygii Rabbiga oo sidan ku leh,
1Viešpats tarė Amitajo sūnui Jonai:
2Kac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo iyada ku qayli, waayo, sharkoodii wuxuu yimid hortayda.
2“Eik į Ninevę, didį miestą, ir šauk prieš jį, nes jų nedorybės pasiekė mane”.
3Laakiinse Yoonis wuxuu u kacay inuu Rabbiga hortiisa ka cararo oo xagga Tarshiish u baxsado. Markaasuu Yaafaa u dhaadhacay oo wuxuu halkaas ka helay doonni Tarshiish tegaysa. Sidaas daraaddeed lacagtii nooliguu bixiyey, kolkaasuu gudaha galay, waayo, wuxuu doonayay inuu iyaga Tarshiish u raaco oo uu ka cararo Rabbiga hortiisa.
3Jona pakilo, kad bėgtų nuo Viešpaties į Taršišą. Jis pasiekė Jopę, kur rado laivą, plaukiantį į Taršišą, sumokėjo už kelionę ir, įsėdęs į jį, su kitais plaukė į Taršišą nuo Viešpaties akivaizdos.
4Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.
4Viešpats pasiuntė smarkų vėją. Kilo didelė audra jūroje, ir laivui grėsė pavojus sudužti.
5Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.
5Jūrininkai išsigando, ir kiekvienas šaukėsi savo dievo. Jie išmetė laive esantį krovinį į jūrą, kad laivas palengvėtų. Tuo metu Jona buvo nusileidęs į laivo vidų ir kietai miegojo.
6Haddaba waxaa isagii u yimid naakhudihii doonnida, oo ku yidhi, Hurdahayow, maxaad u jeeddaa? Kac oo Ilaahaaga u qayli, waaba intaasoo uu inaga fikiraa inaannan halligmine.
6Kapitonas atėjo pas jį ir klausė: “Kaip tu gali miegoti? Kelkis, šaukis savo Dievo! Gal Jis prisimins mus ir mes nežūsime?”
7Oo wuxuu midba midkii kale ku yidhi, Kaalaya aynu saami ridannee si aan u ogaanno kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Sidaas daraaddeed saami bay riteen, oo saamigiina wuxuu ku dhacay Yoonis.
7Po to jie kalbėjosi: “Eikime, meskime burtą, kuris iš mūsų kaltas dėl šitos nelaimės”. Jie metė burtą, ir burtas krito Jonai.
8Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye noo sheeg kan aawadiis belaayadanu inoogu dhacday. Waa maxay shuqulkaagu? Oo xaggee baad ka timid? Waddankaagu waa kee? Dadkaaguna waa ayo?
8Tada jie klausė jį: “Pasakyk, dėl ko mums šita nelaimė? Kuo tu užsiimi? Iš kur keliauji? Iš kokio krašto ir iš kurios tautos esi?”
9Oo isna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan ahay Cibraani, oo waxaan ka cabsadaa Rabbiga ah Ilaaha samada, oo ah Kan abuuray badda iyo berrigaba.
9Jis jiems atsakė: “Aš esu hebrajas, garbinu Viešpatį, dangaus Dievą, kuris sukūrė jūrą ir sausumą”.
10Markaasay nimankii aad iyo aad u cabsadeen, oo ku yidhaahdeen, Waa maxay waxa aad samaysay? Waayo, waxay ogaadeen inuu Rabbiga hortiisa ka soo cararay, maxaa yeelay, isagaa u sheegay.
10Tie vyrai labai išsigando ir klausė jo: “Kodėl taip padarei?” Jie žinojo, kad jis bėgo nuo Viešpaties, nes jis jiems tai buvo papasakojęs.
11Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.
11Tada jie sakė jam: “Ką turime daryti su tavimi, kad jūra mums nurimtų?” Nes jūra siautė vis smarkiau.
12Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.
12Jis jiems atsakė: “Imkite mane ir meskite į jūrą! Tada jūra jums nurims; nes aš žinau, kad dėl manęs kilo ši baisi audra”.
13Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.
13Vyrai yrėsi visomis jėgomis, kad grįžtų prie kranto, bet neįstengė, nes jūra nesiliovė siautusi.
14Markaasay Rabbiga u qayshadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbiyow, waannu ku baryaynaa, oo waannu ku baryaynaaye, yaannan u halligmin nolosha ninkan aawadeed, oo annaga ha na saarin dhiig aan xaq qabin, waayo, Rabbiyow, waxaad samaysay sidii aad ku faraxday.
14Jie šaukėsi Viešpaties: “Maldaujame Tave, Viešpatie, neleisk mums žūti dėl šito žmogaus, nepriskaityk mums nekalto kraujo, nes Tu, Viešpatie, darai, ką nori”.
15Sidaas daraaddeed Yoonis bay kor u qaadeen oo waxay ku dhex tuureen baddii, kolkaasay baddii joojisay cadhadeedii.
15Tada jie paėmė Joną ir išmetė jį į jūrą. Jūra nurimo.
16Markaasay nimankii aad iyo aad Rabbiga uga cabsadeen, oo waxay Rabbiga u bixiyeen allabari, nidarrona way galeen.Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.
16Tie vyrai labai išsigando Viešpaties, aukojo Viešpačiui aukas ir davė įžadus.
17Oo Rabbigu wuxuu Yoonis u diyaariyey kalluun weyn oo isaga liqa; Yoonisna wuxuu kalluunka calooshiisii ku dhex jiray saddex habeen iyo saddex maalmood.
17Viešpats paruošė didelę žuvį Jonai praryti. Jis išbuvo žuvies pilve tris dienas ir tris naktis.