Somali

Lithuanian

Luke

20

1Maalmahaa middood intuu Ciise dadka macbudkii wax ku barayay oo injiilka kaga dhex wacdiyeyey, waxaa dhacay in wadaaddada sare iyo culimmada ula yimaadeen waayeellada
1Vieną iš tų dienų Jėzui mokant žmones šventykloje ir skelbiant Evangeliją, atėjo aukštųjų kunigų ir Rašto žinovų su vyresniaisiais
2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?
2ir klausė Jį: “Pasakyk mums, kokią teisę turi taip daryti? Kas Tau davė šitą valdžią?”
3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.
3Jis jiems tarė: “Aš irgi paklausiu jus vieno dalyko, ir atsakykite man:
4Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?
4ar Jono krikštas buvo iš dangaus, ar iš žmonių?”
5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?
5Jie svarstė tarpusavyje: “Jei pasakysime­iš dangaus, Jis mus klaus: ‘Tai kodėl juo netikėjote?’
6Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.
6O jei sakysime­iš žmonių, visa minia užmėtys mus akmenimis, nes žmonės įsitikinę, kad Jonas buvo pranašas”.
7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.
7Ir jie atsakė, kad nežino iš kur.
8Ciisena wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo.
8Tada Jėzus jiems tarė: “Tai ir Aš jums nesakysiu, kokia valdžia tai darau”.
9Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.
9Jis pradėjo pasakoti žmonėms tokį palyginimą: “Vienas žmogus pasodino vynuogyną, išnuomojo jį vynininkams ir ilgesniam laikui iškeliavo svetur.
10Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.
10Atėjus metui, jis nusiuntė pas vynininkus tarną, kad tie jam duotų vynuogyno derliaus dalį. Tačiau vynininkai sumušė jį ir paleido tuščiomis.
11Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.
11Jis vėl nusiuntė kitą tarną, bet ir tą jie sumušė, išjuokė ir paleido jį tuščiomis.
12Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.
12Tuomet jis pasiuntė dar trečią, bet jie ir šitą sužeidę išvarė.
13Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan.
13Tada vynuogyno šeimininkas tarė: ‘Ką man daryti? Pasiųsiu savo mylimąjį sūnų, gal pamatę jie gerbs jį?’
14Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.
14Bet, išvydę sūnų, vynininkai ėmė tartis tarpusavyje: ‘Tai paveldėtojas. Užmuškime jį, kad mums atitektų palikimas’.
15Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?
15Jie išmetė jį iš vynuogyno ir nužudė. Ką gi su jais darys vynuogyno savininkas?
16Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.
16Jis ateis ir išžudys tuos vynininkus, o vynuogyną atiduos kitiems”. Tai girdėjusieji tarė: “Tenebūna šitaip!”
17Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?
17Bet Jėzus, pažvelgęs į juos, paklausė: “O ką reiškia Rašto posakis: ‘Akmuo, kurį statytojai atmetė, tapo kertiniu akmeniu?’
18Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.
18Kas tiktai kris ant šito akmens, suduš, o ant ko tas akmuo užgrius, tą sutriuškins”.
19Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.
19Aukštieji kunigai ir Rašto žinovai norėjo dar tą pačią valandą Jį suimti, bet bijojo žmonių. Mat jie suprato, kad šis palyginimas buvo jiems taikomas.
20Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha.
20Jie patys atidžiai Jėzų stebėjo ir siuntinėjo šnipus, apsimetančius teisuoliais, kad, nutvėrę kokį Jo žodį, galėtų Jį atiduoti valdytojui nuteisti ir nubausti.
21Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, waxaannu og nahay inaad si hagaagsan wax u tidhaahdo oo wax u bartid, oo aanad ninna u eexan, laakiin aad jidka Ilaah run ku bartid.
21Taigi jie klausė Jį: “Mokytojau, mes žinome, kad Tu kalbi ir mokai teisingai. Tu neatsižvelgi į asmenis, bet mokai Dievo kelio, kaip reikalauja tiesa.
22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?
22Ar reikia mums mokėti ciesoriui mokesčius, ar ne?”
23Laakiin khiyaanadooda wuu gartay, oo wuxuu ku yidhi,
23Suprasdamas jų klastą, Jis tarė jiems: “Kodėl spendžiate man pinkles?
24Dinaar i tusa. Yaa leh masawirkan iyo qorniinkan ku yaal? Waxay yidhaahdeen, Kaysar baa leh.
24Parodykite man denarą. Kieno atvaizdas ir įrašas jame?” Jie atsakė: “Ciesoriaus”.
25Markaasuu ku yidhi, Haddaba Kaysar siiya wixii Kaysar leeyahay, Ilaahna siiya wixii Ilaah leeyahay.
25Tada Jis jiems tarė: “Kas ciesoriaus, atiduokite ciesoriui, o kas Dievo­Dievui”.
26Hadalkiisa way ku qaban kari waayeen dadka hortiisa, wayna ka yaabeen jawaabtiisa, oo way aamuseen.
26Taip jie nesugebėjo žmonių akivaizdoje sugauti Jo kalboje. Stebėdamiesi Jo atsakymu, jie nutilo.
27Waxaa u yimid qaar Sadukiin ah, kuwii odhan jiray, Sarakicidda kuwii dhintay ma jirto.
27Pas Jį atėjo sadukiejų, kurie neigia mirusiųjų prisikėlimą, ir paklausė:
28Oo waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, Muuse wuxuu noo qoray, Nin walaalkiis hadduu dhinto isagoo naag leh oo aan carruur lahayn, walaalkiis naagtiisa waa inuu dumaalo oo uu carruur walaalkiis u dhalo.
28“Mokytojau, Mozė mums parašė: jei kieno brolis, turėdamas žmoną, mirtų bevaikis, tada jo brolis tegul veda jo žmoną ir pažadina savo broliui palikuonių.
29Haddaba waxaa jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey naag buu qabay, wuuna dhintay carruurla'aan.
29Taigi buvo septyni broliai. Pirmasis vedė žmoną ir mirė bevaikis.
30Kii labaadna wuu guursaday,
30Ją vedė antrasis ir taip pat mirė bevaikis.
31oo kii saddexaadna waa dumaalay. Sidaasay toddobadii u wada guursadeen, carruurna kama ay tegin, wayna dhinteen.
31Paskui ją vedė trečiasis ir paeiliui visi septyni, ir jie mirė, nepalikdami vaikų.
32Kulligood dabadeed naagtiina waa dhimatay.
32Po jų visų numirė ir ta moteris.
33Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay, iyaga kee bay naagtiisa ahaan doontaa? Waayo, toddobadu way wada guursadeen.
33Kurio gi žmona ji bus prisikėlime? Juk ji buvo visų septynių žmona!”
34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,
34Jėzus jiems atsakė: “Šio pasaulio vaikai veda ir teka,
35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,
35o kurie pasirodys verti pasiekti aną pasaulį ir mirusiųjų prisikėlimą, tie neves ir netekės.
36waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa'igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.
36Jie taip pat nebegalės ir mirti, nes, būdami prisikėlimo vaikai, bus lygūs angelams ir bus Dievo vaikai.
37Laakiin in kuwii dhintay la sara kiciyo Muuse ayaa tilmaamay xaggii geedka markuu Rabbiga ugu yeedhay Ilaaha Ibraahim iyo Ilaaha Isxaaq iyo Ilaaha Yacquub.
37O kad mirusieji prisikels, nurodė ir Mozė pasakojime apie krūmą, kur jis Viešpatį vadina ‘Abraomo Dievu, Izaoko Dievu ir Jokūbo Dievu’.
38Laakiin isagu ma aha Ilaaha kuwa dhintay, laakiin waa Ilaaha kuwa nool, waayo, dhammaan isagay u nool yihiin.
38Taigi Dievas nėra mirusiųjų Dievas, bet gyvųjų, nes visi Jam gyvena”.
39Culimmada qaarkood ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, si wanaagsan ayaad u hadashay.
39Tada kai kurie Rašto žinovai atsiliepė: “Mokytojau, Tu gerai pasakei!”
40Kol dambe kuma ay dhicin inay wax weyddiiyaan.
40Ir daugiau jie nedrįso nieko Jo klausti.
41Wuxuuna ku yidhi, Sidee bay u yidhaahdaan, Masiixu waa ina Daa'uud?
41Jis paklausė jų: “Kodėl sakoma, jog Kristus esąs Dovydo Sūnus?
42Daa'uud qudhiisa ayaa kitaabkii Sabuurrada ku leh, Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi, Midigtayda fadhiiso,
42Juk pats Dovydas Psalmių knygoje sako: ‘Viešpats tarė mano Viešpačiui: sėskis mano dešinėje,
43Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
43kol patiesiu Tavo priešus tarsi pakojį po Tavo kojų’.
44Haddaba Daa'uud ayaa ugu yeedhay Sayid, ee sidee buu wiilkiisa u yahay?
44Taigi Dovydas vadina Jį Viešpačiu,­kaip tada Jis gali būti jo Sūnus?”
45Dadkii oo dhan oo maqlaya, ayuu xertiisii ku yidhi,
45Visiems žmonėms girdint, Jėzus tarė savo mokiniams:
46Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha,kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.
46“Saugokitės Rašto žinovų, kurie mėgsta vaikščioti ilgais drabužiais, būti sveikinami aikštėse, užimti pirmuosius krėslus sinagogose bei garbės vietas pokyliuose.
47kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer istusid u tukada. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.
47Jie suryja našlių namus ir dedasi kalbą ilgas maldas. Jie gaus dar didesnį pasmerkimą”.