Somali

Lithuanian

Leviticus

15

1Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Mozei ir Aaronui:
2Dadka reer binu Israa'iil la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Haddii qof leeyahay dheecaan jidhkiisa ka soo dareero, dheecaankiisa aawadiis isagu waa nijaas.
2“Paskelbkite izraelitams: ‘Vyras, turįs plūdimą iš savo kūno, yra nešvarus.
3Oo nijaastiisuna sidanay ahaanaysaa inta dheecaankiisu ka daadanayo. Haddii dheecaanku jidhkiisa ka daadanayo iyo haddii dheecaanku jidhkiisa ka joogsadayba, waa nijaastiisa.
3Jis bus laikomas nešvariu, jei turi plūdimą iš savo kūno ar plūdimas susilaiko jo kūne, nes tai yra jo nešvara.
4Oo kan dheecaanku ka daadanayo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa, oo wax alla wixii uu ku fadhiistaaba way nijaasoobayaan.
4Kiekvienas patalas, kur jis miegotų, ir vieta, kur sėdėtų, bus sutepta.
5Oo ku alla kii sariirtiisa taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
5Jei kas iš žmonių prisiliestų prie jo patalo, plaus savo drabužius, pats apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
6Oo ku alla kii ku fadhiisto wixii uu qofkii dheecaanku ka daadanaya ku fadhiistay waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
6Jei kas sėdėtų, kur anas sėdėjo, privalės išplauti savo drabužius, pats apsiplauti vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
7Oo kan dheecaanku ka daadanayo jidhkiisa qofkii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
7Jei kas prisiliestų prie jo kūno, plaus savo drabužius, pats apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
8Oo kan dheecaanku ka daadanayaana hadduu ku candhuufo qof daahir ah, markaas ninkaasu waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
8Jei toks žmogus spjautų ant nesutepto, tas plaus savo rūbus, apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
9Oo kan dheecaanku ka daadanayo koore alla koorihii uu fuulaaba nijaas buu ahaanayaa.
9Balnas, ant kurio jis sėdėtų, bus suteptas.
10Oo ku alla kii taabtaa wixii isaga hoostiisa ku jirayna, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa, oo waxyaalahaas qofkii qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
10Kas paliestų ką nors, kas buvo po juo, bus nešvarus iki vakaro. Kas neštų tokius daiktus, plaus savo drabužius, pats apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
11Oo kan dheecaanku ka daadanayo isagoo aan gacmihiisa biyo ku maydhin ku alla kii uu taabtaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
11Prie ko jis prisiliestų nenusiplovęs rankų, tas plaus savo rūbus, apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
12Oo kan dheecaanku ka daadanayo weelkii dhoobo ah oo uu taabtona waa in la burburiyaa, oo weel kasta oo qori ahna waa in biyo lagu xalaa.
12Molinis indas, prie kurio prisiliestų suteptasis, turi būti sudaužytas, medinis gi indas bus išplautas vandeniu.
13Oo kii dheecaanka daadanayaa markuu daahir ka noqdo, waa inuu toddoba maalmood nafsaddiisa u tirsadaa daahirintiisa aawadeed, oo dharkiisana waa inuu maydhaa, oo isna ku maydhaa biyo socda, oo markaasuu daahir ahaanayaa.
13Kai turintis plūdimą iš savo kūno pasveiksta, suskaičiuos septynias dienas apsivalymui, išsiplaus drabužius, nusimaudys tekančiame vandenyje ir bus švarus.
14Oo maalinta siddeedaadna isagu waa inuu laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaataa oo uu Rabbiga ugu hor yimaadaa iridda teendhada shirka, oo uu iyaga wadaadka u dhiibaa.
14Aštuntą dieną ims du balandžius arba du jaunus karvelius ir, atėjęs Viešpaties akivaizdon prie Susitikimo palapinės įėjimo, paduos juos kunigui.
15Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu Rabbiga hortiisa kafaaraggud isaga ugu sameeyaa dheecaankiisa aawadiis.
15Tas vieną aukos kaip auką už nuodėmę, o kitą­kaip deginamąją auką ir sutaikins jį Viešpaties akivaizdoje, kad būtų apvalytas nuo ligos.
16Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
16Vyras, kuriam išsilieja sėkla, apsiplaus vandeniu visą kūną ir bus nešvarus iki vakaro.
17Oo dhar kasta iyo harag kasta oo ay shahwaddiisu ku taalba, waa in biyo lagu maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
17Jis plaus vandeniu drabužį ar kailį, ant kurio pateko sėkla, ir visa tai bus sutepta iki vakaro.
18Oo weliba nin hadduu naag la seexdo, labadooduba waa inay biyo ku maydhaan, oo tan iyo fiidkii nijaas bay ahaanayaan.
18Moteris, su kuria jis miegotų, kai jam išsilieja sėkla, apsiplaus vandeniu ir bus nešvari iki vakaro.
19Oo haddii dheecaan naag ka daadanayo, oo dheecaanka jidhkeeda ku yaal uu xayl yahay, iyadu waa inay intii toddoba maalmood ah nijaasteeda ku sii jirtaa.
19Moteris, turinti mėnesines, bus atskirta septynioms dienoms. Kiekvienas, kas prie jos prisiliestų, bus nešvarus iki vakaro.
20Oo intay nijaasaysan tahay wax alla wixii ay ku jiifsataaba way nijaasoobayaan, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba way nijaasoobayaan.
20Ir visa, ant ko ji gulėtų arba sėdėtų tomis dienomis, bus sutepta.
21Oo ku alla kii sariirteeda taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
21Kas prisiliestų prie jos patalo, plaus savo rūbus, pats apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
22Oo wax alla wixii ay ku fadhiisato kii taabtaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa.
22Jei kas nors prisiliestų prie bet kurio daikto, ant kurio ji sėdėjo, plaus savo rūbus, pats apsiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
23Oo sariirteeda ama waxay ku fadhiisato haddii xayl ku yaal, markuu taabto, tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
23Jei kas paliestų tai, kas buvo ant jos patalo ar vietą, kur ji sėdėjo, bus nešvarus iki vakaro.
24Oo nin hadduu iyada la jiifsado oo xaylkeedu taabto intii toddoba maalmood ah nijaas buu ahaanayaa, oo sariir alla sariirtii uu ku jiifsadaaba way nijaasoobaysaa.
24Jei miegotų su ja vyras ir ant jo patektų jos nešvarumų, jis bus nešvarus septynias dienas; ir patalas, ant kurio jis miegotų, bus irgi suteptas.
25Haddii naag uu ka daato dheecaan dhiiggeeda ah maalmo badan oo aan ahayn wakhtigii xaylkeeda, ama hadduu iyada ka daato dheecaan ka badan oo dhaafsiisan wakhtigii xaylkeeda, inta iyada dheecaanku ka daadanayo oo ay nijaasaysan tahay oo dhan waa inay ahaataa sidii maalmihii ay xaylka qabtay oo kale, waayo, way nijaasaysan tahay.
25Moteris, kraujuojanti ilgesnį laiką ne mėnesinių metu arba kuriai mėnesinės užsitęsia ilgiau negu įprasta, bus nešvari visą tą laiką.
26Oo inta dheecaanku iyada ka daadanayo oo dhan, sariir alla sariirtii ay ku jiifsataaba, waxay iyada u ahaan doontaa sida sariirta ay ku jiifsato markay xaylka qabto, oo wax alla wixii ay ku fadhiisataaba waxay u nijaasoobayaan sida nijaasta xaylkeeda.
26Patalas, ant kurio ji miegotų, ir tai, ant ko ji atsisėstų, bus sutepta.
27Oo waxyaalahaas ku alla kii taabtaa wuu nijaasoobayaa, oo waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.
27Kas prie jų prisiliestų, plaus savo rūbus, pats nusiplaus vandeniu ir bus nešvarus iki vakaro.
28Laakiinse hadday dheecaankeedii ka daahirsanaato, markaas waa inay toddoba maalmood nafsaddeeda u tirsataa, oo markaas dabadeedna daahir bay ahaanaysaa.
28Jei kraujavimas sustotų, po septynių dienų ji bus švari.
29Oo maalinta siddeedaadna waa inay laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar qaadataa oo ay wadaadka ugu keentaa iridda teendhada shirka.
29Aštuntą dieną ji paims du balandžius arba du jaunus karvelius ir atneš kunigui prie Susitikimo palapinės įėjimo.
30Oo wadaadku waa inuu middood u bixiyaa qurbaan dembi, oo midda kalena qurbaan la gubo, oo wadaadku waa inuu iyada kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa dheecaankii nijaasteeda aawadiis.
30Tas vieną aukos kaip auką už nuodėmę, o kitą­kaip deginamąją auką ir sutaikins ją Viešpaties akivaizdoje dėl plūdimo nešvaros’.
31Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.
31Judu mokysite izraelitus saugotis susitepimo, kad nemirtų dėl savo nešvarumo ir kad nesuteptų mano palapinės.
32Kanu waa sharciga ku saabsan kii dheecaan ka daadanayo iyo kii shahwaddiisu ka timaado, oo uu sidaas ku nijaasoobay,iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.
32Tai yra įstatymas tam, kuris turi plūdimą iš savo kūno, tam, kuriam išsilieja sėkla ir jį sutepa,
33iyo naagtii xayl qabta, iyo qofkii dheecaan ka daadanayo nin iyo naag miduu yahayba, iyo kii la seexda tii nijaasaysan.
33moteriai, turinčiai mėnesinį plūdimą, vyrui ar moteriai, turintiems plūdimą, ir tam, kuris guli prie nešvarios moters”.