1Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,
1Viešpats kalbėjo Mozei: “Sakyk Aarono sūnums, kunigams, kad jie nesusiteptų savo mirusiu tautiečiu,
2xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,
2nebent būtų artimi giminės, tai yra: tėvas, motina, sūnus, duktė ar brolis
3ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.
3ir netekėjusi sesuo, kuri yra jam artima.
4Waa inuusan isnijaasayn isagoo dadkiisa madax u ah, yuusan nijaas iska dhigin.
4Jis neturi susitepti, nes jis yra vyresnysis savo tautoje.
5Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.
5Kunigai neskus savo galvos nei barzdos ir neraižys savo kūno.
6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.
6Jie turi būti šventi savo Dievui ir nesutepti savo Dievo vardo, nes jie aukoja man smilkalus ir duonos auką, todėl privalo būti šventi.
7Waa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.
7Jiems draudžiama vesti paleistuvę ir išsiskyrusią, kadangi jie yra pašvęsti man
8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.
8ir aukoja padėtinę duoną. Jie turi būti šventi, nes Aš esu šventas Viešpats, kuris jus darau šventus.
9Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.
9Jei kunigo duktė paleistuvautų ir tuo suteptų savo tėvo vardą, bus sudeginta.
10Oo kii wadaadka sare walaalihiis ka dhex ah, oo madaxiisa lagu shubay saliiddii subkidda, oo ah kan loo daahiriyey inuu xidho dharka quduuska ah waa inaanay timaha madaxiisu arbushnaan ama uusan dharkiisa dildillaacin.
10Vyriausiasis kunigas, ant kurio galvos išlieta patepimo aliejaus ir kuris įšventintas kunigystei bei apvilktas šventais apdarais, nenudengs savo galvos, nepersiplėš drabužių
11Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.
11ir neprisilies prie jokio mirusio, net prie savo tėvo ar motinos.
12Oo waa inuusan dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
12Jis neišeis iš šventyklos ir nesuteps jos, nes yra pateptas šventu aliejumi; Aš esu Viešpats.
13Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.
13Jis turi vesti mergaitę.
14Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.
14Jis negali vesti našlės, išsiskyrusios, paniekintos nei paleistuvės, bet tik mergaitę iš savo tautos,
15Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.
15kad nesuterštų savo giminės kraujo, nes Aš, Viešpats, jį pašventinu”.
16Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
16Viešpats kalbėjo Mozei:
17Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Tan iyo ab ka ab ku alla kii farcankaaga ahu, isagoo iin leh, yuusan u dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.
17“Sakyk Aaronui, kad, jei kas nors iš jo palikuonių turi trūkumų, tegul nesiartina prie Dievo, kad aukotų Jam duoną.
18Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,
18Jeigu jis yra aklas, raišas, iškreiptu veidu ar nesveikų sąnarių
19ama ninkii cag jaban, ama gacan jaban,
19ar yra sulaužyta jo ranka arba koja,
20ama kii tuur leh, ama kii cilin ah, ama kii ishiisu iin leedahay, ama kii cambaar qaba, ama kii cadho qaba, ama kii xiniinyihiisu burbureen.
20ar kuprotas, ar neūžauga, ar sergąs akių liga, ar šašuotas, ar niežuotas, ar eunuchas,
21Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.
21nė vienas iš kunigo Aarono palikuonių, turintis trūkumų, nesiartins aukoti Viešpačiui,
22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.
22tačiau valgys maistą, aukojamą šventykloje, šventą ir labai šventą.
23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.Muuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.
23Bet jis neis į Švenčiausiąją ir nesiartins prie aukuro, nes turi trūkumų, kad nesuteptų mano šventyklos. Aš esu Viešpats, kuris juos pašventinu”.
24Muuse sidaasuu kula hadlay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhanba.
24Mozė tai paskelbė Aaronui, jo sūnums ir visam Izraeliui.