Somali

Lithuanian

Nahum

2

1Kii wax burburinayay waa u soo baxay hortiinna. Qalcaddiinna dhawra, oo jidka ilaaliya, oo guntiga isku giijiya, oo xooggiinnana si weyn u adkeeya.
1Tas, kuris daužo į gabalus, ateina prieš tave. Budėk, stebėk kelią, pasiruošk, sukaupk visas jėgas!
2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
2Viešpats atgaivina Jokūbo ir Izraelio didybę, nors priešai juos nusiaubė ir jų vynmedžių šakeles sulaužė.
3Oo raggiisa xoogga badan gaashaankoodiina waa la caseeyey, oo ragga dagaalyahanka ahuna waxay xidhaan dhar guduudan, oo maalintii isdiyaarintiisana gaadhifardoodyadu waa bir widhwidha, oo warmihiina waa loo ruxay si cabsi badan.
3Priešų skydai raudoni, karių apranga skaisčiai raudonos spalvos. Kovos vežimai žibės kaip liepsna, svyruos iečių miškas.
4Gaadhifardoodyada ayaa jidadka dhexdooda ka gurdamaya, oo jidadka balballaadhan ayaa midkoodba kan kale ku cidhiidhinaya, oo muuqashadooduna waa sida qori iftiimaya oo kale, waxayna u ordayaan sida hillaaca oo kale.
4Kovos vežimai lėks gatvėmis ir aikštėmis tarsi žaibas.
5Wuxuu xusuustaa geesiyaashiisii, way turunturoodaan markay socdaan, oo derbigay ku degdegayaan, gabbaadkana waa la diyaariyey.
5Jis šauks savo drąsiuosius, jie skubės klupdami, veršis prie sienos, bet apgultis jau bus paruošta.
6Irdihii webiyaashu way furmeen, oo gurigii boqorkuna waa baabba'ay.
6Upių vartai bus atidaryti, rūmai užimami.
7Husab waa qaawan tahay, iyadii waa la kaxaystay, oo addoommaheediina waxay ugu musannaabayaan cod u eg midka qoolleyda oo kale, laabtana way garaacayaan.
7Karalienė bus vedama į nelaisvę, o jos tarnaitės dejuos kaip balandžiai ir mušis į krūtinę.
8Laakiinse Nineweh waxay tan iyo waagii hore ahaan jirtay sidii balli biya ah, habase yeeshee way cararayaan. Waxaa lagu qayliyaa, War jooga, jooga! laakiinse ninna dib uma eego.
8Ninevė yra tvenkinys, iš kurio ištekės vanduo. Jis šauks: “Sustokite, sustokite!”, bet niekas nekreips dėmesio.
9War lacagta dhaca, oo dahabka dhaca, waayo, kaydka iyo maalka wacan oo sharafta leh oo dhammu innaba dhammaad ma leh.
9Plėškite sidabrą, plėškite auksą! Čia turtų daugybė, nėra jiems galo!
10Way madhan tahay, oo waa baabba', oo waa cidla, oo qalbigu waa dhalaalayaa, lowyuhuna way isgaraacayaan, oo qof kasta dhexdiisa xanuun baa ku jira, oo kulligoodna wejigooda cabsi baa ka muuqanaysa.
10Ji tuščia, išplėšta ir sunaikinta. Širdis alpsta, keliai dreba, visų veidai iš baimės pabalę.
11Bal meeday bohoshii libaaxyadu, oo meeday meeshii lagu quudin jiray libaaxyada qayrabka ah, taasoo ah meeshii ay ku socon jireen aarka iyo goosha iyo dhasha libaaxu, iyagoo aan ciduna cabsiin?
11Kur liūto buveinė, kur jaunų liūtų ola, kur liūtukai, kurie nepažino baimės?
12Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.
12Liūtas plėšė ir smaugė savo jaunikliams ir liūtėms, jis grobiu pripildė olas ir landas.
13Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, anigu col baan idinla ahay, oo gaadhifardoodyadana qiiq baan ku gubi doonaa, oo libaaxyada qayrabyada ahna seef baa baabbi'in doonta, oo waxa aad ugaadhsataanna dhulkaan ka dhammayn doonaa, oo codkii wargeysyadiinnana mar dambe lama maqli doono.
13“Aš esu prieš tave,­sako kareivijų Viešpats.­Aš sudeginsiu tavo kovos vežimus, tavo jaunuolius sunaikins kardas. Tu neteksi grobio, niekas nebegirdės tavo pasiuntinių balso”.