1Meel buu ku tukanayay, oo goortuu dhammeeyey, mid xertiisa ka mid ah ayaa ku yidhi, Sayidow, na bar si loo tukado, sida Yooxanaa xertiisa u baray.
1Kartą Jėzus vienoje vietoje meldėsi. Jam baigus melstis, vienas iš Jo mokinių paprašė: “Viešpatie, išmokyk mus melstis, kaip ir Jonas išmokė savo mokinius”.
2Wuxuu ku yidhi, Goortaad tukanaysaan dhaha, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado, boqortooyadaadu ha timaado.
2Jėzus tarė jiems: “Kai meldžiatės, sakykite: ‘Tėve mūsų, kuris esi danguje, teesie šventas Tavo vardas. Teateinie Tavo karalystė. Tebūnie Tavo valia kaip danguje, taip ir žemėje.
3Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.
3Kasdienės mūsų duonos duok mums kasdien
4Oo naga cafi dembiyadayada, waayo, annaguba waa u cafinnaa mid walba oo aannu qaan ku leennahay, oo jirrabaaddana ha noo kaxayn.
4ir atleisk mums mūsų kaltes, nes ir mes atleidžiame kiekvienam, kuris mums kaltas. Ir nevesk mūsų į pagundymą, bet gelbėk mus nuo pikto’ ”.
5Wuxuuna ku yidhi, Kiinnee baa saaxiib leh oo saqdadhexe u tegaya oo ku odhanaya, Saaxiibow, saddex kibsood i amaahi,
5Jis kalbėjo jiems: “Kas nors iš jūsų turės draugą ir, nuėjęs pas jį vidurnaktį, sakys: ‘Bičiuli, paskolink man tris kepalus duonos,
6waayo, saaxiibkay ayaa safar iiga yimid, oo waxaan hor dhigo ma hayo.
6nes draugas iš kelionės pas mane atvyko ir neturiu ko jam padėti ant stalo’.
7Kaasaana gudaha ka jawaabaya oo odhanaya, Ha i dhibin. Albaabka waa la xidhay; carruurtayduna sariirtay ila jiiftaa; umana kici karo inaan wax ku siiyo.
7O anas iš vidaus atsilieps: ‘Nekvaršink manęs! Durys jau uždarytos, o aš su vaikais lovoje, negaliu keltis ir tau duoti’.
8Waxaan idinku leeyahay, In kastoo aanu kici doonin oo aanu siin doonin saaxiibnimadiisa aawadeed, weliba baryo badnaantiisa aawadeed ayuu u kici doonaa oo u siin doonaa in alla intuu u baahan yahay.
8Aš jums sakau: jeigu nesikels ir neduos jam duonos dėl draugystės, tai dėl jo atkaklumo atsikels ir duos, kiek tik jam reikia.
9Waxaan idinku leeyahay, Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan; garaaca oo waa laydinka furi doonaa.
9Tad ir Aš jums sakau: prašykite, ir jums bus duota; ieškokite, ir rasite; belskite, ir bus jums atidaryta.
10Waayo, mid kasta oo weyddiista waa la siiyaa; kii doonaana waa helaa; kii garaacana waa laga furi doonaa.
10Nes kiekvienas, kas prašo, gauna, kas ieško, randa, ir beldžiančiam atidaroma.
11Midkiinnee baa oo aabbe ah haddii wiilkiisu kibis weyddiisto, dhagax siinaya? Ama hadduu kalluun weyddiisto, kalluunka meeshiis abeeso siinaya?
11Kuris iš jūsų, būdamas tėvas, duonos prašančiam vaikui duotų akmenį?! Ar prašančiam žuvies duotų gyvatę?
12Ama hadduu ukun weyddiisto, dabaqallooc siinaya?
12Arba prašančiam kiaušinio duotų skorpioną?
13Haddaba idinka oo shar leh haddaad garanaysaan inaad hadiyado wanaagsan carruurtiinna siisaan, intee ka badan ayaa Aabbihiinna jannada ku jiraa Ruuxa Quduuska ah uu siin doonaa kuwa isaga weyddiista?
13Jei tad jūs, būdami blogi, mokate savo vaikams duoti gerų daiktų, juo labiau jūsų Tėvas iš dangaus duos Šventąją Dvasią tiems, kurie Jį prašo”.
14Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.
14Kartą Jėzus išvarė nebylumo demoną. Demonui išėjus, nebylys prakalbėjo, ir minios stebėjosi.
15Laakiin qaarkood ayaa yidhi, wuxuu jinniyada ku saaraa Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada.
15Bet kai kurie iš jų sakė: “Jis išvaro demonus demonų valdovo Belzebulo jėga”.
16Markaasaa kuwa kale oo jirrabaya waxay ka doonayeen inuu calaamo cirka ka tuso.
16Kiti, mėgindami Jį, reikalavo ženklo iš dangaus.
17Laakiin isagoo garanaya fikirradooda ayuu ku yidhi, Boqortooyo walba oo kala qaybsantaa, cidla' bay noqotaa, guri guri ka qaybsamaana waa dumaa.
17Bet Jėzus, žinodamas jų mintis, tarė jiems: “Kiekviena suskilusi karalystė bus sunaikinta, ir namai grius ant namų.
18Shayddaankuna hadduu kala qaybsamo, boqortooyadiisu sidee bay u taagnaan doontaa? Waayo, waxaad tidhaahdaan, Waxaad jinniyo ku saartaa Be'elsebul.
18Jeigu ir šėtonas pasidalijęs, tai kaip išsilaikys jo karalystė? O jūs sakote, kad Aš išvarau demonus Belzebulo jėga.
19Anigu haddii aan jinniyada ku saaro Be'elsebul, wiilashiinna yay ku saaraan? Sidaa darteed iyagu waxay ahaanayaan xaakinnadiinna.
19Jeigu Aš išvarau juos Belzebulo jėga, tai kieno jėga išvaro jūsų sūnūs? Todėl jie bus jūsų teisėjai.
20Laakiin haddaan jinniyada ku saaro farta Ilaah, waxaa idiin timid boqortooyada Ilaah.
20Bet jei Aš išvarau demonus Dievo pirštu, tai tikrai pas jus atėjo Dievo karalystė.
21Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.
21Kai apsiginklavęs galiūnas saugo savo namus, tada ir jo turtas apsaugotas.
22Laakiin mid ka xoog badan goortuu ku soo baxo oo ka adkaado, wuxuu ka qaadaa hubkiisii uu isku halleeyey, oo wuu qaybiyaa wuxuu ka dhacay.
22Bet jei užpuls stipresnis ir jį nugalės, tai atims visus jo ginklus, kuriais tas pasitikėjo, ir išdalys grobį.
23Kan aan ila jirin waa iga gees, oo kan aan ila ururin waa firdhiyaa.
23Kas ne su manimi, tas prieš mane, ir kas nerenka su manimi, tas barsto”.
24Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.
24“Netyroji dvasia, išėjusi iš žmogaus, klaidžioja bevandenėse vietose, ieškodama poilsio. Neradusi ji sako: ‘Grįšiu į savo namus, iš kur išėjau’.
25Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan.
25Sugrįžusi randa juos iššluotus ir išpuoštus.
26Markaasuu tagaa oo wuxuu wataa toddoba jinni oo kale oo ka xunxun isaga, wayna galaan oo halkaas joogaan. Ninkaas wakhtigiisa dambe ayaa ka darnaada wakhtiga hore.
26Tuomet eina, pasiima kitas septynias dvasias, dar piktesnes už save, ir įėjusios jos ten apsigyvena. Ir tada tam žmogui darosi blogiau negu pirma”.
27Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
27Jėzui bekalbant, viena moteris iš minios Jam garsiai sušuko: “Palaimintos įsčios, kurios Tave nešiojo, ir krūtys, kurias žindai!”
28Laakiin wuxuu ku yidhi, Runtaa, laakiin waxaa barakaysan kuwa ereyga Ilaah maqla oo xajiya.
28Jis atsiliepė: “Labiau palaiminti tie, kurie klausosi Dievo žodžio ir jo laikosi”.
29Goortii dadkii badnaa isugu soo ururayeen, wuxuu bilaabay inuu yidhaahdo, Qarniganu waa qarni shareed; calaamo bay doonayaan, lamana siin doono, calaamada Yoonis maahee.
29Minioms gausėjant, Jis pradėjo kalbėti: “Ši karta yra pikta karta. Ji reikalauja ženklo, bet jai nebus duota jokio kito ženklo, kaip tik Jonos ženklas.
30Waayo, sida Yoonis calaamo ugu noqday reer Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahu calaamo ugu ahaan doonaa qarnigan.
30Kaip Jona buvo ženklas nineviečiams, taip Žmogaus Sūnus bus šiai kartai.
31Boqoradda koonfureed waxay xisaabta la kici doontaa dadka qarnigan, wayna xukumi doontaa, waayo, waxay ka timid meesha dhulka ugu shishaysa inay xigmadda Sulaymaan maqasho, oo bal eeg, mid Sulaymaan ka weyn ayaa halkan jooga.
31Pietų šalies karalienė teismo dieną prisikels drauge su šios kartos žmonėmis ir juos pasmerks, nes ji atkeliavo nuo žemės pakraščių pasiklausyti Saliamono išminties, o štai čia daugiau negu Saliamonas.
32Nimanka Nineweh waxay xisaabta isla taagi doonaan dadka qarnigan, wayna xukumi doonaan, waayo, waxay ku toobad keeneen wacdigii Yoonis, oo bal eeg, mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.
32Ninevės gyventojai stos teisme drauge su šita karta ir ją pasmerks, nes jie atsivertė, išgirdę Jonos pamokslą, o čia daugiau negu Jona”.
33Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.
33“Niekas uždegto žiburio nededa į slėptuvę ar po indu, bet stato jį į žibintuvą, kad įeinantys matytų šviesą.
34Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur.
34Kūno žiburys yra tavoji akis. Todėl, jei tavo akis sveika, visas tavo kūnas bus šviesus. O jeigu tavo akis pikta, visas tavo kūnas bus tamsus.
35Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.
35Todėl žiūrėk, kad tavoji šviesa nebūtų tamsa!
36Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.
36Taigi, jei visas tavo kūnas pilnas šviesos ir neturi jokios tamsios dalies, jis bus visas šviesus, lyg žiburio spindulių apšviestas”.
37Goortuu hadlayay, nin Farrisi ah ayaa weyddiistay inuu wax la cuno; wuuna galay gurigiisa, oo cunto u fadhiistay.
37Jėzui tebekalbant, vienas fariziejus pasikvietė Jį pietų. Įėjęs į vidų, Jis atsisėdo prie stalo.
38Farrisigii markuu arkay waa yaabay, waayo, cuntada horteed ma uu faraxalan.
38Tai matydamas, fariziejus stebėjosi, kad Jis nenusiplovė rankų prieš valgydamas.
39Sayidka ayaa ku yidhi, Haddeer idinkoo Farrisiin ah waxaad dusha ka nadiifisaan koobka iyo xeedhada, laakiin xaggiinna hoose waxaa ka buuxa dulun iyo shar.
39O Viešpats jam tarė: “Kaip tik jūs, fariziejai, valote taurės ir dubens išorę, o viduje esate pilni gobšumo ir nedorybės.
40Doqonno yahow, kii dusha sameeyey miyaanu gudahana samaynin?
40Neišmanėliai! Argi išorės Kūrėjas nesukūrė ir vidaus?
41Laakiin waxa gudaha ah sadaqad u bixiya, oo bal eeg, wax walba waa idiin nadiifsan yihiin.
41Verčiau duokite gailestingumo auką iš to, ką turite, tai viskas bus jums nesutepta.
42Laakiin waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, reexaanta iyo kabsarta iyo khodaarta oo dhan toban meelood ayaad meel ka bixisaan, oo waxaad dhaaftaan xukunka iyo jeclaanta Ilaah. Waxaad lahaydeen inaad waxan samaysaan oo aydnaan kuwa kale dhaafin.
42Vargas jums, fariziejai! Jūs duodate dešimtinę iš mėtų, rūtų ir kitokių žolelių, o apleidžiate teisingumą ir Dievo meilę. Tai turite daryti ir ano nepalikti!
43Waa idiin hoog, Farrisiin yahay, waayo, waxaad jeceshihiin kursiyada hore oo sunagogyada, iyo salaanta suuqa.
43Vargas jums, fariziejai! Jūs mėgstate pirmuosius krėslus sinagogose ir sveikinimus aikštėse.
44Waa idiin hoog, waayo, waxaad tihiin sida xabaalo aan muuqanaynin; nimanka dul marayaana aanay garanaynin.
44Vargas jums, veidmainiai Rašto žinovai ir fariziejai! Esate lyg apleisti kapai, kuriuos žmonės nepastebėdami mindžioja”.
45Kuwa sharciga yaqaan midkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, markaad waxaas leedahay, annagana waad na caayaysaa.
45Tada vienas Įstatymo mokytojas atsiliepė: “Mokytojau, taip kalbėdamas, Tu ir mus įžeidi”.
46Markaasuu ku yidhi, Idinkana waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, waxaad nimanka ku rartaan wax culus oo qaadiddoodu dhib leedahay; idinkuse farihiinna middood kuma taabataan culaabta.
46Jis atsakė: “Vargas ir jums, Įstatymo mokytojai! Jūs kraunate žmonėms nepakeliamas naštas, o patys tų naštų nė vienu pirštu nepajudinate.
47Waa idiin hoog, waayo, waxaad dhistaan xabaalaha nebiyada, awowayaashiinse way dileen.
47Vargas jums! Jūs statote pranašams antkapius, o jūsų tėvai juos žudė!
48Haddaba waxaad tihiin markhaatiyaal oo aad oggoshihiin shuqulkii awowayaashiin, waayo, iyagaa dilay, idinkuna waad dhistaan xabaalahooda.
48Taigi jūs liudijate, kad pritariate savo tėvų darbams. Jie žudė, o jūs statote jiems antkapius.
49Sidaa darteed xigmadda Ilaah ayaa tidhi, Waxaan u diri doonaa nebiyo iyo rasuullo; qaarkood waa la dili doonaa oo la silcin doonaa,
49Todėl ir Dievo išmintis pasakė: ‘Aš siųsiu pas juos pranašų ir apaštalų, o jie vienus nužudys, kitus persekios,
50in qarnigan la weyddiiyo dhiiggii nebiyada oo dhan oo daatay tan iyo aasaaskii dunida,
50kad iš šitos kartos būtų pareikalauta visų pranašų kraujo, pralieto nuo pasaulio sutvėrimo,
51oo laga bilaabo dhiiggii Haabiil ilaa dhiiggii Sakariyas kii ku dhintay meeshii allabariga iyo meesha quduuska ah dhexdooda. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Qarnigan ayaa la weyddiin doonaa.
51pradedant Abelio krauju iki kraujo Zacharijo, kuris buvo nužudytas tarp aukuro ir šventyklos!’ Taip! Aš sakau, jog bus pareikalauta jo iš šios kartos.
52Waa idiin hoog, sharciga sheegayaal yahow, waayo, furihii garashada ayaad qaaddeen. Idinka qudhiinnu ma gelin, oo kuwii gelayayna ayaad ka hor joogsateen.
52Vargas jums, Įstatymo mokytojai! Jūs paėmėte pažinimo raktą, bet patys nėjote ir einantiems trukdėte”.
53Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.
53Kai Jis jiems tai kalbėjo, Rašto žinovai bei fariziejai pradėjo smarkiai Jį pulti ir visaip kamantinėti,
54iyagoo gaadaya inay ku qabtaan wixii afkiisa ka soo baxa.
54tikėdamiesi ką nors pagauti iš Jo lūpų, kad galėtų Jį apkaltinti.