1Wakhtigaas waxaa dhacay in amar ka soo baxay Kaysar Awgustus in dadka dunida jooga oo dhan la qoro.
1Tomis dienomis išėjo ciesoriaus Augusto įsakymas surašyti visus valstybės gyventojus.
2Qorniinkaas kolkii ugu horreeyey waxaa la sameeyey markii Kuranayos xukumi jiray Suuriya.
2Toks pirmasis surašymas buvo padarytas Kvirinui valdant Siriją.
3Dhammaan waxay u wada tageen in la qoro, mid kastaba magaaladiisii.
3Taigi visi keliavo užsirašyti, kiekvienas į savo miestą.
4Yuusufna Galili ayuu ka kacay, oo magaaladii Naasared ka tegey, oo wuxuu aaday Yahuudiya ilaa magaaladii Daa'uud oo Beytlaxam la odhan jiray, maxaa yeelay, wuxuu ahaa dadkii iyo dhashii Daa'uud,
4Taip pat ir Juozapas ėjo iš Galilėjos miesto Nazareto į Judėją, į Dovydo miestą, vadinamą Betliejumi, nes buvo kilęs iš Dovydo namų ir giminės.
5in lala qoro Maryan oo ahayd tii u doonanayd oo uurka lahayd.
5Jis ėjo užsirašyti kartu su savo sužadėtine Marija, kuri buvo nėščia.
6Waxaa dhacay kolkay halkaas joogeen in maalmihii ay umuli lahayd dhammaadeen,
6Jiems ten esant, atėjo jai metas gimdyti, ir ji pagimdė savo pirmagimį Sūnų,
7waxayna umushay wiilkeedii curadka ahaa, markaasay maro ku duudduubtay oo qabaal ku jiifisay, waayo, meel ay ku hoydaan ayay hudheelkii ka waayeen.
7suvystė Jį vystyklais ir paguldė ėdžiose, nes jiems nebuvo vietos užeigoje.
8Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.
8Toje apylinkėje laukuose buvo piemenys, kurie, budėdami naktį, saugojo savo bandą.
9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.
9Staiga jiems pasirodė Viešpaties angelas, ir juos apšvietė Viešpaties šlovė. Jie labai išsigando,
10Markaasaa malaa'igtii ku tidhi, Ha baqina, waayo, ogaada, waxaan idiin keenay war wanaagsan oo leh farxad weyn oo u ahaan dadka oo dhan.
10bet angelas jiems tarė: “Nebijokite! Štai skelbiu jums didelį džiaugsmą, kuris bus visai tautai.
11Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.
11Šiandien Dovydo mieste jums gimė Gelbėtojas. Jis yra ViešpatsKristus.
12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.
12Ir štai jums ženklas: rasite kūdikį, suvystytą ir paguldytą ėdžiose”.
13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,
13Staiga prie angelo pasirodė gausi dangaus kareivija, šlovinanti Dievą:
14Ilaah ha ku ammaanmo meelaha ugu sarreeya, Xagga dhulkana nabad ha ahaato dadka ka farxiya Ilaah dhexdooda.
14“Šlovė Dievui aukštybėse, o žemėje ramybė ir palankumas žmonėms!”
15Waxaa dhacay markii malaa'igihii ka tageen oo jannada ku noqdeen in adhijirradii isku yidhaahdeen, Haddana aan tagno xataa ilaa Beytlaxam, aan aragnee waxaas dhacay oo Rabbiga ina ogeysiiyey.
15Kai angelai nuo jų pakilo į dangų, piemenys kalbėjosi: “Eikime į Betliejų ir pažiūrėkime, kas ten įvyko, ką Viešpats mums paskelbė”.
16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.
16Jie nuskubėjo ir rado Mariją, Juozapą ir kūdikį, paguldytą ėdžiose.
17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.
17Pamatę jie apsakė, kas jiems buvo pranešta apie šitą kūdikį.
18Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.
18Visi, kurie girdėjo, stebėjosi piemenų pasakojimu.
19Maryanse hadalkaas oo dhan ayay haysatay oo qalbigeeda kaga fikirtay.
19Marija įsiminė visus šiuos žodžius, dėdamasi juos širdin.
20Adhijirraduna way noqdeen iyagoo Ilaah ku ammaanaya oo ku weynaynaya waxyaalihii ay maqleen oo ay arkeen oo dhan, sidii iyaga loogu sheegay.
20Piemenys grįžo atgal, garbindami ir šlovindami Dievą už visa, ką buvo girdėję ir matę, kaip jiems buvo paskelbta.
21Goortii siddeed maalmood dhammaatay oo wiilkii la gudi lahaa, magiciisii waxaa loo baxshay Ciise, sida malaa'igtii ugu bixisay intaan uurka lagu uuraysan.
21Praslinkus aštuonioms dienoms, kai reikėjo apipjaustyti vaikelį, Jam buvo duotas Jėzaus vardas, kurį angelas nurodė dar prieš Jo pradėjimą įsčiose.
22Kolkii maalmihii nadiifiskeeda u dhammaadeen sidii sharciga Muuse lahaa, waxay geeyeen Yeruusaalem inay Rabbiga u dhiibaan
22Pasibaigus Mozės Įstatymo nustatytoms apsivalymo dienoms, jie nunešė Jį į Jeruzalę pašvęsti Viešpačiui,
23(siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Curad walba oo lab ah waxaa loogu yeedhi doonaa quduus xagga Rabbiga),
23kaip parašyta Viešpaties Įstatyme: “Kiekvienas pirmagimis berniukas bus atskirtas Viešpačiui”,
24iyo inay allabari u bixiyaan siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga, Laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar.
24ir duoti auką, kaip pasakyta Viešpaties Įstatyme: “Porą purplelių arba du balandžiukus”.
25Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
25Jeruzalėje gyveno žmogus, vardu Simeonas, teisus ir dievobaimingas vyras, kuris laukė Izraelio paguodos, ir Šventoji Dvasia buvo ant jo.
26Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.
26Jam buvo apreikšta Šventąja Dvasia, kad jis nemirsiąs, kol pamatysiąs Viešpaties Kristų.
27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,
27Dvasios paragintas, jis atėjo į šventyklą. Įnešant tėvams kūdikį Jėzų, kad pasielgtų su Juo, kaip Įstatymas reikalauja,
28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
28Simeonas paėmė Jį į rankas, laimino Dievą ir tarė:
29Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
29“Dabar, Valdove, leidi, kaip žadėjai, savo tarnui ramiai iškeliauti,
30Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
30nes mano akys išvydo Tavo išgelbėjimą,
31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
31kurį paruošei visų tautų akivaizdoje:
32Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
32šviesą pagonims apšviesti ir Tavo Izraelio tautos šlovę”.
33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.
33Juozapas ir Jėzaus motina stebėjosi tuo, kas buvo apie Jį kalbama.
34Simecoon ayaa iyaga u duceeyey, wuxuuna hooyadiis Maryan ku yidhi, Ogow, wiilkan waxaa loo dhigay dhicidda iyo kicidda kuwa badan oo Israa'iil ku jira, iyo calaamo ka gees ahaan lagaga hadlo,
34Simeonas palaimino juos ir tarė Marijai, Jo motinai: “Štai šis skirtas daugelio Izraelyje nupuolimui ir atsikėlimui. Jis bus prieštaravimo ženklas,
35si ay qalbiyo badan fikirradoodu u muuqan doonaan. Adigana seef baa naftaada ka mudhbixi doonta.
35ir tavo pačios sielą pervers kalavijas,kad būtų atskleistos daugelio širdžių mintys”.
36Waxaa jirtay nebiyad Anna la odhan jiray, ina Fanuu'eel, oo ahayd qoladii Aasheer, wayna da'weynayd; nin bayna la jirtay toddoba sannadood bikradnimadeeda dabadeed.
36Ten buvo ir pranašė Ona, Fanuelio duktė iš Asero giminės. Ji buvo seno amžiaus. Po mergystės ji išgyveno septynerius metus su vyru,
37Waxayna ahayd carmal xataa afar iyo siddeetan sannadood, macbudkana kama ay tegin, laakiin Ilaah ayay soon iyo salaad habeen iyo maalinba ku caabudaysay.
37o paskui našlaudama sulaukė aštuoniasdešimt ketverių metų. Ji nesitraukdavo nuo šventyklos, tarnaudama Dievui per dienas ir naktis pasninkais bei maldomis.
38Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahad naqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
38Ir ji, tuo pačiu metu priėjusi, dėkojo Dievui ir kalbėjo apie kūdikį visiems, kurie laukė Jeruzalės atpirkimo.
39Goortay wax walba dhammeeyeen sida sharciga Rabbigu leeyahay, waxay ku noqdeen Galili ilaa magaaladoodii Naasared.
39Atlikę visa, ko reikalavo Viešpaties Įstatymas, jie sugrįžo į Galilėją, į savo miestą Nazaretą.
40Wiilkii ayaa koray oo itaal weynaaday, waxaana ka buuxsantay xigmad; Ilaah nimcadiisuna way dul joogtay.
40Vaikelis augo, stiprėjo dvasia, buvo pilnas išminties, ir Dievo malonė buvo su Juo.
41Sannad walba waalidkiisii waxay Yeruusaalem u tegi jireen Iiddii Kormaridda.
41Jo tėvai kasmet eidavo į Jeruzalę švęsti Paschos.
42Goortuu laba iyo toban sannadood jiray ayay aadeen sidii caadadii iiddu u ahayd.
42Kai Jėzui sukako dvylika metų, šventės papročiu jie nuvyko į Jeruzalę.
43Oo goortay maalmihii dhammaysteen, oo ay noqonayeen, ayaa Ciise wiilkii ahaa ku hadhay Yeruusaalem, waalidkiisuna ma ogayn,
43Pasibaigus šventės dienoms ir jiems grįžtant atgal, vaikas Jėzus pasiliko Jeruzalėje, bet Juozapas ir Jo motina to nepastebėjo.
44laakiin iyagoo u malaynaya inuu dadka la socdo, ayay maalin sii socdeen, markaasay ka dhex doondooneen xigaalkooda iyo kuway isbarteen.
44Manydami Jį esant keleivių būryje, jie, nuėję dienos kelią, pradėjo ieškoti Jo tarp giminių ir pažįstamų.
45Oo markay heli waayeen ayay Yeruusaalem ku noqdeen oo ka doondooneen.
45Nesuradę grįžo Jo beieškodami į Jeruzalę.
46Waxaa noqotay, saddex maalmood dabadeed, inay macbudka ka heleen isagoo macallimiinta dhex fadhiya oo dhegaysanaya oo wax weyddiinaya.
46Pagaliau po trijų dienų rado Jį šventykloje, sėdintį tarp mokytojų, besiklausantį jų ir juos beklausinėjantį.
47Dadkii maqlay oo dhan ayaa la yaabay garashadiisii iyo jawaabihiisii.
47Visi, kurie Jį girdėjo, stebėjosi Jo išmanymu ir atsakymais.
48Goortay arkeen isagii way la yaabeen, oo hooyadiis ayaa ku tidhi, Wiilkaygiiyow, maxaad sidaas noo yeeshay? Bal eeg, aniga iyo aabbahaa caloolxumo waannu kugu doondoonnay.
48Pamatę Jį, jie labai nustebo, ir Jo motina Jam tarė: “Vaikeli, kodėl mums taip padarei? Štai Tavo tėvas ir aš sielvartaudami ieškojome Tavęs”.
49Markaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad ii doondoonayseen? Miyaanad ogayn inay igu waajib tahay inaan danta Aabbahay ku jeedo?
49Jis atsakė: “Kam gi manęs ieškojote? Argi nežinote, kad man reikia būti savo Tėvo reikaluose?”
50Laakiin way garan waayeen hadalkii uu kula hadlay.
50Bet jie nesuprato Jo pasakytų žodžių.
51Kolkaasuu raacay oo Naasared tegey, wuuna ka dambeeyey iyaga; laakiinse hooyadiis hadalkaas oo dhan qalbigeeda ayay ku haysatay.Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.
51Jis iškeliavo su jais ir grįžo į Nazaretą; ir buvo jiems klusnus. Jo motina laikė visus tuos žodžius savo širdyje.
52Ciisena wuxuu ku koray xigmad iyo dherer iyo nimco, Ilaah iyo dadka hortooda.
52O Jėzus augo išmintimi, metais ir malone Dievo ir žmonių akyse.