Somali

Lithuanian

Matthew

17

1Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.
1Po šešių dienų Jėzus pasiėmė Petrą, Jokūbą ir jo brolį Joną ir užsivedė juos nuošaliai ant aukšto kalno.
2Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.
2Ten Jis atsimainė jų akivaizdoje. Jo veidas švietė kaip saulė, o Jo drabužiai tapo balti kaip šviesa.
3Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.
3Ir štai jiems pasirodė Mozė ir Elijas, kurie kalbėjosi su Juo.
4Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.
4Tada Petras kreipėsi į Jėzų: “Viešpatie, gera mums čia būti! Jei nori, mes pastatysime čia tris palapines: vieną Tau, kitą Mozei, trečią Elijui”.
5Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.
5Dar jam tebekalbant, štai šviesus debesis apgaubė juos, ir štai balsas iš debesies prabilo: “Šitas yra mano mylimas Sūnus, kuriuo Aš gėriuosi. Jo klausykite!”
6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.
6Tai išgirdę, mokiniai puolė veidais į žemę ir labai išsigando.
7Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.
7Tuomet Jėzus priėjo, palietė juos ir tarė: “Kelkitės, nebijokite!”
8Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.
8Pakėlę akis, jie nieko daugiau nebematė, tik vieną Jėzų.
9Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
9Besileidžiant nuo kalno, Jėzus jiems įsakė: “Niekam nepasakokite apie regėjimą, kol Žmogaus Sūnus prisikels iš numirusių”.
10Xertiisii waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba culimmadu maxay u yidhaahdaan, Eliyaas waa inuu horta yimaado?
10Tada Jo mokiniai Jį paklausė: “Kodėl Rašto žinovai sako, jog pirmiau turįs ateiti Elijas?”
11Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa.
11Jėzus atsakė: “Iš tiesų Elijas turi ateiti pirma ir viską atstatyti.
12Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga.
12Bet Aš jums sakau, kad Elijas jau atėjo, ir jie jo nepažino, bet padarė su juo, ką norėjo. Taip nuo jų turės kentėti ir Žmogaus Sūnus”.
13Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.
13Tuomet mokiniai suprato, kad Jis kalbėjo jiems apie Joną Krikštytoją.
14Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,
14Jiems atėjus prie minios, priėjo vienas vyras ir puolė prieš Jį ant kelių, sakydamas:
15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,
15“Viešpatie, pasigailėk mano sūnaus! Jis per miegus vaikščioja ir labai kankinasi: dažnai įpuola į ugnį ir į vandenį.
16oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.
16Aš atvedžiau jį pas Tavo mokinius, bet jie nepajėgė išgydyti”.
17Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.
17Tada Jėzus atsakė: “O netikinti ir iškrypusi karta! Kaip ilgai man reikės su jumis būti? Kaip ilgai jus kęsti? Atveskite jį pas mane”.
18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.
18Jėzus sudraudė demoną, šis išėjo iš berniuko, ir tą pačią akimirką jis pasveiko.
19Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?
19Tuomet mokiniai priėjo prie Jėzaus vieni ir klausė: “Dėl ko mes negalėjome jo išvaryti?”
20Wuxuu ku yidhi, Waa rumaysadyaraantiinna aawadeed. Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaad leedihiin rumaysad iniin khardal le'eg, waxaad buurtan ku odhan doontaan, Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag, wayna dhaqaaqi doontaa, oo waxba ma kari waayi doontaan.
20Jėzus jiems atsakė: “Dėl jūsų netikėjimo. Iš tiesų sakau jums: jei turėtumėte tikėjimą kaip garstyčios grūdelį, jūs tartumėte šitam kalnui: ‘Persikelk iš čia į tenai’, ir jis persikeltų. Ir nieko jums nebūtų neįmanomo.
21Laakiin caynkan waxba kuma soo baxo tukasho iyo soon maahee.
21O šita veislė kitaip neišvaroma, kaip tik malda ir pasninku”.
22Intay Galili ku warwareegayeen, Ciise ayaa ku yidhi, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.
22Būdamas su mokiniais Galilėjoje, Jėzus jiems sakė: “Žmogaus Sūnus bus atiduotas į žmonių rankas,
23Wayna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa. Markaasay aad u calool xumaadeen.
23ir jie nužudys Jį, o trečią dieną Jis prisikels”. Tada jie labai nuliūdo.
24Goortay Kafarna'um yimaadeen, waxaa Butros u yimid kuwii labada daraakmo qaadi jiray, oo waxay ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu labadii daraakmo oo cashuurta ahayd sow ma bixiyo?
24Atėjus jiems į Kafarnaumą, prie Petro priėjo didrachmų rinkėjai ir paklausė: “Ar jūsų Mokytojas nemoka didrachmos?”
25Wuxuu yidhi, Haah, wuu bixiyaa. Oo goortuu guriga galay Ciise ayaa hadal hor mariyey oo ku yidhi, Maxay kula tahay, Simoonow? Boqorrada dhulku yay ka qaadaan cashuurta iyo baadda? Wiilashooda ama shisheeyaha?
25Jis atsakė: “Taip!” Kai parėjo į namus, Jėzus pirmas jį prakalbino: “Kaip manai, Simonai? Iš ko žemės karaliai ima muitą ar mokestį: iš savo vaikų ar iš svetimųjų?”
26Goortuu yidhi, Shisheeyaha, Ciise ayaa ku yidhi, Haddaba wiilashu waa ka reebban yihiin.Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.
26Petras Jam atsakė: “Iš svetimųjų”. Jėzus jam tarė: “Taigi vaikai laisvi.
27Laakiin si aynan u xumayn iyaga, badda tag, oo jillaab ku tuur, oo kalluunka kolka hore soo baxa soo qaad, oo goortaad afkiisa furtid waxaad ka heli doontaa istater. Kaas qaad oo inooga bixi aniga iyo adigaba.
27Tačiau, kad jų nepapiktintume, nueik prie ežero, užmesk meškerę, paimk pirmą užkibusią žuvį; ją pražiodęs, rasi staterą. Paimk ją ir atiduok jiems už mane ir už save”.