1Waxaa dhacay in, goortuu Ciise hadalladan dhammeeyey, uu Galili ka tegey, oo wuxuu yimid soohdimaha Yahuudiya, oo Webi Urdun ka shisheeya.
1Baigęs tai kalbėti, Jėzus pasitraukė iš Galilėjos ir atėjo į Judėjos sritį, anapus Jordano.
2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.
2Paskui Jį sekė didelės minios žmonių, ir Jis ten juos išgydė.
3Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo?
3Fariziejai taip pat atėjo pas Jį ir, mėgindami Jį, klausė: “Ar galima vyrui dėl kokios nors priežasties atleisti savo žmoną?”
4Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,
4Jis atsakė: “Argi neskaitėte, jog Kūrėjas iš pradžių ‘sukūrė juos, vyrą ir moterį’,
5oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?
5ir pasakė: ‘Todėl žmogus paliks tėvą ir motiną ir susijungs su savo žmona, ir du taps vienu kūnu’.
6Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.
6Taigi jie jau nebėra du, o vienas kūnas. Todėl ką Dievas sujungė, žmogus teneperskiria”.
7Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?
7Tada jie paklausė Jo: “O kodėl Mozė įsakė duoti skyrybų raštą, atleidžiant žmoną?”
8Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.
8Jis atsakė: “Mozė leido jums atleisti savo žmonas dėl jūsų širdies kietumo, bet pradžioje taip nebuvo.
9Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.
9Ir Aš jums sakau: kas atleidžia savo žmoną,jei ne dėl ištvirkavimo,ir veda kitą, svetimauja. Ir kas atleistąją veda, svetimauja”.
10Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.
10Jo mokiniai pasakė Jam: “Jei tokie vyro ir žmonos reikalai, tai geriau nevesti”.
11Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu ereygan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane.
11Jis jiems atsakė: “Ne visi gali išmanyti tuos žodžius, o tik tie, kuriems duota.
12Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.
12Nes yra eunuchų, kurie gimė tokie iš motinos įsčių. Yra eunuchų, kuriuos tokius padarė žmonės. Ir yra eunuchų, kurie patys save tokius padarė dėl dangaus karalystės. Kas pajėgia išmanyti, teišmano”.
13Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay.
13Tuomet atvedė pas Jį vaikučių, kad Jis uždėtų rankas ant jų ir pasimelstų, o mokiniai draudė jiems.
14Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada.
14Bet Jėzus tarė: “Leiskite mažutėlius ir nedrauskite jiems ateiti pas mane, nes tokių yra dangaus karalystė”.
15Gacmihiisa ayuu saaray iyaga, markaasuu meeshaas ka tegey.
15Ir, uždėjęs ant jų rankas, Jis iš ten išėjo.
16Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa wanaagsan oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo?
16Ir štai vienas, prie Jo priėjęs, klausė: “Gerasis Mokytojau, ką gero turiu daryti, kad turėčiau amžinąjį gyvenimą?”
17Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr.
17Jis jam atsakė: “Kodėl vadini mane geru? Nė vieno nėra gero, tik vienas Dievas. O jei nori įeiti į gyvenimą, laikykis įsakymų”.
18Wuxuu ku yidhi, Kuwee? Ciise ayaa ku yidhi, Waa inaanad qudh gooyn, Waa inaanad sinaysan, Wan inaanad wax xadin, Waa inaanad marag been ah furin.
18Tas paklausė Jo: “Kokių?” Jėzus atsakė: “Nežudyk, nesvetimauk, nevok, melagingai neliudyk;
19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.
19gerbk savo tėvą ir motiną; mylėk savo artimą kaip save patį”.
20Ninkii dhallinyarada ahaa ayaa ku yidhi, Kuwaas oo dhan ayaan dhawray. Maxaa weli ii dhiman?
20Jaunuolis Jam tarė: “Viso to laikausi nuo savo jaunystės. Ko dar man trūksta?”
21Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad doonaysid inaad samaatid, tag oo iibi waxaad haysatid, oo masaakiinta sii, oo waxaad jannada ku lahaan doontaa maal; ee kaalay oo i soo raac.
21Jėzus atsakė: “Jei nori būti tobulas, eik, parduok, ką turi, išdalink vargšams, ir turėsi turtą danguje. Tada ateik ir sek paskui mane”.
22Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.
22Išgirdęs tuos žodžius, jaunuolis nuliūdęs pasitraukė, nes turėjo daug turto.
23Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.
23Tada Jėzus tarė savo mokiniams: “Iš tiesų sakau jums: turtingas sunkiai įeis į dangaus karalystę.
24Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.
24Ir dar kartą jums sakau: lengviau kupranugariui išlįsti pro adatos ausį, negu turtingam įeiti į Dievo karalystę”.
25Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?
25Tai išgirdę, Jo mokiniai labai nustebo ir klausė: “Kas tada gali būti išgelbėtas?”
26Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
26Jėzus pažvelgė į juos ir tarė: “Žmonėms tai neįmanoma, bet Dievui viskas įmanoma”.
27Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?
27Tada Petras Jį paklausė: “Štai mes viską palikome ir sekame paskui Tave. Kas mums bus už tai?”
28Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.
28Jėzus jiems atsakė: “Iš tiesų sakau jums: atgimime, kai Žmogaus Sūnus sėdės savo šlovės soste, jūs, mano sekėjai, irgi sėdėsite dvylikoje sostų, teisdami dvylika Izraelio giminių.
29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
29Ir kiekvienas, kas paliko namus ar brolius, ar seseris, ar tėvą, ar motiną, ar žmoną, ar vaikus, ar laukus dėl mano vardo, gaus šimteriopai ir paveldės amžinąjį gyvenimą.
30Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
30Tačiau daug pirmųjų bus paskutiniai, ir paskutiniaipirmi”.