1Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii,
1Po to Jėzus keliavo per miestus ir kaimus, pamokslaudamas ir skelbdamas Dievo karalystės Gerąją naujieną. Su Juo buvo dvylika
2iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen,
2ir kelios moterys, išgydytos nuo piktųjų dvasių bei ligų: Marija, vadinama Magdaliete, iš kurios buvo išėję septyni demonai,
3iyo Yo'anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray.
3Erodo prievaizdo Chūzo žmona Joana, Zuzana ir daug kitų, kurios jiems tarnavo savo turtu.
4Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal.
4Susirinkus gausiai miniai ir žmonėms iš visų miestų skubant pas Jį, Jis kalbėjo palyginimu:
5Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay.
5“Sėjėjas išėjo sėti savo sėklos. Jam besėjant, vieni grūdai nukrito palei kelią, buvo sumindžioti, ir padangių paukščiai juos sulesė.
6Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn.
6Kiti nukrito ant uolos, ir išdygę nudžiūvo, nes trūko drėgmės.
7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay.
7Kiti nukrito tarp erškėčių, ir tie, kartu išaugę, nusmelkė juos.
8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
8O dar kiti nukrito į gerą žemę ir išaugę davė šimteriopą derlių”. Tai papasakojęs, Jis sušuko: “Kas turi ausis klausytiteklauso!”
9Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan?
9Jo mokiniai paklausė: “Ką reiškia šis palyginimas?”
10Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.
10Jis atsakė: “Jums duota pažinti Dievo karalystės paslaptis, o kitiems jos skelbiamos palyginimais, kad ‘žiūrėdami nematytų ir girdėdami nesuprastų’ ”.
11Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah.
11“Palyginimas štai ką reiškia: sėkla yra Dievo žodis.
12Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin.
12Palei keliątai tie, kurie klausosi, paskui ateina velnias ir išrauna žodį iš jų širdies, kad jie netikėtų ir nebūtų išgelbėti.
13Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.
13Ant uolostai tie, kurie, išgirdę žodį, su džiaugsmu jį priima, bet neturi šaknų: jie kurį laiką tiki, o gundymo metu atkrinta.
14Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan.
14Sėkla, kritusi tarp erškėčių,tai tie, kurie išgirdo, bet, toliau eidami, buvo nusmelkti rūpesčių, turtų bei gyvenimo malonumų ir neduoda subrendusio vaisiaus.
15Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.
15Nukritusi į gerą žemę sėklatai tie, kurie klauso žodžio, išsaugo jį tyroje ir geroje širdyje ir duoda vaisių kantrumu”.
16Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan.
16“Nė vienas, uždegęs žiburį, neapvožia jo indu ir nekiša po lova, bet stato į žibintuvą, kad įeinantys matytų šviesą.
17Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin.
17Nėra nieko paslėpta, kas nebūtų atskleista, nieko slapta, kas nepasidarytų žinoma ir neišeitų aikštėn.
18Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.
18Tad žiūrėkite, kaip klausotės. Kas turi, tam bus duota, o iš neturinčio bus atimta ir tai, ką jis tariasi turįs”.
19Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood.
19Pas Jėzų atėjo motina ir Jo broliai, bet negalėjo prieiti prie Jo per minią.
20Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan.
20Jam pranešė: “Tavo motina ir broliai stovi lauke ir nori su Tavimi pasimatyti”.
21Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela.
21O Jis atsakė: “Mano motina ir mano broliaitai tie, kurie klausosi Dievo žodžio ir jį vykdo”.
22Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.
22Vieną dieną Jėzus su mokiniais įlipo į valtį ir pasakė: “Irkimės anapus ežero!” Ir jie išplaukė.
23Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen.
23Jiems beplaukiant, Jėzus užmigo. Ežere kilo audra. Bangos pradėjo semti valtį, ir jie atsidūrė pavojuje.
24Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday.
24Tuomet pripuolę jie ėmė žadinti Jį, šaukdami: “Mokytojau, Mokytojau, mes žūvame!” Atsikėlęs Jis sudraudė vėją ir bangas. Jos nurimo, ir stojo tyla.
25Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?
25O Jėzus paklausė juos: “Kur jūsų tikėjimas?” Jie išsigandę ir nustebę kalbėjosi tarpusavy: “Kas Jis toks, kad įsakinėja net vėjams ir vandeniui, ir tie Jo klauso?!”
26Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.
26Jie atplaukė į gadariečių kraštą, kuris yra priešingame Galilėjai krante.
27Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray.
27Kai tik Jėzus išlipo į krantą, Jį pasitiko iš miesto atbėgęs vyras, kuris jau ilgą laiką turėjo demonų. Jis nedėvėjo drabužių ir negyveno namuose, bet laikėsi kapinėse.
28Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.
28Pamatęs Jėzų, jis suriko, parpuolė prieš Jį ir ėmė garsiai šaukti: “Ko nori iš manęs, Jėzau, aukščiausiojo Dievo Sūnau?! Maldauju, nekankink manęs!”
29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.
29Mat Jėzus buvo įsakęs netyrajai dvasiai išeiti iš to žmogaus. Dvasia dažnai jį sugriebdavo ir, nors jį saugodavo surakintą grandinėmis, supančiotomis kojomis, jis sutraukydavo pančius ir demonas jį varydavo į dykumą.
30Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay.
30Jėzus jo paklausė: “Kuo tu vardu?” Šis atsakė: “Legionas”. Mat į jį buvo įėję daug demonų.
31Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yaamayska tagaan.
31Jie maldavo Jėzų, kad Jis neįsakytų jiems eiti į bedugnę.
32Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay.
32Tenai kalne ganėsi didelė banda kiaulių. Demonai prašė leisti sueiti į jas. Jėzus leido.
33Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen.
33Tada demonai, išėję iš žmogaus, apniko kiaules. Banda tuojau metėsi nuo skardžio į ežerą ir prigėrė.
34Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen.
34Pamatę, kas nutiko, piemenys pabėgo ir pranešė apie tai mieste bei kaimuose.
35Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen.
35Žmonės išėjo pažiūrėti, kas atsitiko, ir, atėję prie Jėzaus, rado žmogų, iš kurio buvo išėję demonai, sėdintį prie Jėzaus kojų apsirengusį ir sveiko proto. Ir jie išsigando.
36Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey.
36Tie, kurie matė, papasakojo, kaip buvo išgydytas demonų apsėstasis.
37Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen. Markaasuu doonni fuulay, waana noqday.
37Tada visa gadariečių krašto minia ėmė prašyti, kad Jėzus pasitrauktų nuo jų, nes juos buvo apėmusi didelė baimė. Jis įsėdo į valtį ir grįžo atgal.
38Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh,
38Vyras, iš kurio buvo išėję demonai, prašėsi paliekamas pas Jėzų. Tačiau Jis atleido jį ir paliepė:
39Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.
39“Grįžk namo ir papasakok, kokių didžių dalykų tau padarė Dievas”. Tuomet jis nuėjo ir skelbė po visą miestą, ką Jėzus jam buvo padaręs.
40Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen.
40Grįžtantį Jėzų pasitiko minia, nes visi Jo laukė.
41Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo.
41Ir štai atėjo vyras, vardu Jayras, sinagogos vyresnysis. Jis puolė Jėzui po kojų, maldaudamas ateiti į jo namus.
42Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.
42Mat jo vienintelė, dvylikametė dukrelė buvo bemirštanti. Jėzus ėjo iš visų pusių spaudžiamas minios.
43Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,
43Viena moteris, dvylika metų serganti kraujoplūdžiu ir išleidusi gydytojams visus savo išteklius, bet jos nė vienas negalėjo pagydyti,
44ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay.
44prisiartino iš užpakalio ir prisilietė Jo drabužio apvado. Ir bematant kraujas liovėsi plūdęs.
45Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya.
45Jėzus paklausė: “Kas mane palietė?” Visiems besiginant, Petras ir šalia jo esantys tarė: “Mokytojau, minia Tave spaudžia ir stumia, o Tu klausi: ‘Kas mane palietė?’ ”
46Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay.
46Bet Jėzus atsakė: “Mane kažkas palietė, nes Aš pajutau, kad iš manęs išėjo jėga”.
47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.
47Moteris, matydama, kad neliko nepastebėta, drebėdama prisiartino, parpuolė Jam po kojų ir visų žmonių akivaizdoje papasakojo, kodėl prisilietė ir kaip tuojau pasveiko.
48Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag.
48Tuomet Jėzus jai tarė: “Dukra, tavo tikėjimas išgydė tave. Eik rami!”
49Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin.
49Jam tebekalbant, atėjo kažkas iš sinagogos vyresniojo namų ir tam pranešė: “Tavo duktė numirė. Nebevargink Mokytojo”.
50Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa.
50Tai išgirdęs, Jėzus tarė: “Nebijok, tik tikėk, ir ji bus išgelbėta”.
51Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee.
51Atėjęs į namus, Jis neleido su savimi įeiti niekam, tik Petrui, Jonui, Jokūbui ir mergaitės tėvui bei motinai.
52Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa.
52Visi verkė ir apraudojo ją. Bet Jis tarė: “Neverkite! Mergaitė nemirė, o tik miega”.
53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.
53Jie šaipėsi iš Jo, žinodami, kad ji mirusi.
54Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac.
54Bet Jėzus juos visus išvarė, ir, paėmęs ją už rankos, sušuko: “Mergaite, kelkis!”
55Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada.Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.
55Jos dvasia sugrįžo, ir ji tuojau atsikėlė. Jėzus liepė duoti jai valgyti.
56Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.
56Jos tėvai be galo stebėjosi, o Jis įsakė niekam nesakyti, kas buvo įvykę.