1Oo waxaa jiray nin degganaa dalka buuraha leh oo reer Efrayim; magiciisana waxaa la odhan jiray Miikaah.
1Efraimo aukštumose gyveno vyras, vardu Mikajas.
2Oo isna wuxuu hooyadiis ku yidhi, Kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ee lagaa qaaday, ee aad ku habaartamaysay ee aad igu dhego hadlaysay, lacagtii anigaa haya; oo anaa qaaday. Markaasay hooyadiis tidhi, Wiilkaygiiyow, Rabbigu ha ku barakeeyo.
2Jis tarė savo motinai: “Tu prakeikei tą, kuris paėmė iš tavęs tūkstantį šimtą sidabrinių. Tie pinigai yra pas mane. Aš juos paėmiau”. Jo motina tarė: “Viešpats telaimina tave, mano sūnau”.
3Oo kun iyo boqolkii xabbadood oo lacagta ahaa ayuu u soo celiyey hooyadiis, markaasay hooyadiis tidhi, Sida runta ah waxaan lacagta u soocay Rabbiga, oo gacantaydaan ka bixiyey wiilkayga aawadiis in laga sameeyo sanam xardhan iyo sanam la shubay; taas aawadeed adigaan kuu soo celin doonaa.
3Kai jis sugrąžino motinai tūkstantį šimtą sidabrinių, motina tarė: “Aš visus tuos pinigus pašvenčiau Viešpačiui, kad mano sūnus, ėmęs juos iš mano rankos, padarytų drožtą ir lietą atvaizdą. Todėl dabar aš atiduosiu juos tau”.
4Oo markuu lacagtii hooyadiis u soo celiyey ayay hooyadiis qaadatay laba boqol oo xabbadood oo lacag ah, oo waxay u dhiibtay lacagtume, oo isna wuxuu ka sameeyey sanam xardhan iyo sanam la shubay; waxayna yaalleen gurigii Miikaah.
4Bet jis sugrąžino pinigus motinai. Ji paėmė du šimtus sidabrinių ir atidavė auksakaliui, kad iš jų padarytų drožtą ir lietą atvaizdą. Juos pastatė Mikajo namuose.
5Oo ninkii Miikaah ahaana wuxuu lahaa guri ilaahyood, oo wuxuu sameeyey eefod iyo teraafiim, oo wuxuuna quduus ka dhigay wiilashiisii midkood, oo isna wuxuu u noqday wadaadkiisii.
5Mikajas įrengė savo namuose dievų šventyklą, padarė efodą ir terafimą ir paskyrė vieną iš savo sūnų kunigu.
6Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
6Tuo metu Izraelyje nebuvo karaliaus. Kiekvienas darė tai, kas jam atrodė teisinga.
7Oo waxaa jiray nin dhallinyaro ahaa oo ka soo baxay Beytlaxam Yahuudah oo reer Yahuudah ahaa, ee qoladiisu ahayd reer Laawi, oo halkaasuu degganaan jiray.
7Judo Betliejuje buvo jaunas levitas, kuris ten gyveno.
8Markaasuu ninkii ka baxay magaaladii ahayd Beytlaxam Yahuudah, inuu dego meel uu heli karo; oo intuu socday ayuu yimid gurigii Miikaah oo ku yiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
8Palikęs Judo Betliejų, jis ieškojo kitos vietos, tinkamos apsigyventi. Keliaudamas jis atėjo pas Mikają, kuris gyveno Efraimo aukštumose.
9Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay reer Laawi, oo Beytlaxam Yahuudah ayaan ka imid, oo waxaan u socdaa inaan dego meel aan heli karo.
9Mikajas jo klausė: “Iš kur tu?” Tas atsakė: “Aš esu levitas iš Judo Betliejaus ir ieškau vietos apsigyventi”.
10Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Aniga ila joog, oo ii noqo aabbe iyo wadaad, anna sannaddiiba waxaan ku siinayaa toban xabbadood oo lacag ah, iyo isku joog dhar ah, iyo cuntadaada. Sidaas daraaddeed kii reer Laawi guduhuu galay.
10Mikajas jam atsakė: “Pasilik pas mane ir būk man tėvu ir kunigu. Aš tau duosiu metams dešimt sidabrinių, drabužius ir visą išlaikymą”.
11Oo kii reer Laawina raalli buu ka ahaa inuu ninkii la joogo; oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u ahaa sida wiilashiisa midkood oo kale.
11Levitas sutiko apsigyventi pas jį. Jaunuolis buvo jam kaip sūnus.
12Markaasuu Miikaah quduus ka dhigay kii reer Laawi, oo ninkii dhallinyarada ahaana wuxuu Miikaah u noqday wadaadkiisii, oo gurigii Miikaah ayuu joogay.Markaasuu Miikaah yidhi, Haatan waan ogsoo nahay in Rabbigu wanaag ii samaynayo, maxaa yeelay, waxaa wadaad ii noqday nin reer Laawi ah.
12Mikajas paskyrė levitą kunigu, ir jaunuolis gyveno jo namuose.
13Markaasuu Miikaah yidhi, Haatan waan ogsoo nahay in Rabbigu wanaag ii samaynayo, maxaa yeelay, waxaa wadaad ii noqday nin reer Laawi ah.
13Mikajas sakė: “Dabar žinau, kad Viešpats darys man gera, nes turiu levitą kunigu”.