Somali

Lithuanian

Micah

7

1Anaa iska hoogay! Waayo, waxaan ahay sidii marka la soo ururiyo midhaha beergoosadka, iyo sida xaabxaabka canabka. Ma jiro rucub la cuna. Naftaydu waxay doonaysaa berdaha hore u bislaaday.
1Vargas man, kaip nuskynus vasaros vaisius, kaip nurinkus vynuogių likučius: nėra jokios kekės pavalgyti nė nunokusių figų, kurias taip mėgstu!
2Dadkii cibaadada lahaa wuu ka wada baabba'ay dhulka, oo dadka dhexdiisa laguma arko mid qumman. Kulligood waxay u wada gabbadaan inay dhiig galaan daraaddeed, oo nin kastaaba walaalkiis ayuu shabag ku ugaadhsadaa.
2Dingo geri žmonės krašte, nebėra dorų žmonių. Jie visi tykoja kraujo, spendžia pinkles broliui.
3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.
3Jų rankos yra stropios piktam. Kunigaikštis ir teisėjas reikalauja dovanų, o turtuolis reiškia savo nedorus norus. Taip jie iškraipo teisingumą.
4Kooda ugu wanaagsanu waa sidii qodxan oo kale, kooda ugu wada qummanuna waa sidii yamaarug oo kale. Wakhtigii waardiyihiinna oo ah wakhtigii laydin soo booqan lahaa waa yimid, wareerkoodu hadduu noqon doonaa.
4Jų geriausias yra kaip usnis, o doriausias kaip erškėčių tvora. Sąmyšio diena artėja, pranašų žodžiai pildosi.
5Deris ha isku hallaynina, saaxiibna ha ku kalsoonaanina, afkaagana ka xidho tan laabtaada ku jiifta.
5Netikėkite artimu, nepasitikėkite draugu! Saugokis net tos, kuri guli prie tavo šono.
6Waayo, wiil wuxuu sharaf jebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.
6Sūnus niekina tėvą, duktė sukyla prieš motiną, marti prieš anytą; žmogaus priešai yra jo paties namiškiai.
7Laakiinse anigu Rabbigaan dhawrayaa, oo Ilaaha badbaadadayda waan sugayaa. Ilaahay wuu i maqli doonaa.
7O aš ieškosiu Viešpaties, lauksiu savo išgelbėjimo Dievo! Mano Dievas išklausys mane.
8Cadowgaygow, ha igu farxin. Goortaan dhoco waan kici doonaa, oo goortaan gudcur fadhiistana Rabbiga ayaa iftiin ii noqon doona.
8Nesidžiauk, mano prieše! Nors suklupau­atsikelsiu, nors sėdžiu tamsoje­Viešpats yra mano šviesa.
9Anigu waan qaadan doonaa Rabbiga dhirifkiisa, maxaa yeelay, waan ku dembaabay isaga, ilaa uu dacwaddayda ii muddaco, oo uu ii garsooro. Iftiinka wuu ii soo bixin doonaa, oo anna xaqnimadiisa waan arki doonaa.
9Viešpaties rūstybę kęsiu, nes Jam nusidėjau. Jis išspręs mano bylą ir bus man teisingas­Jis išves mane į šviesą ir aš matysiu Jo teisumą.
10Dabadeedna waxaa arki doonta tan cadowgayga ah, oo aad bay u ceeboobi doontaa tan igu lahayd, Meeh Rabbiga Ilaahaaga ah? Indhahaygu way fiirin doonaan iyada, oo haatan waxaa iyada loogu tuman doonaa sidii dhoobada jidadka dhex taal.
10Mano priešai tai matys ir bus sugėdinti. Jie kalbėjo: “Kur yra Viešpats, tavo Dievas?” Aš matysiu juos sutryptus gatvių purve.
11Waxaa iman doona wakhti derbiyadiinna la dhisi doono, oo wakhtigaas ayaa soohdintiinna la ballaadhin doonaa.
11Ateina dienos tavo sienoms atstatyti, dienos tavo riboms praplėsti.
12Wakhtigaas waxaa laydiinka iman doonaa tan iyo dalka Ashuur iyo ilaa magaalooyinka Masar, iyo tan iyo Masar iyo ilaa Webi Yufraad, iyo tan iyo bad ilaa baddeeda kale, iyo buur iyo ilaa buurteeda kale.
12Tą dieną ateis pas tave iš visur: nuo Asūro iki Egipto, nuo Tyro iki Eufrato, nuo jūros iki jūros ir nuo kalno iki kalno.
13Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.
13Tačiau kraštas virs dykyne dėl jo gyventojų, dėl jų darbų vaisiaus.
14Dadkaaga oo ah adhigii dhaxalkaaga oo kaynta Karmel ku dhex taal keli ahaantood deggan ushaada ku daaji. Iyagu ha daaqeen Baashaan iyo Gilecaad sidii waagii hore.
14Ganyk savo tautą, savo paveldo avis, kurios vienišos gyvena Karmelio miške. Tegul jos ganosi Bašano ir Gileado vešliuose laukuose kaip senomis dienomis.
15Sidii wakhtigii aad dalkii Masar ka soo baxdeen ayaan waxyaalo yaab badan tusi doonaa.
15Parodysiu jums nuostabių dalykų, kaip jums išeinant iš Egipto krašto.
16Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan.
16Tautos, tai matydamos, susigės dėl savo jėgos: nebenorės nei girdėti, nei kalbėti.
17Waxay ciidda u leefleefi doonaan sidii abeeso oo kale, sidii waxyaalo dhulka ku gurguurta ayay iyagoo gariiraya meelahooda ka soo bixi doonaan, oo waxay cabsi ugu iman doonaan Rabbiga Ilaaheenna ah, oo idinka aawadiin ayay u baqi doonaan.
17Jos ris dulkes kaip gyvatės, kaip žemės kirmėlės išlįs iš savo skylių. Jos bijos Viešpaties, mūsų Dievo, ir drebės dėl Tavęs.
18Bal waa kee Ilaaha kula mid ahi, kaasoo xumaanta saamaxa, oo iska dhaafa xadgudubka kuwa dhaxalkiisa ka hadhay? Isagu sii ma cadhaysnaado weligiis, maxaa yeelay, naxariistuu ku farxaa.
18Kur yra toks Dievas kaip Tu, kuris atleidžia kaltę savo išrinktosios tautos likučiui? Jis nerūstauja per amžius, nes Jam patinka gailestingumas.
19Isagu wuu soo jeedsan doonaa oo wuu inoo naxariisan doonaa. Xumaanteennana cagta buu kula joogsan doonaa. Adigu dembiyadooda oo dhan waxaad ku tuuri doontaa badda moolkeeda.Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.
19Jis pasigailės mūsų, sunaikins nusikaltimus ir paskandins jūros gelmėse visas mūsų nuodėmes.
20Sidaad waagii hore awowayaashayo ugu dhaaratay, waxaad Yacquub u samayn doontaa run, Ibraahimna naxariis.
20Tu parodysi ištikimybę Jokūbui ir gailestingumą Abraomui, kaip su priesaika pažadėjai mūsų tėvams senomis dienomis.