Somali

Lithuanian

Numbers

9

1Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, bishii kowaad ee sannaddii labaad oo ka dambaysay wakhtigii ay dalkii Masar ka soo bexeen, oo wuxuu ku yidhi,
1Izraelitams išėjus iš Egipto, antraisiais metais, pirmą mėnesį Viešpats kalbėjo Mozei Sinajaus dykumoje:
2Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.
2“Tegul izraelitai švenčia Paschą jai skirtu metu,
3Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.
3šio mėnesio keturioliktos dienos vakare, laikydamiesi visų apeigų ir nurodymų”.
4Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.
4Mozė pasakė izraelitams, kad jie turi švęsti Paschą.
5Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.
5Jie ją šventė pirmo mėnesio keturioliktos dienos vakare prie Sinajaus kalno. Izraelitai darė visa, kaip Viešpats buvo įsakęs Mozei.
6Oo waxaa jiray niman ku nijaasoobay nin dhintay meydkiis oo aanay sidaas aawadeed karin inay maalintaas Iiddii Kormaridda dhawraan, oo maalintaasay yimaadeen Muuse iyo Haaruun hortooda.
6Kai kurie buvo susitepę žmogaus lavonu ir tą dieną negalėjo švęsti Paschos. Jie atėjo pas Mozę bei Aaroną ir jiems tarė:
7Oo nimankaasu waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku nijaasownay nin dhintay meydkiis. Haddaba maxaa nalooga celiyey inaannu reer binu Israa'iil la bixinno qurbaankii Rabbiga xilligii la amray?
7“Mes susitepę mirusiu. Ar dėl to mes neturime teisės aukoti Viešpačiui kartu su visais izraelitais?”
8Markaasaa Muuse ku yidhi, I suga intaan soo maqlayo waxa Rabbigu amri doono oo idinku saabsan.
8Mozė jiems atsakė: “Palaukite, aš paklausiu, ką Viešpats pasakys šiuo reikalu”.
9Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
9Ir Viešpats kalbėjo Mozei:
10Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda.
10“Jei kas iš izraelitų susiteptų mirusiu ar būtų kelionėje, tešvenčia Paschą
11Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.
11antro mėnesio keturioliktos dienos vakare, valgydamas neraugintą duoną su karčiomis žolėmis;
12Waa inayan waxba ka reebin ilaa subaxda, oo ayan lafahana mid ka jebin. Waa inay u dhawraan sida qaynuunka Iidda Kormaridda yahay oo dhan.
12nieko nepaliks ligi ryto ir nė vieno avinėlio kaulo nesulaužys; laikysis visų Paschos nuostatų.
13Laakiinse ninkii daahir ah oo aan sodcaal ku jirin oo ka hadha inuu dhawro Iidda Kormaridda, qofkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa, maxaa yeelay, wuxuusan bixin qurbaankii Rabbiga xilligiisii la amray, oo ninkaasu dembigiisuu qaadan doonaa.
13O jei kas nesuteptas ir nekeliaudamas nešvęstų Paschos, tas bus išnaikintas iš savo tautos, nes neaukojo Viešpačiui skirtu laiku; jis atsakys už savo nuodėmę.
14Oo haddii nin qalaad dhexdiinna deggan yahay, oo uu doonayo inuu Rabbiga u dhawro Iidda Kormaridda, waa inuu u sameeyaa sida ay Iidda Kormaridda qaynuunkeeda iyo amarkeedu yihiin, oo kii qalaad iyo kii dalka ku dhashayba waa inaad isku qaynuun u lahaataan.
14Jei tarp jūsų būtų svetimšalis ar ateivis, kuris norėtų švęsti Paschą, tešvenčia ją Viešpačiui, laikydamasis tų pačių apeigų ir nurodymų. Jums ir ateiviui yra tas pats įstatymas”.
15Oo maalintii taambuugga la dhisay ayaa daruurtu qarisay taambuuggii, kaasoo ah teendhadii maragga, oo fiidkii waxay taambuuggii korkiisa uga muuqatay sida wax dab u eg ilaa subaxdii.
15Tą dieną, kai buvo pastatyta Liudijimo palapinė, ją apdengė debesis, o naktį virš palapinės buvo tarsi ugnies liepsna.
16Oo sidaasay mar kasta ahayd. Maalintii daruurtii baa qarisay, habeenkiina wax dab u eg.
16Taip buvo visą laiką: dieną ją dengė debesis, o naktį­tarsi liepsna.
17Oo mar alla markii daruurta Teendhada korkeeda laga qaado, dabadeed ayaa reer binu Israa'iil guuri jireen, oo meeshii daruurtu degto ayay reer binu Israa'iil degi jireen.
17Kai palapinę dengiąs debesis pakildavo, izraelitai iškeliaudavo; toje vietoje, kur debesis nusileisdavo, izraelitai statydavo stovyklą.
18Oo reer binu Israa'iil waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga, waxayna ku degi jireen amarka Rabbiga; oo in alla inta daruurtu taambuugga kor joogto halkaasay iska sii degganaan jireen.
18Pagal Viešpaties įsakymą jie keliaudavo ir Jam įsakius ištiesdavo palapines. Kol debesis dengė palapinę, jie pasilikdavo toje pačioje vietoje.
19Oo haddii daruurtu taambuugga kor joogto maalmo badan, markaas reer binu Israa'iil way xajin jireen amarka Rabbiga oo mana ay guuri jirin.
19Jei debesis virš palapinės pasilikdavo ilgą laiką, izraelitai nekeliaudavo.
20Oo marmarna daruurtu taambuugga waxay kor joogi jirtay dhawr maalmood, oo markaas sidii amarka Rabbigu ahaa way iska sii degganaan jireen, oo waxay ku guuri jireen sidii amarka Rabbigu ahaa.
20Kartais debesis virš palapinės likdavo tik kelias dienas. Pagal Viešpaties įsakymą jie ištiesdavo palapines ir pagal Jo įsakymą iškeliaudavo.
21Oo marmarna daruurtu waxay joogtay fiidkii ilamaa subaxdii; oo markii daruurta subaxdii la qaado ayay guuri jireen; oo hadday habeen iyo maalin sii joogtana, markii daruurta la qaado ayay guuri jireen.
21Jei debesis stovėdavo virš palapinės tik vieną naktį ir, dienai brėkštant, pakildavo, jie keliaudavo toliau; jei debesis pakildavo, jie iškeliaudavo ar dieną, ar naktį.
22Oo hadday tahay laba maalmood ama bil ama sannad, in alla intii daruurtu taambuugga dul joogto, oo ay kor deggan tahay, reer binu Israa'iil way iska sii degganaan jireen, oo mana ay guuri jirin; laakiinse markii daruurta kor loo qaado way guuri jireen.Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.
22O jei dvi dienas ar visą mėnesį, ar metus debesis pasilikdavo ant palapinės, izraelitai pasilikdavo toje pačioje vietoje; kai tik debesis pakildavo, jie keldavosi iš stovyklos.
23Waxay ku degi jireen amarka Rabbiga, oo waxay ku guuri jireen amarka Rabbiga. Iyagu xukunkii Rabbiga ayay ku dhawri jireen amarkii Rabbigu ugu soo dhiibay Muuse.
23Pagal Viešpaties įsakymą jie ištiesdavo palapines ir pagal Jo įsakymą iškeliaudavo. Jie laikėsi Viešpaties per Mozę duoto įsakymo.