1Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim.
1Jėzaus Kristaus, Dovydo Sūnaus, Abraomo Sūnaus, kilmės knyga.
2Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,
2Abraomui gimė Izaokas, Izaokui gimė Jokūbas, Jokūbui gimė Judas ir jo broliai.
3Yahuudahna wuxuu Tamar ka dhalay Feres iyo Serah, Feresna wuxuu dhalay Esroom, Esroomna wuxuu dhalay Araam,
3Judui gimė Faras ir Zara iš Tamaros, Farui gimė Esromas, Esromui gimė Aramas.
4Araamna wuxuu dhalay Caminadaab, Caminadaabna wuxuu dhalay Naasoon, Naasoonna wuxuu dhalay Salmoon,
4Aramui gimė Aminadabas, Aminadabui gimė Naasonas, Naasonui gimė Salmonas.
5Salmoonna wuxuu Raxab ka dhalay Bocas, Bocasna wuxuu Ruud ka dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
5Salmonui gimė Boozas iš Rahabos, Boozui gimė Jobedas iš Rūtos, Jobedui gimė Jesė.
6Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud.
6Jesei gimė karalius Dovydas. Dovydui gimė Saliamonas iš Ūrijos žmonos.
7Sulaymaanna wuxuu dhalay Rexabcaam, Rexabcaamna wuxuu dhalay Abyaah, Abyaahna wuxuu dhalay Aasaa,
7Saliamonui gimė Roboamas, Roboamui gimė Abija, Abijai gimė Asa.
8Aasana wuxuu dhalay Yoosafaad, Yoosafaadna wuxuu dhalay Yooraam, Yooraamna wuxuu dhalay Cusyaah,
8Asai gimė Juozapatas, Juozapatui gimė Joramas, Joramui gimė Ozijas.
9Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,
9Ozijui gimė Joatamas, Joatamui gimė Achazas, Achazui gimė Ezekijas.
10Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah,
10Ezekijui gimė Manasas, Manasui gimė Amonas, Amonui gimė Jozijas.
11Yoosiyaahna wuxuu dhalay Yekonyaah iyo walaalihiis waagii Baabuloon loo kaxeeyey.
11Jozijui gimė Jechonijas ir jo broliai ištrėmimo į Babiloniją laikais.
12Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekonyaah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel,
12Po ištrėmimo į Babiloniją Jechonijui gimė Salatielis, Salatieliui gimė Zorobabelis.
13Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor,
13Zorobabeliui gimė Abijudas, Abijudui gimė Eliakimas, Eliakimui gimė Azoras.
14Asoorna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Akhiim, Akhiimna wuxuu dhalay Eliyuud,
14Azorui gimė Sadokas, Sadokui gimė Achimas, Achimui gimė Elijudas.
15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,
15Elijudui gimė Eleazaras, Eleazarui gimė Matanas, Matanui gimė Jokūbas.
16Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.
16Jokūbui gimė Juozapasvyras Marijos, iš kurios gimė Jėzus, vadinamas Kristumi.
17Haddaba abtirsiinyada oo dhan oo Ibraahim ilaa Daa'uud waa afar iyo toban oday, Daa'uud ilaa waagii Baabuloon loo kaxeeyeyna waa afar iyo toban oday, waagii Baabuloon loo kaxeeyey ilaa Masiixana waa afar iyo toban oday.
17Taigi nuo Abraomo iki Dovydo iš viso keturiolika kartų, nuo Dovydo iki ištrėmimo į Babiloniją keturiolika kartų ir nuo ištrėmimo į Babiloniją iki Kristaus keturiolika kartų.
18Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.
18Jėzaus Kristaus gimimas buvo toksai. Jo motina Marija buvo susižadėjusi su Juozapu; dar nepradėjus jiems kartu gyventi, ji tapo nėščia iš Šventosios Dvasios.
19Ninkeedii Yuusuf wuxuu ahaa nin xaq ah oo aan doonayn inuu dadka tuso, wuxuuse doonayay inuu si qarsoon u eryo.
19Jos vyras Juozapas, būdamas teisus ir nenorėdamas daryti jai nešlovės, sumanė tylomis ją atleisti.
20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.
20Kai jis nusprendė taip padaryti, sapne pasirodė jam Viešpaties angelas ir tarė: “Juozapai, Dovydo sūnau, nebijok parsivesti į namus savo žmonos Marijos, nes jos vaisius yra iš Šventosios Dvasios.
21Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.
21Ji pagimdys Sūnų, kuriam tu duosi vardą Jėzus, nes Jis išgelbės savo tautą iš jos nuodėmių”.
22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,
22Visa tai įvyko, kad išsipildytų, kas buvo Viešpaties pasakyta per pranašą:
23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.
23“Štai mergelė pradės įsčiose ir pagimdys Sūnų, ir Jį pavadins Emanueliu”, tai reiškia: “Dievas su mumis”.
24Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa'igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay;uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.
24Atsikėlęs Juozapas padarė taip, kaip Viešpaties angelas jam įsakė, ir parsivedė žmoną pas save.
25uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.
25Jam negyvenus su ja kaip vyrui, ji pagimdė Sūnų, kurį jis pavadino Jėzumi.