1Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan.
1Paskutinėmis dienomis Viešpaties namų kalnas tvirtai stovės kaip aukščiausias kalnas. Jis iškils aukščiau nei kalvos, tautos plauks į jį.
2Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
2Daug tautų ateis ir sakys: “Ateikite, eikime visi į Viešpaties kalną ir į Jokūbo Dievo namus, kad Jis mus mokytų savo kelių ir mes vaikščiotume Jo takais!” Iš Siono išeis įstatymas, o Viešpaties žodisiš Jeruzalės.
3Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
3Jis teis daugelį tautų, sudraus toli esančias galingas tautas. Tada jos perkals savo kardus į noragus ir ietis į pjautuvus. Tauta nebekels kardo prieš tautą ir jie nebesimokys kariauti.
4Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.
4Kiekvienas saugiai sėdės po savo vynmedžiu ir po savo figmedžiu, niekieno negąsdinamas, nes kareivijų Viešpats taip kalbėjo.
5Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.
5Nes visos tautos vaikšto kiekviena savo dievo vardu, tačiau mes vaikščiosime Viešpaties, savo Dievo, vardu visados ir per amžius.
6Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.
6“Tuomet,sako Viešpats,Aš surinksiu iš tremties raišuosius, išblaškytuosius ir tuos, kuriuos varginau.
7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.
7Aš padarysiu raišuosius likučiu, toli išsklaidytuosiusgalinga tauta. Viešpats bus jų karalius Siono kalne per amžius.
8Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.
8Tu, kaimenės bokšte, Siono dukters tvirtove, tau bus sugrąžinta ankstesnė valdžia, Jeruzalės dukrai sugrįš karalystė!”
9Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?
9Kodėl dabar taip garsiai šauki? Ar neturi karaliaus? Ar žuvo tavo patarėjas? Skausmai suėmė tave lyg gimdyvę.
10Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.
10Raitykis ir dejuok iš skausmo kaip gimdyvė, Siono dukra! Tu turėsi palikti miestą ir gyventi atvirame lauke, tu nueisi iki Babilono. Ten tu būsi išgelbėta, nes Viešpats išpirks tave iš priešo rankos.
11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
11Susirinkusios prieš tave tautos sako: “Ji tebūna išniekinta, tepasigėri Sionu mūsų akys!”
12Laakiinse iyagu ma ay yaqaaniin Rabbiga fikirradiisa, mana ay gartaan taladiisa, waayo, isagu wuxuu iyaga u ururshay sidii xidhmooyin loo wada meesha hadhuudhka lagu tumo.Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.
12Bet jos nežino Viešpaties minčių ir nesupranta Jo sprendimų. Jis jas surinks kaip pėdus į klojimą.
13Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.
13Siono dukra, pakilk ir kulk. Aš padarysiu tavo ragą geležinį, o kanopas varines. Tu sudaužysi daug tautų, pašvęsi Viešpačiui, viso pasaulio valdovui, jų grobį ir jų turtus.