1Markaasa Rabbigu Muuse kula hadlay Buur Siinay oo wuxuu ku yidhi,
1Viešpats kalbėjo Mozei Sinajaus kalne:
2Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka aan idin siinayo, waa in dalku sabti Rabbiga u dhawraa.
2“Sakyk izraelitams, kad, įėję į šalį, kurią jiems duosiu, septintaisiais metais leistų žemei ilsėtis.
3Lix sannadood waa inaad beertaada beerataa, oo lix sannadoodna waa inaad beertaada canabka ah baarka ka jartaa, oo midhaheedana waa inaad soo xeraysataa.
3Šešerius metus apsėkite dirvą, karpykite vynuogyną ir rinkite vaisius.
4Laakiinse sannadda toddobaad waa inay dhulka u ahaataa sabti nasasho weyn ah, oo taasu waa sabti Rabbiga loo dhawro, oo waa inaadan beertaada beeran, ama aadan beertaada canabka ah baarka ka jarin.
4Septintieji metai bus sabato poilsis žemei, metai, paskirti Viešpačiui. Tada laukų neapsėkite ir vynuogyno nekarpykite.
5Oo sannaddaas wixii beertaada ka baxa iyagoo aan la beerin waa inaadan guran, oo canabkaaga aan la hagaajin midhiihii ka baxana waa inaadan urursan, waayo, sannaddaasu waa inay dhulka u ahaataa nasasho weyn.
5Ką žemė savaime užaugins, nepjaukite ir vynuogių nuo neapkarpytų vynmedžio šakelių nerinkite, nes tai yra poilsio metai žemei.
6Oo dhulka sabtidiisu cunto bay idiin ahaan doontaa. Adiga, iyo addoonkaaga, iyo addoontaada, iyo midiidinkaaga aad kiraysatay, iyo kan shisheeye kuu ah oo kula degganba,
6Maistas jums, tarnams, tarnaitėms, samdiniams ir ateiviams, kurie pas jus gyvena,
7iyo xoolahaaga, iyo xayawaanka dalkaaga jooga oo dhan waxaa cunto u ahaan doona midhaha dalka iska baxa oo idil.
7taip pat jūsų gyvuliams bus visa, kas savaime užaugs.
8Oo waa inaad tirsataa toddoba sabtiyood oo sannado ah, taasu waxa weeyaan toddoba meelood oo toddoba sannadood ah; oo toddoba sabtiyood oo toddoba sannadood ah wakhtigoodu wuxuu kuu ahaan doonaa sagaal iyo afartan sannadood.
8Skaičiuok septynis kartus po septynerius metus, iš viso keturiasdešimt devynerius metus.
9Oo dabadeedna waa inaad bisha toddobaad maalinteeda tobnaad buun dhawaajisaa, oo maalinta kafaaraggudka waa inaad dalkiinna oo dhan buun ka dhawaajisaan.
9Paskutinių metų septinto mėnesio dešimtą dieną, sutaikinimo dieną, trimituokite visame krašte
10Oo waa inaad sannadda kontonaad quduus ka dhigtaan, oo dhammaan dadka dalka deggan oo dhan waxaad u naadisaan xorriyad, oo sannaddaasu waxay idiin ahaan doontaa wakhti yubilii ah; oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii, oo midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa qoladiisii.
10ir paskelbkite, kad penkiasdešimtieji metai yra jubiliejaus metai ir visiems krašto gyventojams suteikiama laisvė. Kiekvienas turės teisę atgauti nuosavybę ir grįžti į savo šeimą.
11Oo sannaddaas kontonaad wuxuu idiin ahaan doonaa wakhti yubilii ah, oo waa inaydaan waxba beeran, ama aydaan goosan wixii beertiinna iskood uga baxa, ama aydaan soo urursan canabka ka baxa geedcanabka oo aan la hagaajin.
11Nesėkite ir nepjaukite, kas savaime užaugs dirvose, uogų nerinkite neapkarpytuose vynuogynuose,
12Waayo, sannaddaasu waa wakhti yubilii ah, oo waa inay idiin ahaataa mid quduus ah; oo waxaad cuni doontaan midhaha berrinka iskood uga baxa.
12nes tai iškilmingi jubiliejaus metai. Valgykite tai, kas savaime užaugs.
13Oo sannaddaas yubilii ah midkiin kastaa waa inuu ku noqdaa hantidiisii.
13Jubiliejaus metais kiekvienas atgaus savo buvusią nuosavybę.
14Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.
14Parduodant ar perkant ką nors iš kaimyno, neskriauskite vienas kito,
15Oo sannadaha wakhtiga yubilii ah ka dambeeya siday tiradoodu tahay waa inaad deriskaaga wax uga iibsataa, oo isna wax ha kaaga iibiyo siday tahay sannadaha wax la goosto.
15bet pirkite, atsižvelgdami į metų skaičių, praėjusį nuo jubiliejaus metų.
16Oo waa inaad qiimaha u kordhisaa sida sannaduhu u badan yihiin, oo waa inaad qiimaha u dhintaa sida sannaduhu u yar yihiin, waayo, isagu wuxuu wax kaaga iibin doonaa sida ay tahay tirada sannadaha wax la goosanayo.
16Kuo daugiau bus likę derliaus metų, tuo aukštesnė bus kaina; kuo mažiau derliaus metų, tuo mažesnė bus pardavimo kaina, nes jis tau parduos pagal pjūčių skaičių.
17Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
17Neskriauskite vienas kito, būkite sąžiningi, nes Aš esu Viešpats, jūsų Dievas.
18Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad qaynuunnadayda yeeshaan, oo aad xukummadaydana dhawrtaan oo yeeshaan, oo markaasaad dalka ammaan ku degganaan doontaan.
18Laikykitės mano įsakymų ir paliepimų, vykdykite juos, kad gyventumėte be baimės
19Oo dhulkuna wuxuu dhali doonaa midhihiisa, oo waxaad cuni doontaan wax aad ka dheregtaan, oo dalkana ammaan baad ku degganaan doontaan.
19ir žemė duotų vaisių, kuriais pasisotintumėte ir laimingai gyventumėte.
20Oo haddaad istidhaahdaan, Bal maxaynu sannadda toddobaad cuni doonnaa? Waayo, waxba ma aynu beeran doonno, oo soomana urursan doonno midhaheenna,
20Gal klausite: ‘Ką valgysime septintaisiais metais, jei nesėsime ir nerinksime vaisių?’
21markaas anigu sannadda lixaad ayaan barakadayda idiin amri doonaa, oo waxaa dhulka idiinka soo bixi doona midho saddex sannadood ku filan.
21Aš palaiminsiu šeštuosius metus, ir jie duos jums trejų metų derlių.
22Oo sannadda siddeedaadna wax baad beeran doontaan, oo waxaad cuni doontaan midhihii hore, oo tan iyo ilaa aad midhaha sannadda sagaalaad soo xeraysataan waxaad iska cuni doontaan midhihii hore.
22Sėsite aštuntaisiais metais, maitinsitės turimomis atsargomis ligi devintųjų metų, kol naujas derlius užaugs.
23Oo dalkana waa inaydaan hanti weligeed ah u iibin, waayo, dalka anigaa iska leh, oo idinna waxaad tihiin shisheeyayaal iyo socoto ila jooga.
23Žemė nebus parduodama visam laikui, nes ji mano, o jūs esate tik svečiai ir ateiviai.
24Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.
24Todėl visa jūsų žemė bus parduodama su išpirkimo teise.
25Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo oo uu hantidiisa qaar iibiyo, markaas xigaalkiisa ugu dhow ha yimaado, oo ha u furto wixii walaalkiis iibiyey.
25Jei suvargęs tavo brolis parduotų nuosavybės dalį, jo giminaitis gali ją išpirkti.
26Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,
26O jei jis neturėtų giminaičio, bet pats galėtų išpirkti,
27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.
27bus nustatyta kaina už tą laiką, kai ji buvo parduota, o kas lieka, sugrąžins pirkėjui, ir taip atgaus savo nuosavybę.
28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.
28Jei neturės reikiamos sumos žemei išpirkti, pirkėjas turės, ką nupirko, ligi jubiliejaus metų; tais metais nuosavybė sugrįš pirmajam šeimininkui.
29Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.
29Kas parduotų namus miesto ribose, tam bus leista išsipirkti juos per vienerius metus.
30Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.
30Jei neišsipirks per metus, jie pasiliks pirkėjui ir jo palikuonims; jų nereikės grąžinti jubiliejaus metais.
31Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.
31O jei namai būtų kaime, kuris neturi apsaugos sienų, bus parduodami kaip laukai; jei nebus išpirkti anksčiau, jubiliejaus metais sugrįš buvusiam savininkui.
32Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin.
32Levitų namai, esantys jų miestuose, visada gali būti išpirkti.
33Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.
33Jei nebus išpirkti, jubiliejaus metais sugrįš savininkams, nes namai levitų miestuose yra jų nuosavybė tarp izraelitų.
34Laakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah.
34Jų priemiesčio laukai neparduodami, nes tai jų amžina nuosavybė.
35Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo, oo intuu ku ag joogo masruufkiisa waayo, adigu waa inaad taageertaa, oo isagu waa inuu kuula degganaado sidii shisheeye iyo nin socoto ah.
35Jei tavo brolis izraelitas taptų beturčiu, jį priimk ir juo rūpinkis, nors jis tau būtų svetimas.
36Oo waa inaadan isaga ka qaadan korsocod ama wax dheeraad ah toona, laakiinse Ilaahaaga ka cabso, oo walaalkaa ha kula degganaado.
36Neimk iš jo palūkanų, bijok Dievo. Tegul tavo brolis gyvena pas tave.
37Oo waa inaadan lacagtaada korsocod ku deymin, ama aadan quudkaaga u siin si aad wax dheeraad ah kaga qaadatid.
37Neskolink jam pinigų už palūkanas ir neduok maisto, siekdamas pasipelnyti.
38Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inaan idin siiyo dalka Kancaan oo aan Ilaah idiin noqdo aawadeed.
38Aš, Viešpats, jūsų Dievas, kuris jus išvedžiau iš Egipto šalies, kad jums duočiau Kanaano žemę ir būčiau jūsų Dievas.
39Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale,
39Jei vargo priverstas tavo brolis pats tau parsiduotų, nesielk su juo kaip su vergu.
40laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah,
40Tetarnauja jis tau kaip samdinys ir įnamis ligi jubiliejaus metų.
41oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis.
41Tuomet jis su savo vaikais grįš pas savo giminę į tėvų namus.
42Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.
42Izraelitai yra mano tarnai, Aš juos išvedžiau iš Egipto; jie neturi būti parduodami kaip vergai.
43Waa inaadan cadaadis ugu talin, laakiinse Ilaahaaga ka cabso.
43Neišnaudokit jų, bijokit Dievo.
44Oo ragga iyo dumarka addoommada ah oo aad lahaanaysaan waxaad ka iibsan doontaan quruumaha hareerahiinna ku wareegsan. Iyaga waa inaad ka iibsataan rag iyo dumar addoommo ah.
44Vergą ir vergę pirkite iš aplink jus esančių tautų,
45Oo weliba waxaad ka iibsataan shisheeyayaasha idin dhex deggan iyo reerahooda idinla joogaba, kuwaasoo ay dalkiinna ku dhaleen, oo waxay ahaan doonaan hantidiin.
45iš ateivių, pasilikusių gyventi tarp jūsų, ir iš jūsų žemėje gimusių vergų; šiuos galėsite turėti vergais.
46Oo iyaga waa inaad dhaxal uga dhigtaan carruurtiinna idinka dambaysa, si ay iyana hanti ahaan ugu haystaan; oo iyagu waa kuwa aad weligiin addoommo ka dhiganaysaan, laakiinse walaalihiinna reer binu Israa'iil waa inaan midkiinna midka kale cadaadis ugu talin.
46Juos galėsite palikti kaip paveldėjimą savo palikuonims per amžius. Savo brolių izraelitų nespauskite be gailesčio.
47Oo haddii shisheeye ama socoto kula joogo uu taajir noqdo, oo walaalkaana uu agtiisa miskiin ku noqdo oo uu markaas iska iibiyo shisheeyaha ama socotada kula jooga amase shisheeyaha qoladiisii,
47Jei tarp jūsų pralobtų ateivis ar svetimtautis ir jam ar kuriam nors iš jo palikuonių parsiduotų nuskurdęs tavo brolis,
48markii la iibiyo dabadeed waa la soo furan karaa. Walaalihiis mid ka mid ahu waa soo furan karaa,
48jis galės būti išpirktas. Jei norės, jį galės išpirkti kas nors iš jo brolių:
49ama adeerkiis ama ina-adeerkiis way soo furan karaan, amase midkii xigaal u dhow ah oo qoladiisa ahu waa soo furan karaa, amase isaga qudhiisu hadduu taajir noqdo waa isfuran karaa.
49dėdė, brolėnas arba artimas giminaitis; o jei pajėgs, ir jis pats galės išsipirkti.
50Isaga iyo kan isaga iibsaday waa inay tiriyaan sannadihii u dhexeeyey sannaddii uu iibsaday iyo sannadda yubilii ah, oo qiimihii iibka waa inuu ahaadaa si waafaqsan tiradii sannadaha, oo wakhtiguu la joogay waa inuu ahaadaa sida wakhtiga shaqaale la kiraysto.
50Jis skaitys metus nuo parsidavimo ligi jubiliejaus metų ir atskaitys iš sumos, už kurią buvo parsidavęs, lyg būtų buvęs samdinys.
51Oo haddii sannado badanu ay weli dhiman yihiin, inta ay yihiin oo kale iyaga ha uga celiyo qiimihii furashadiisa oo ha uga bixiyo lacagtii lagu iibsaday.
51Jei bus likę daug metų ligi jubiliejaus, pagal juos atsilygins šeimininkui.
52Laakiinse haddii sannado yaru ay ka dhiman yihiin sannadda yubilii ah, markaas waa inuu isaga la xisaabtamo, oo inta sannadihiisu ay yihiin oo kale waa inuu ka celiyaa qiimihii furashadiisa.
52Jei metų skaičius mažesnis, apskaičiuos su juo pagal likusių metų skaičių ir sumokės išpirkimo kainą.
53Oo waa inuu isaga ula joogaa sida shaqaale la kiraysto sannad ka sannad, oo isagu waa inuusan cadaadis hortaada ugaga talin.
53Jis turi būti kaip samdinys visus tuos metus ir šeimininkas nesielgs su juo be gailesčio tavo akivaizdoje.
54Oo isaga haddaan sidan lagu soo furan, markaasuu sannadda yubilii ah bixi doonaa, isaga iyo carruurtiisaba.Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
54O jei jis nebus išpirktas, jis išeis jubiliejaus metais kartu su savo vaikais.
55Waayo, reer binu Israa'iil anigay addoommo ii yihiin, oo iyagu waa addoommadaydii aan ka soo bixiyey dalkii Masar. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
55Izraelitai yra mano tarnai, kuriuos išvedžiau iš Egipto. Aš esu Viešpats, jūsų Dievas”.