1Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.
1“Žiūrėkite, jog nedarytumėte savo gailestingumo darbų žmonių akyse, kad būtumėte jų matomi, kitaip negausite atlygio iš savo Tėvo, kuris danguje.
2Haddaba markaad sadaqad bixinayso, buun ha ugu dhufan hortaada sida labawejiilayaashu sunagogyada iyo jidadka ku sameeyaan si dadku u ammaanaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
2Todėl, duodamas išmaldą, netrimituok sinagogose ir gatvėse, kaip daro veidmainiai, kad būtų žmonių giriami. Iš tiesų sakau jums: jie jau atsiėmė savo atlygį.
3Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso,
3Kai aukoji, tenežino tavo kairė, ką daro dešinė,
4si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
4kad tavo gailestingumo auka būtų slaptoje, o tavo Tėvas, regintis slaptoje, tau atlygins viešai”.
5Oo goortaad tukanaysaan, ha ahaanina sida labawejiilayaasha, waayo, waxay jecel yihiin inay tukadaan iyagoo taagan sunagogyada iyo meesha jidadku isku gooyaan si ay dadka ugu muuqdaan. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
5“Kai meldžiatės, nebūkite kaip veidmainiai, kurie mėgsta melstis, stovėdami sinagogose ir gatvių kampuose, kad būtų žmonių matomi. Iš tiesų sakau jums: jie jau atsiėmė savo atlygį.
6Laakiin adigu goortaad tukanaysid, qolkaaga qarsoon gal, oo goortaad albaabkaaga xidhid, Aabbahaaga meesha qarsoon ku jira bari, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.
6Kai meldiesi, eik į savo kambarėlį ir, užsirakinęs duris, melskis savo Tėvui, kuris yra slaptoje, o tavo Tėvas, regintis slaptoje, tau atlygins viešai.
7Goortaad tukanaysaan hadalka ha ku celcelinina sida dadka aan Ilaah aaminin yeelaan, waayo, waxay u malaynayaan in loo maqlayo hadalkooda badan aawadiis.
7Melsdamiesi nedaugiažodžiaukite kaip pagonys: jie mano būsią išklausyti dėl žodžių gausumo.
8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.
8Nebūkite panašūs į juos, nes jūsų Tėvas žino, ko jums reikia, dar prieš jums prašant Jo.
9Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
9Todėl melskitės taip: ‘Tėve mūsų, kuris esi danguje, teesie šventas Tavo vardas,
10Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
10teateinie Tavo karalystė, tebūnie Tavo valia kaip danguje, taip ir žemėje.
11Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
11Kasdienės mūsų duonos duok mums šiandien
12Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
12ir atleisk mums mūsų kaltes, kaip ir mes atleidžiame savo kaltininkams.
13Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
13Ir nevesk mūsų į pagundymą, bet gelbėk mus nuo pikto; nes Tavo yra karalystė, jėga ir šlovė per amžius. Amen’.
14Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.
14Jeigu jūs atleisite žmonėms jų nusižengimus, tai ir jūsų dangiškasis Tėvas atleis jums,
15Laakiin haddaanad dadka cafiyin, Aabbihiinnu xumaantiinna idiin cafiyi maayo.
15o jeigu jūs neatleisite žmonėms jų nusižengimų, tai ir jūsų Tėvas neatleis jūsų nusižengimų”.
16Kolkaad soontaan ha ahaanina sida labawejiilayaashu u fool qulubsan yihiin, waayo, way isfoolxumeeyaan si ay dadka ugu muuqdaan inay sooman yihiin. Runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalgudkoodii way heleen.
16“Kai pasninkaujate, nebūkite paniurę kaip veidmainiai: jie perkreipia veidus, kad žmonės matytų juos pasninkaujant. Iš tiesų sakau jums: jie jau atsiėmė savo atlygį.
17Laakiin adigu goortaad soontid, madaxaaga saliid marso oo fool dhaqo,
17O tu, kai pasninkauji, pasitepk galvą ir nusiprausk veidą,
18si aadan dadka ugu muuqan inaad sooman tahay, laakiin aad ugu muuqatid Aabbahaaga meel qarsoon ku jira, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arkaa waa kuu abaalgudi doonaa.
18kad ne žmonėms rodytumeis pasninkaująs, bet savo Tėvui, kuris yra slaptoje. Ir tavo Tėvas, regintis slaptoje, tau atlygins viešai”.
19Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,
19“Nekraukite sau turtų žemėje, kur kandys ir rūdys ėda, kur vagys įsilaužia ir vagia.
20laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin.
20Bet kraukite sau turtus danguje, kur nei kandys, nei rūdys neėda, kur vagys neįsilaužia ir nevagia,
21Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.
21nes kur tavo turtas, ten ir tavo širdis”.
22Ilayska jidhku waa isha; haddaba haddii ishaadu hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammi waa iftiimi doonaa.
22“Kūno žiburys yra akis. Todėl, jei tavo akis sveika, visas tavo kūnas bus šviesus.
23Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!
23O jei tavo akis pikta, visas tavo kūnas bus tamsus. Taigi, jei tavyje esanti šviesa yra tamsa, tai kokia baisi toji tamsa!”
24Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
24“Niekas negali tarnauti dviems šeimininkams: arba jis vieno nekęs, o kitą mylės, arba vienam bus atsidavęs, o kitą nieku vers. Negalite tarnauti Dievui ir Mamonai”.
25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?
25“Todėl sakau jums: nesirūpinkite savo gyvybe, ką valgysite ar ką gersite, nei savo kūnu, kuo vilkėsite. Argi gyvybė ne daugiau už maistą ir kūnas už drabužį?
26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?
26Pažvelkite į padangių paukščius: nei jie sėja, nei pjauna, nei į kluonus krauna, o jūsų dangiškasis Tėvas juos maitina. Argi jūs ne daug vertesni už juos?
27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?
27O kas iš jūsų gali savo rūpesčiu bent per sprindį pridėti sau ūgio?
28Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.
28Ir kam gi rūpinatės drabužiu? Žiūrėkite, kaip auga lauko lelijos. Jos nesidarbuoja ir neverpia,
29Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.
29bet sakau jums: nė Saliamonas visoje savo šlovėje nebuvo taip pasipuošęs, kaip kiekviena iš jų.
30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?
30Jeigu Dievas taip aprengia laukų žolę, kuri šiandien žaliuoja, o rytoj metama į krosnį, tai argi Jis dar labiau nepasirūpins jumis, mažatikiai?
31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?
31Todėl nesirūpinkite ir neklausinėkite: ‘Ką valgysime?’, arba: ‘Ką gersime?’, arba: ‘Kuo vilkėsime?’
32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.
32Visų tų dalykų ieško pagonys. Jūsų dangiškasis Tėvas juk žino, kad viso to jums reikia.
33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.
33Pirmiausia ieškokite Dievo karalystės ir Jo teisumo, o visa tai bus jums pridėta.
34Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.
34Taigi nesirūpinkite rytdiena, nes rytojus pats pasirūpins savimi. Kiekvienai dienai užtenka savo vargo”.